Doodda Xeerka Qabyo-qoraalka Ee Siyaasadda iyo Waxwada lahaanshaha

0
188

Hargeysa (SH)- Qaybtii 2-aad ee Kulankii Dooddah xeerka wax wada lahaanshaha ee dhinaca xukuumadda, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo dadweynaha ayaa ka furmay maalintii 2-aad Hotelka Maan-soor ee Hargeysa, kulankaasi waxaa furay Agaasimaha guudd ee Wasaaradda Hormarinta Warshadaha iyo Maalgashiga Maxamed Cismaan Saciid (Somali) waxaanu sheekay inuu aad ula dhacsanyahay sidii qiimaha iyo aqoonta lahayd ee ay ka soo qaybgalayaasha kulankaasi u soo jilciyeen arrimihii doodaha xeerkaasi iyo araggtiyihii fayoobaa ee ay ku soo eegeenn kaabista iyo wax ka badalka qodobada xeerkaasi.

“waxaan idiinka mahadcelinayaa sidii quruxda-badnayd ee aad uga soo dooddeenn arrimihii shalay innoo qabsoomay waxaanan rajaynayaa inaadd maannda iyo doodda wax wada lahaanshahana sidaas oo kale u soo faah-faahindoontaan shirkuna wuu innoo furanyahay” Maxamed Somali Agaasiha guud ee Wasaaradda.

intaa ka dib waxaa madasha shirkaasi lagu soo bandhigay qaybtii ugu muhiimsanayd ee kulnakaasi oo ahayd qayntii xeerka wax wada lahaanshaha (partnership) kaas oo la rabo in uu dhaqangal noqdo dhawaan haddii ay sida wasaaraddu rajaynayso uu ka soo gudbo munadayaasha aqalka hoose ee Wakiilada sida uu shalayba sheegay Wasiirka maalgashiga iyo hormarinta Warshadaha Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aare, waxaana qodobada uu xeerkaasi ka koobanyahay (7 cutub) iyo nuxurkiisaba madashaasi soo jeediyey Fuad Rashiid Bullo oo ka tirsan dhalinyarada aqoonta fiican leh ee Wasaaraddaasi ka howgala, waaanu document-ga uu soo jeediyey u dhignaa sidan.

Ministry of Investment and Industrial development(moiiD)

PPP ACT PRESENTATION

02 July 2022 MAANSOOR HOTEL

Presenter:

FUAD RASHID BULLO

PRESENTATION OUTLINE

  1. CUTUBKA 1AAD: QODOBO GUUD
  2. CUTUBKA 2AAD: MAAMULKA WAX WADA LAHAANSHA DAWLADDA IYO DADKA
  3. CUTUBKA 3AAD: MARXALADAHA DIYAARINTA IYO ANSIXINTA MASHRUUCA
  4. CUTUBKA 4AAD: HESHIISKA WAX WADA LAHAANSHAHA DAWLADDA IYO DADKA
  5. CUTUBKA 5AAD: NAADADA QANDARAASKA
  6. CUTUBKA 6AAD: CABASHOOYINKA, XALINTA KHILAAFKA IYO SHARCIGA LA DABAQAAYO
  7. CUTUBKA 7AAD: QODOBO KALA DUWAN
  • Qodobka 1aad: Magaca Xeerka
  • Qodobka 2aad: Eray Bixinta
  • Qodobka 3aad: Ujeedooyinka Xeerka Qodobka
  • CUTUBKA 1AAD: QODOBO GUUD
  1. Bixinta adeegyo iyo kaabayaal dhaqaale oo ku haboon bulshada isla markaana la hubiyey tayadooda.
  2. In la dajiyo xeer, xeer nidaamiyayaal iyo habraacyo fududaynaya in ganacsatada iyo maalgashadayaasha maxaliga ah iyo kuwa shisheeyuhu ay maalgalin ku sameeyaan adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaale ee dawaladdda.
  3. Abuuridda qandaraasyo daahfuran oo ka fog eex iyo nin-jeclaysi kuna saabsan mashaariicda wax wada lahaanshaha Dawladda iyo Dadka, si kor loogu qaado maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dawladda.
  4. In la abuuro qaab-dhismeed sharci iyo deegaan saamaxaya in ganacsatadu ku dhiirato maalgashiga wax wada lahaanshaha Dawladda iyo Dadka.
  5. Samaynta hay’ado awood u leh habaynta, aqoonsiga, qaabaynta, hirgalinta, kormeerida iyo qiimaynta mashaariicda wax wada lahaanshaha Dawladda iyo Dadka.
  6. Ilaalinta iyo ixtiraamidda xuquuqaha iyo danaha maalgashadayaasha wadaniga iyo ku shisheeyaba.

