Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo Qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caruurta Africa

0
191

 

Hargeysa (SH)-Wasaaradda arrimaha bulshada iyo shaqada ayaa maanta munaasibadd ballaadhan ku daah-furtay xuska maalinta caruurta aduunka loo sameeyo xaflado lagaga sheekaynayo arrimahooda iyo duruufaha kalala duwann ee ay la noolyihiin.

Munaasibaddii lagu xusayey arrimahaasi oo si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa lagu qabtay Hotel-ka Maan-soor waxaana ka soo qaybgalay caruuro tiro adan oo koofiyado cadd-cadd oo algu xardhay hal-ku dhagyo muujinayey ujeedada kulankaasi iyo ka warhaynta caruurta gaar ahaann kuwa danyarta ah ee la nool xaaladaha nololeed ee qallafasan gaar ahaan kuwa lagu xanaaneeyo koonaha xaafadda degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

“maanta hal-ku dhagga aann qaadanay oo aynu kala midnahay dunida oo dhami waxa weeye dabar-goypinta tacadiyada ka dhanka ah caruurta mid jidh-ahaaneed iyo  mid maskaxeedba” sidaasi waxaa masraxa kulankaasi ka sheegtay daahiyihii barnaamujkaasi xidhiidhinaysay.

Madaxa qaybta siyaasadda caruuraha ee wasaaraddaasi Marwo Filsan oo madashaasi ka hadashay waxay sheegtay inuu mustaqbalka toosann ee dalka iyo dadkuba ku xidhanyihiin hadba sida ay caruurtaasi u helaan xanaanayn iyo daryeel muuqda taasi oo ka turjumaysa kaalinta muhiimka ah ee ay caruuruhu ugu fadhiyaan umada dunida ku nool “hadba sida aynu caruureenna u dhaqaalayno ama aynu wax u barro ayuunbuu qarankeenu yeelanayaa mustaqbalka soo socda ee sidaa hala ogaado” Marwo Filsan.

Dhanka kalana waxay sheegtay Marwo Filsan inay jiraan caruurto guryaha lagu hayo iyagoo silsiladu lagu xidh-xidhay taasina ay ka hor imanayso dhaqanka suuban iyo xuquuqda caruurtaasi leeyihii.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Cabdirashiid Ibraahim Cabdi oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay xafladdani tahay dabaaldagg taas oo lagu xusayo Xuquuqda caruurta si loo qorsheeyo marka ay da’doodo yartahay in la tarbiyeeyo oo duroofahooda dhaqaale laga warhayo “maanta xafladdeenani waxay daarantahay waa dabaaldagg aynu kaga sheekaynayno xuquuqda iyo nolosha caruurteenna” Cabdirasheed Ibrahim.

Dhanka kalana waxa uu agaasimuhu ka hadlay inay wali jiraan dhaqankiihore ee gudniinka Hablaha kaas oo sida la ogyahay naafeeyey muuqaalka iyo maskaxda dumar farabadan oo hooyooyin ah iyo hablo yaryarba “siyaasadda Gudniinka fircooniga ah iyada oo dhamaystiran bay wasaaraddu horgeysay Golaha wasiirrada waxaanan ra jaynaynaa inay xukuumaddu isa soo dhaafiso oo la horkeenidoono Golaha Wakiillada ka dibna ay Iyana ansixiyaann” Abdurrashiid.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay jiraan qoysas la siiyo dhaqaale lagu kobcinayo duruufahooda dhaqaale si loo garab istaago xaaladahooda nololeed “ waxaajira qoysas doora oo la siiyo lacago koob koobann oo lagu kobcinayo dhaqaalahooda si caruurahoodu u helaan adeeggyada ay ay dhiggoodakale u baahanyihiin”

“waxaa socda barnaamijyadii hormarinta qorshaha qaranka oo meel-gabo gabo ah maraya waxaanan rajaynayaa inay ka soo baxaan siyaasado iyo qorshayaal caafimaad qaba oo lagu hormarinayo daryeelka caruurteenna” erayadaas ayuu khudbaddiisa ku soo afxidhay agaasime Cabdirrashiid.

Intaa ka dib waxaa halkaa heeso lagu xusayey duruufaha dagaalada,dhaqaale xumada iyo cidhiidhiga haysta caruurta ku nool Africa waxaana heestaasi qaadayey koox kamida caruurta lagu xanaaneeyo Maxamed Mooge.

Waxaa Iyana halkaa ka hadlay Asma Maxamed Axmed iyo Zakariye oo kamid ahaa cauurtaha daryeelka u baaahan ee Maxamed Mooge lagu hayo waxaanay caruurtaasi soo bandhigeen erayo caloolxumo iyo tiiraanyo huwanaa kuwaas oo ay ku muujinayeen duruufaha ay la noolyihiin iyo dhaqaalaha iyo daryeelka ay xukuumadda ugu baahanyihiin “xumuumadda waxaannu ugu baahannahay inay na siiso daryeel iyo waxbarashada aannu u baahannahay” sidaa waxaa tidhi Asma Maxamed Axmed.

Zakariye oo isaguna ahaa inanyar oo ku hadlayey afka caruurtaasi waxa uu madasha ka soo jeediyey erayo runtii ruxay quloobta dadka inta wax dareemaysa ee dubka naxaa ku yaallo “waxaan rabaa inaan idin waydiiyo majiraan baahiyo ay leeyihiin caruurta danyarta ah iyo kuwa waalidiintoodu aanay nooleyn haa way hiraan waxaanan la noolahay duruufo dhaqaale iyo kuwo waxbarasho  iyo kuwo hoog iyo caafimaad intaba mana haysano markaa Xukuumadda waxaanu si gaara uga codsanaynaa inay noo samayso daryeel muuqda oo la taabankaro sida waxbarashada iyo arrimaha kale ee aann soo sheegay” Zakariye.

Mukhtaar Caabi ,Deeqa Nuur iyo Mustafa Xasan oo ku hadllay Magaca Jaamacadda Hargeysa iyo Hay’adda ilaalinta caruuraha ee SAVE THE CHILDREN iyo UNICEF oo madashaasi ka hadlay waxay soo dhaweeyey ka sheekaynta maalinta dunidu u qorshaysay in la xuso duruufaha caruuraha ku xeeran iyo taariikh ahaanba meeshii ay ka dhacday qisadii ay ku bilaabatay dhacdadii ka dhacday dalka koonfur Africa oo 1976 lagu yaallayey caruur yaryar oo dalkaasi u dhalatay.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here