Kulankii Wadatashiga Gudiga Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda oo la soo Xidhay

0
95

Hargeysa (SH)-Kulankii Guddiga Diiwaan-gelinta iyo Ururrada Siyaasadda dhawaan isu diiwaan-geliyey tartanka siyaasadda ayaa lagu soo xidhay Hotelk-ka Maan-soor ee Hargeysa,balse ka hore intii aanay guddigu soo xidhin doodihii kulankaasi waxaa madasha laga akhriyey falanqayn iyo doodd laga soo jeediyey qaarkamida qodobadii ay shalay ka hadleen madaxda ururrada siyaasadda ee kulankaasi ka soo qaybgalay, waxaana qodobada xeerkaasi madasha ka akhriyey Garyaqaan Axmed Maxamed Hiirad.

qaarkamida xunbaha Ururrada siyaasadda ayaa dood ka soo jeediyey sida balse waxaa dooddooda qodobadaasi ka horyimid Gudoomiyaha Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda Siciid Maxamed Cilmi waxaanu si degan ugu caqliceliyey xubnihii dareenkaasi qabay waxaana kamid ahaa Guddoomiyaha Ururr-siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo sidan yidhi ” Guddoomiye wixii aan shalay ka doodnay haddii aan maantana dib ugu noqono saw sheekadu halkii uun joog-noqonayso, aniga waxay ilatahay inaynaan maantana dib ugu noqon wixii aan shalay ka soo hadallay sax iyo khalad midkay doonayaanba ha ahaadeene”

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada siyaasadda Siciid Maxamed Cilmi waxa uu ka dareen-celiyey arrintaasi waxaanu sheegay qodobadaasi inay ka midyihiin arrimaha ay tahay in laga hadlo isla markaana aanay cidina ka hor iman karin balse haddii ay dhacdo inaanay qaar kamida ururrada siyaasaddu ku qanacsanayn arrimahaasi ay iga u taallo isla markaana aanay cidi ku qasbayn inay xeerkaasi sida ay guddigu u soo diyaareen shalayna looga wada dooday lagu qasbayn inay saxiixaan isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi”ma jecli inay doodeenu noqoto qisadii sicii Nabi-muuse oo kale oo aynu halkii uun taagnaano xeerkaasina waxa uu u soconayaa sidii aynu shalay uga doodnay wax dib loogu noqonayaana ma jirto ururkiii aan saxiixayna isagay u taallaa cid qasbaysaana ma jirto” Guddoomiyaha Guddiga diiwaan-gelinta Siciid Maxamed Cilmi.

Gaba-gabadii doodahaasi waxaa la gudogalay halkii ay loo socday oo ahayd inay ururradu saxiixaan Xeerka hab-dhaqanka Ururr-siyaasadeedka inay Guddoomiya-yaasha Ururrada la guddoonsiiyo SHAHAADADII SHARCIGA AHAYD ee URURR-NIMADA ” Guddmiya-yaasha Ururrada Siyaasadda iyo guud ahaanba xubnaha kaleba waxaan idiinka mahad-celinayaa dulqaadkii iyo daganaanshihii aadmuujiseen ilaa intii aynu ku jirray kulankeenii wada tashiga xeerka habdhaqanka Ururr-syaasadeedka haddana waxaynu soo gaadhnay halkii ugu muhiimsanayd oo ah inaydun saxiixdaan xeerka Habdhaqanka Urur-siyaasadeedka hawshana waxaan ku wareejinayaa Mukhtaar oo innoo daadihiya barnaamuka inta ka hadhay” Siciid Maxamed Cilmi.

Af-hayeenka Guddiga Diiwaan-gelinta Mukhtaar Cabdi Jaamac ayaa midd-midd ugu yeedhay Guddoomiya-yaasha Ururrada siyaasadda inay yimaadaan maydaanka laga hagayo shirkaasi isla markaana ay saxiixaan waraaqda Xeerka Habdhaqanka Ururrad Siyaasadeedka, waxaanay Guddoomiya-yaasha Ururradaasi qalinka ku duugeen waraaqda Xeerka Habdhaqanka Ururr-siyaasadeedka, ka dibna waxa uu Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyadu uu guddoonsiiyey Guddoomiya-yaasha Ururradaasi Shahaadooyinkii sharciga ahaa ee ay ku hawl-galilahaayeenn.