Qodobka 4aad: Xadka Dabaqaadda Xeerka

  1. Jidadka gaadiidka, kuwa tareenada, adeegyada dekedaha iyo kuwa madaarada;
  2. Kaabayaasha bulshada oo ay ku jiraan adeegyada caafimaadka, adeegyada waxbarashada, adeegyada guryaynta, adeegyada xabsiyada iyo adeegyada deegaamaynta;
  3. Maamulka adeegyada biyaha oo ay ka mid yihiin dhaamamka, kaydadka biyaha, biyo galinta iyo qaybintooda, waraabka, biyo mareenada, fayodhawrka iyo maamulka iyo maaraynta bulaacadaha iyo qashinka;
  4. Adeegyada tamarta iyo laydhka;
  5. Adeegyada madadaalada oo ay ka mid yihiin garoomada ciyaaraha, masraxyada iyo matxafyada;
  6. Hirgalinta adeegyada dalxiiska;
  7. Soo saarista iyo farsamaynta alaabta caydhin ee macdanta;
  8. Hirgalinta warshado farsameeya dalaga beeraha;
  9. Shabakadaha isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda; iyo
  10. Mashaariic kasta oo yeelankarta dabeecadda wax wada lahaanshaha Dawladda iyo Dadka.

CUTUBKA 2AAD: MAAMULKA WAX WADA LAHAANSHA DAWLADDA IYO DADKA

  • Qodobka 5aad: Guddi Heer Qaran
  • Qodobka 6aad: Shaqada iyo Awoodaha Guddida Heer Qaran
  • Qodobka 7aad: Gudida Agaasinka
  • Qodobka 8aad: Muddo Xileedka Gudida Agaasinka
  • Qodobka 9aad: Miisaaniyadda Guddida Agaasinka
  • Qodobka 10aad: Shuruudaha Xubnaha Gudida Agaasinka
  • Qodobka 11aad: Shaqada iyo Awoodaha Guddida Agaasinka
  • Qodobka 12aad: Bannaanaanta Xubinimada Gudida Agaasinka
  • Qodobka 13aad: Hay’adda Qadaraas Bixiyaha ah
  • Qodobka 14aad: Shirkadda Maalgashadaha ah.

 

Qodobka 5aad: Guddi Heer Qaran

  • Guddida heer qaran ee wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadku waxa ay ka koobantahay sidan soo socota:-
  • Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL (Guddoomiye)
  • Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL (Guddoomiye ku xigeen)
  • Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL (Xubin)
  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL (Xubin)
  • Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhula iyo Guriyaynta JSL (Xubin)
  • Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka JSL (Xubin)
  • Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL (Xubin)
  • Xubin Aqoonyahan Madax Banaan ah (Xubin)
  • Agaasimaha Fulinta ee Guddida Agaasinka oo noqonaya Xoghayaha Guddidan Heer Qaran.
  • Aqoonyahanka madaxa banaan ee xubinta ka ah Gudida Heer Qaran ee ku xusan Faqradda 1aad ee Qodobkan, waxaa soo magacaabaya Madaxwaynaha Jahmhuuriyadda Somaliland isagoo u raacaya Faqradaha 1aad, 2aad, 3aad, 4aad, 5aad iyo 7aad, ee Qodobka 10aad ee Xeerkan, waxaanu muddo xileedkeedu noqnayaa shan (5) sano, oo ka bilaabmaysa maalinta la magacaabay, lamana magacaabi karo wax ka badan laba jeer.
  • Magacaabista Guddida Heer Qaran ee wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka waxa digreeto kusoo saaraya Madaxweynaha JSL.

Qodobka 7aad Gudida Agaasinka

  • Guddida Agaasinka wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadku waxa ay ka koobantahay shan (5) xubnood oo ay ku jiraan hal qof oo sharciyaqaan ah iyo hal qof oo dhaqaale yahan ah oo uu soo xulayo Wasiirku.
  • Marka laga reebo labada xubnood ee habka soo xulistooda lagu xusay Faqradda 1aad ee Qodobkan, saddexda xubnood ee kale waxa soo xulaya, Wasaaraddana u soo gudbinaya, hay’adahan soo socda:-
    • Hal xubin oo uu soo xulayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.
    • Hal xubin oo uu soo xulayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL.
    • Hal xubin oo uu soo xulayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta JSL 
  • Xubnaha Guddida Agaasinka ee ku xusan Faqradaha 1aad iyo 2aad ee Qodobkan, waxa ay ka koobantahay Agaasimaha Fulinta, Agaasimaha Qorshaynta, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Agaasimaha Naadada Qandaraaska, iyo Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha.
  • Marka ay soo dhamaato soo xulista xubnaha Guddida Agaasinku, isla markaana uu hubiyo in ay buuxiyeen shuruudaha ku xusan Qodobkan iyo Qodobka 10aad ee Xeerkan, waxa uu Wasiirku wareegto kusoo saarayaa magaabistooda isaga oo isla wareegtadaa ku caddaynaya xubin walba xilkeeda si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobkan.
  • Guddida Agaasinka waxa maamulaya Agaasimaha Fulinta, haddii uu maqanyahayna Agaasimaha Qorshanta
  • Xubnaha Guddida Agaasinka, marka la magacaabo kadib, waxa dhaarta dastuuriga ah ku dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL

