Kulanka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Gudiga Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda

0
86

Hargeysa (SH)-Guddiga diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada iyo 15-ururrada siyaasadda ayuu kulan wadatashi ahi uga furmay Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa, kulankan oo muddadiisu tahay 2 cisho xubnaha guddiga diiwaan-gelinta iyo ansixinta xisbiyada ururrada siyaasadeedd-yada cubsub iyo guddigu waxay kulankoodann 2 cisho gunndhigg uga dhigeenn doodaha xeerka Hab-dhaqanka Uur-siyaasadeedka.

Kulankaasi waxaa ka qaybgala dhamaann 15 ka Ururr isyaasadeedd ee dhawaann isu diiwaann-gelinyey ka mid noqoshada ururrada siyaasadda u dartamidoona ka midd noqoshada xisbiyada qarann ee laga rajo-qabo inay badalaann Xisbiyadiihore haddii ay hadhaan Xisbiyadiihore.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada iyo ansixibta xisbiyada Siciid Maxamed Cilmi oo ka haddlay furitaankii kulankaasi waxa uu sheegay ujeedada kulankani ay ugu qabteenn Ururrada Siyaasaddaka iyo muddada uu kulankaasi socdo ee labaa cisho qaabka ay doodaha xeerkaasi u socon-doonaann isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “Mudanayaal iyo Marwooyin maanta waxaannu idiinku yeedhnay inaynu muddo 2 cisho ah halkan kaga wada tashano xeerrka hab-dhaqanka Ururr-siyaasadeed-yada”

Guddoomiye Siciid waxa kale oo uu sheegay doodaha kulannkani inay khaas u yihiin labdaasi cisho sidookalana waxa uu intaa sii raaciyey haddii ay guddigu labac-labac (jileec iyo maamul xumo) noqdaann ma maamulikarayso qorshan dheer ee looga baahanyahay inay iyagu hagaan hab-socodkiisa “ Guddigu haddii ay labac-labac noqdaan ma maamulikarayaan qorshahan dheer ee loo igmaday inay iyagu maamulkiisa lahaadaann oo ay hogaamiyaann” Siciid M. Cilmi.

Isa oo Guddoomiyuhu hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay inay ururrada siyaasaddu maanka ku hayaann guddigani inay yihiinn Maxkamad waa sida uu hadalka u dhigaye sidaa darted ay tahay inay ururradani cusubi u hogaansamaan go’aamada ay soo saaraann guddigu marka la gaadho natiijada tartanka kulul ee ay ururradani isu diyaarinayaann inay galaann maalinta sabtida ah ee foodda inagu soo haysa, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “waxaan rabaa inaann idiin sheego Guddida diiwaan-gelinta iyo ansixinta xisbiyadu inuu yahay Maxkamad wuxuuna soo saaridoonaa go’aanno sidaa darteed waa inaadd ku qanacdaann wixii go’aan ah ee aannu soo saarro” Guddoomiye Siciid.

Dhanka kalana Guddoomiyaha Guddigaasi waxa uu sheegay 3 da Xisbi ee hadda dalka ka jira iyo Ururradani ku cusub saaxadda siyaasada inay ku kala duwanaanayaann arrimaha tartanka siyaasadda waxaanu sidaa ku sababeeyey inay Ururradani ku cusubyihiinn saaxadda siyaasadda oo aanay khibrad badan u lahaynn nidaamka tartanka siyaasadda halka ay Xisbiyadu qaan-gaadhyihiin oo ay waxbadann ka soo barteenn habka loo galo tartanka siyaasadda ” idinka iyo xibiyadu isku shuruurdo ma yeelanaysaan oo waadd kala shuruudu duwanaanaysaan waayo xeerkan Hab-dhaqanka Ururrada Siyaasaddu waxa uu khaas u yahay waa dinka maadaama aadd idinku ku cusubtihiinn saaxadda siyaasadda iyaguna ay qaan-gaadhyiniin oo ay khibaradd wayn u leeyihiinn sida loo galo tartamada siyasadda markaas doodaha xeerkani idinka ayuunbuu khaas idiinyahay” Siciid Maxamed Cilmi Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada.