“Waxaanu garanay inaanu hadalka xidhitaanka siino 3 Ururr Siyaasadeed oo idin matalidoona waxaanan u yeedhayaan Guddoomiye ku xigeenka Ururr-siyaasadeedka Hilaac Marwo Muna inay halkan timaaddo” Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Siciid Maxamed Cilmi.

Marwo Muna Bile Xirsi oo ku hadlayesay afka Ururr-siyaasadeedka Hilaac oo halkaa ka hadashay waxay tilmaantay inay dhalinyaradu yihiin kaalinta ugu mudan ee hanashada hogaanka dalka iyo ka qaybgalka siyaasadda waxaanay tidhi “Mudane Guddoomiye waxaann adiga iyo xubnaha kale ee Guddigiinaba idiinka mahadcelinayaa sida wanaaggsan ee aad ee masuuliyaddu ka muuqato ee aadd hawshan miisaanka leh noogu daadihinaysaan” Muna Bile Xirsi.

dhakna kalana waxay marwo Muna Bile Xirsi Guddoomiye ku xigeenka Hilaac sheegtay inay haweenku yihiin tiir-dhexaadka horumarka dalka dhaqaale iyo siyaasaddba sidaa darteed waxay sheegtay inay guddigu ku mahadsanyihiin kootada 100%30 ay u xidheen inay dumarku helaan kuraasta ururrada siyaasadda iyada oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaan Guddiga uga mahadcelinayaa inaad na siiseen tirada kootada ka haween ahaan 100%30 waxaanad noqonaysaan Guddiigii ugu horreeyey ee ku dhawaaqa inay Haweenka tiradaasi siindoonaan” Muna Bile Xirsi.

Guddoomiyaha Ururr-siyaasadeedka Shacabka(SPP) Mundane Xaglo-toosiye oo halkaasi  ka hadlay wax uu uruurada iyo xisbiyadiihoreba ku boorriyey inay ilaaliyaan sharciga tartanka iyo nidaamka ololaha siyaasadeed, nabadgaliyadana ay ilaaliyaann “anigu haddaanan diyaar u ahayn inaan sharciga iyo nabadgeliyada dalka ilaaliyo ama uu urur-keyguu soo kordhinayo waxyeello iyo amaandarro waxaan diyaar u ahayn inaan ka tanaasulo tartankaasi”

ka dib markii la siiyey Guddoomiya-yaasha Ururrada Siyaasadda Shahaadooyinkii Sharciga Ururr-nimada waxaa madasha kulankaasi ka hadlay xubno doora oo ay iska soo xuleen ururradaasi inay u badlaan waxaana kamid ahaa madaxdii Ururrada ee halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururr-siyaasadeedka Waaberi Cabdirizaaq Ataash, waxaanu sheegay inay howshii tartanku u bilaabmidoonto wixii ka danbeeya maalinta Sabtida ah oo ay guddiga diiwaangelintu kula balameen inay yimaadaan xafiiska Guddiga.

dhanka kalana Gudoomiye Attaas waxa uu sheegay inay Shacabku ilaalashaadn nabadgaliyadooda isla markaana aanay samayn wax fadqalolo ah aanay raali ka noqon inay cidi magacooda ku samayso wixii dagaanshaha iyo nabadda carqaladaynayana ay ka fogaadaan “Maanta waxaanu qaadanay shahaadadii sharciga Ururr-nimadayada caddaynaysay waxaanan ku faraxsanahay inaannu soo gaadhnay saaxadda tartanka siyaasadda loogu gudbayo Xisbinimada inaannu ku soo baxnana waxaanu ka qabnaa rajo-fiican” Guddoomiyaha Waaberi Mr. Attaash.

Guddoomiyaha Ururr-syaasadeedka Miisaan Professor Cabdi-salaan Yaasiin oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi kursiga doorasho ku yimi isla markaana uu si dimoqraadiyada kaga tagidoono balse aanayu jirin cidd juubuub iyo xoogg kaga riixikarta kursiga “Muuse Biixi kursiga xoogg kumuu qabsane waxa uu ku yimid doorasho xora waxaanu kaga tagayaa doorasho xora cidd juujuub iyo xoogg kaga qaadikartaa inaanay jirin kursiga” Guddoomiyaha Ururr-siyaasadeedka Miisaan Professor Cabdi-salaan Yaasiin.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here