Qodobka 13aad Hay’adda Qadaraas Bixiyaha ah

  1. Hay’adda qandaraas bixiyaha ahi waxa ay noqonkartaa hal hay’ad ama in ka badan oo ka mid ah hay’adaha dawladda dhexe ee JSL sida wasaarad, ama hay’ad madax bannaan sida wakaalad, ama waxa ay noqonkartaa dawlad hoose oo ka mid ah dawladaha hoose ee dalka JSL.
  2. Hay’adda qandaraas bixiyaha ahi, iyada oo la tashanaysa Guddida Agaasinka, waa in ay:
    • Diyaarisaa mashruuca wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka oo faahfaahsan isla markaana siyaasadda iyo xeerka waafaqsan.
    • Aqoonsataa, qiimaysaa     isla      markaana     kor-joogtaysaa            mashruuca   ay qandaraastay ee ku salaysan wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka
    • Diyaarisaa heshiiska ay la galayso shirkadda maalgashadaha ah isla markaana u gudbinta Gudida Heer Qaran si ay u qiimeyso, uga soo talobixiso, kadibna u ansixiso haddii uu Xeerka waafaqsanyahay
    • Kormeertaa isla markaana hirgelisaa heshiiska mashruuca.
    • Diyaarisaa warbixinaha sanadlaha ah iyo kuwa kale ee loo baahdo una gudbisaa Gudida Heer Qaran
    • Siisaa xogta ama warbixinta ay u baahato Guddida Heer Qaran.
  3. Hay’adda qandaraas bixiyaha ahi si ay u gudato hawlaha ku xusan Faqradda 2aad ee Qodobkan, waa in ay dhisto kooxda mashruuca wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka oo ka kooban shaqaalaheeda iyada oo u eegaysa xirfadda iyo aqoonta ay u baahantahay shaqada loo magacaabayo.
  4. Hay’adda qandaraas bixiyaha ahi waa in ay sidoo kale mashruuca u magacawdo shaqaalaha xirfadeed ee uu u baahanyahay sida xisaabiye, hanti-dhawre iyo la taliye sharci.

 

Qodobka 14aad Shirkadda Maalgashadaha ah

  1. Shirkadda maalgashanaysa mashruuc ku dhisan wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadku waa in ay noqoto shirkad leh shakhsiyad qaanuuneed isla markaana u diiwaangashan kuna hawlgasha si waafaqsan Xeerka Shirkadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 80/2018, shirkaddaasi ha noqoto mid waddani ah ama mid shisheeye ahba’e.
  2. Faqrada 1aad ee xeerkan waxa ka reeban oo aan lagu dabaqayn cid kasta oo maalgashade ah oo oo hore Somaliland ugula jirtay heshiis wax wada lahaansho dawlada iyo dadka oo aan mudadiisu dhamaan.
  3. Isbedel kasta oo ku yimaada shirkadda fulinaysa mashruuc wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka si xeerkan waafaqsan, waxaa waajib ku ah in ay u soo gudbiso warbixinta isbedelkaa oo faahfaahsan hay’adda qandaraas bixiyaha ah iyada oo ogeysiinna siinaysa Guddida Heer Qaran.
  4. Shirkadda maalgashadaha ah waxa waajib ku ah arrimahan soo socda:-
    • In ay mashruuca loo ogolaaday in ay maalgashato u fuliso si waafaqsan siyaasadda, xeerka iyo heshiiska wax wada lahaanshaha dawladda iyo dadka.
    • In ay warbixin joogto ah siiso hay’adda qandaraas bixiyaha ah iyo warbixinaha kale ee ay uga baahankaraan Guddida Agaasinka iyo Hantidhawraha Guud ee Qaranku.
    • Waxa ka reebban tallaabo kasta oo dhaawicikarta qodobadii heshiiska, haddii ay dhacdona waxa ay masuul ka tahay halis kasta ama khasaare kasta oo ka yimaadda tallaabadaa.