Masuuliyiinta Ururrada siyasaddu waxay doodd ka keeneenn qodobka sheegaya ganaax lacageedd oo lagu soo rogayo ururrkii jabiya xeerkaasi oo gaadhaysa 30’000 Milyan oo ah Shilinka Somaliland, waxaanay ururradu soo jeediyeenn in lacaggtaasi laga dhigo 3 darajo oo kala ah A, B iyo C oo loo eego gafka sharci ee uu ururrkaasi galay inta oo la eggyahay sidaana lagu saleeyo qodobka xeer-ciqaabeedkaasi ” Anigu waxaan qabaa inaad lagacta ganaaxa ka hoos u dhigtaann haddikalana aad ka dhigtaann 3 qayboodd oo kala ah A,B,C iyada oo loo eegayo baaxadda gafka uu galay ururrka la ganaaxayo” sidaasi waxaa yidhi Professor Cabdi-salaan Yaasiin oo ah Guddoomiyaha Ururr-syaasadeedka Miisaann.

Ururrada siyasaddu waxay sidookale doodd ka keenenn kootada haweenka la siinayo oo ay Guddiga Diiwaan-gelintu soo jeediyeenn inay Ururradu Dumarka siiyaann kooto u gaara oo noqonaysa 100%30 waxaanay Guddigu sheegeen inay arrintaasi kootada haweenka aadd u rogg-rogeenn la tashiyo kaladuwann la sameeyeen garyaqaannada dhinaca sharciga ku xeeldheer sidaa darteedna ay la tashigaasi ku go,aamiyeenn inaanay tirada kootada Haweenku ka yaraankarin tirada xagga-sare ku xusann, balse taasi ururrada siyaasadda umay cuntamin mana aanay soo dhaweyn “Guddoomiye Hadii la tashigaa dhinaca garyaqaannada ah ee aad soo samayseen aad sheegteen inaanu jirin wax sharciya oo diidaya inay Dumarku helaan 100%30 annagu waxaanu leenahay ma jiro wax sharciya oo sheegaya inay Dumarku helaan 100%30 kuraasta siyaasadda dalka” sidaa waxaa yidhi Guddoomiyaha Ururr-siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayey.

“Marka ugu danbeysa ayey tahay inay mansabyada siyaasadda sida Golaha Wasiirrada oo kale xubno ku yeeshaann balse hadda inta laga gaadhayo xiligaasi waxay ila tahay inaynaan hadda waxba isku xiijin qodobaaski kootada sidaa darteedd haddii aynu doonayno inaynu dumarka siyaasadda soo galinyo markahore waa inaynaan doodahan noocan oo kale ah la maraggsan Ururrada Siyaasadda balse waa inaann si guudd ka xukuumadd ahaan iyo shacab ahaanba ka yeelanaa doodd qaran” Guddoomiyaha Ururka Daljir Professor Cabdi Cali Jaamac.

Sidookale Guddoomiyaha Ururr-siyasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isaguna arrintaasi Kootada haweenka ka hadlay waxa uu sheegay qodobada xeerkan saxiixoodu inuu ku ansaxayo oo kaliya inay markahore ururradu ogolaadaan qodobada ay saxiixayaann balse iyadoo aan ogolaansho looga helin iyaga inaan la saxiixikarin, sidaa darteed waxa uu Dr. Gaboose soo jeediyey si xal waara looga gaadho kootada Haweenka inay Guddiga Diiwaan-gelintu u ogolaadaan Guddoomiya-yaasha 15-ka Ururrsiyaasadeedd inay ka doodaan qodobkaasi kootada daqiiqado kooban ka dibna ay shirka kula soo noqdaan wax ay ku soo midoobeenn “Guddoomiye xeerkan annagaa iskaleh oo haddii aanaan ogolaann annagu la saxiiximaayo sidaa darteed wax aanaann raali ku ahayn oo aanaan annagu ansixin markahore la saxiiximaayo sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa inaad na siisaann muddo-koobann oo guddoomiya-yaasha 15-ka ururr ay kaga soo doodaan qodobkaasi ka dibna aanu madasha kula soo noqono wax aanu ku soo heshiinay” sidaa waxaa la sare kacay Guddoomiyaha Ururr-siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Gabo-gabadii doodda qodobkaasi kootada haweenka loo xidhayo waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada-siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada Siciid Maxamed Cilmi waxaanu yidhi “qodobka dooddaasi wuu innagu dheeraaday waxaaan soo jeedinayaa inaynu qodobkaa ka wadatashano oo aan meel wax isla dhigno si aann aanaguna uga jawaano kaalintii Haweenka idinkuna aadd xuquuqdiina siyaasadeedd sidaa darteed isku hadha Gudoomiya-yaashiina 15-ka ururr ka dibna loola imaadda waxaad ku soo heshiiseenn ka dibna aynu ka wada fadhiisanno annaga iyo idinka waxaann ku heshiinana aan wada saxiixno” Siciid Maxamed Cilmi.

www.Somalihouse.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here