CUTUBKA 3AAD: MARXALADAHA DIYAARINTA IYO ANSIXINTA MASHRUUCA

Qodobka 15aad: Aqoonsiga Mashruuca

Qodobka 16aad: Tallaabooyinka Ansixinta Mashruuca

Qodobka 17aad: Dhokumentiga Xaaladda Mashruuca

Qodobka 18aad: Daraasadda Suuqa

Qodobka 19aad: Qorshaha Mashruuca

 

Qodobka 16aad: Tallaabooyinka Ansixinta Mashruuca

  1. Guddida Agaasinku marka ay hesho dhokumentiga xaaladda mashruuca (Outline Business Case) waxa ay ka dalbaysaa hay’adda qandaraas bixiyaha ah in ay soo samayso diraasadda suuqa (feasibility study) ee ku xusan Qodobka 18aad iyo qorshaha mashruuca (project plan) ee ku xusan Qodobka 19aad ee Xeerkan.
  2. Guddida Agaasinka marka ay soo gaadhaan warbixinta diraasadda suuqa iyo qorshaha mashruucu, falanqayn iyo qiimeyn kadib, waxa ay ka diyaarinaysaa warbixin tafatiran waxaanay u gudbinaysaa Guddida Heer Qaran iyada oo ay ku lifaaqanyihiin saddex nuqul oo kala ah dhokumentiga xaaladda mashruuca (outline business case), warbixinta diraasadda suuqa (feasibility study report) iyo qorshaha mashruuca (project plan) si ay uga doodaan una ansixiyaan si Xeerka Waafaqsan.
  3. Guddida Heer Qaran, marka ay soo gaadhaan dhokumentiyada ku xusan Faqradda 2aad ee Qodobkan, muddo shan iyo afartan (45) maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda ay soo gaadhaan Guddoomiyaha Guddida Heer
  4. Qaran, waxa ay yeelanaysaa fadhi ay kaga dooddo isla markaana haddii ay ku qanacdo ku ansixiso, haddii kalena ay diiddo, iyada oo sababaysa diidmadaa, ama soo jeediso in wax ka bedel iyo kaabis lagu soo sameeyo.
  5. Haddii ay Guddida Heer Qaran diiddo ama soo jeedin kusoo samayso mashruuca maalgashi, waxa hay’adda qandaraas bixiyaha ah ku waajib ah in ay soo saxdo sababta lagu diiday ama fuliso soo jeedinta wax ka bedelka iyo kaabis ah ee lasoo jeediyay.

Wareegga uu maro mashruuca WWD&D

1.Guddiga heer qaran ee WWD&D

2-Guddiga Adeegga Agaasinka

3-Shirkadda Maalgashada ah

4-Hay’adda Qandaraas bixiyaha ah

 

CUTUBKA 4AAD: HESHIISKA WAX WADA LAHAANSHAHA DAWLADDA IYO DADKA

Qodobka 20aad: Dabeecadda Heshiiska

Qodobka 21aad: Dhinacyada Heshiiska

Qodobka 22aad: Raadadka Heshiiska
Qodobka 23aad: Muddada Heshiiska

Qodobka 24aad: Wax Ka Badalka Heshiiska

Qodobka 25aad: Ka Bixista Heshiiska

Qodobka 26aad: Tiirarka Heshiisyada.

CUTUBKA 5AAD: NAADADA QANDARAASKA

Qodobka 27aad: Habka Naadada Qandaraaska

Qodobka 28aad: Naado Qandaraas oo Toos ah

Qodobka 29aad: Naado Qandaraas oo Lagu Tartamo

Qodobka 30aad: Soo Gudbinta Araajida Naadada Qandaraaska

Qodobka 31aad: Shuruudaha Ka Qaybgalka Naadada Qandaraaska

Qodobka 32aad: U Qalmid La’aanta Ka Qaybgalka Naadada Qandaraaska

CUTUBKA 6AAD: CABASHOOYINKA, XALINTA KHILAAFKA IYO SHARCIGA LA DABAQAAYO

  • Qodobka 33aad: Xafiiska Cabashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka
  • Qodobka 34aad: Habka Xalinta Khilaafaadka
  • Qodobka 35aad: Go’aanada Xafiiska Cabashada
  • Qodobka 36aad: Khilaafka Xeereed

CUTUBKA 7AAD: QODOBO KALA DUWAN

  • Qodobka 37aad: Warbixin Sanaddeed
  • Qodobka 38aad: Warbixinaha Maaliyadeed
  • Qodobka 39aad: Dambiyada iyo Ciqaabta
  • Qodobka 40aad: Xeer-Nidaamiyeyaal
  • Qodobka 41aad: Hageyaal iyo Habraacyo
  • Qodobka 42aad: Dhaqangalka Xeerka

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here