Xafladda Daah-furka Barnaamujka Hadd’yadda Dalka Hooyo iyo Rajo Galinta Naafada Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
272

Hargeysa (SH)-Xafladd balaadhan oo lagu maamuusayey daryeelka iyo dhiirrigelinta Ururka aragga naafada gaar ahaan kuwa indhoolayayaasha ah iyo dhagoolayaasha taas oo nuxurkeedu ahaa deeq dhan dibadaha ka timi oo ay dumar qurbo-joogg ahi ugu soo deeqeenn dadka naafada ka ah aragga iyo dhagaha.

Munaasibaddaasi waxaa ka soo qaybgalay la taliyaha Madaxweynaha ee dhanka dadka aragga naafada ka ah Cabdiraxmaan dheere oo kamida xubnihii ka soo qaybgalay munaasibaddaasi, agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdurrashiid Ibraahim Cabdi,guddoomiyaha dalladda SONFAS Awarn Cabdurraxmaan Warsame, Yaasiin Nuur Mooge oo ka socday Shirkadda Telesom, hablaha deeqaasi soo gaadhsiiyey ururkaasi Naafada ah iyo matrti-sharafkale.

furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Xasan Axmed Yuusuf (Afgaab) oo ah la taliyaya arrimaha qurbo-joogta waxaanu halkaasi ka sheegay ajandaha kucalankaasi iyo dadka ka soo qaybgalay iyo meelaha ay ka kala socdeenn, waxaanu coddbaahiyaha ku soo dhaweeyey la taliyaha arrimaha dadka naafada ah Md.Cabdurraxmaan dheere waxaanu ka warramay shaqada uu ururkaasi u hayo iyo kaalintiisa la talineedd ee dhanka Madaxwenaha la xidhiidha, waxaanu sheegay inay isaga iyo Madaxweynuhu kala hayaan 2 masuuliyadoodd oo is barbar socda balse isagu ka Cabdurraxmaan ahaan aanu garanayn masuuliyaddiisa wax ku baaqday marka la eego waajibaadkii shaqadiisa inta uu ka awoodikarayo “aniga magaca la iigu yeedhay waa inaan ahay la taliyaha Madaxweyanah ee arrimah naafada isaga qudhiisana waxaan ka rajaynayaa inaanay xaggiisa waxba ku baaqan” Cabdurraxmaan dheere.

isaga oo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxaanu mararka qaarkood ka wada hadallaa baahiyaha gaarka ah ee ay la noolyihiin dadka naafada ahi waxaanan is leeyahay  mararka qaarkood Madaxeweynuhu waxa uu ku dhawaadaa inuu la ilmeeyo dareenka uu ka qaadanayo baahiyaha dadkaasi noocyadooda kaladuwani qabaan sida kuwa dhagoolayaasha ah, indhoolayaasha ah iyo kuwa laxaadka kale ka dhantaalanyahay ama gaadiidu ha jeedheen ama haba ku soo dhasheene ama si kalaba how laxaad beelaane”

waxaa isaguna madashaasi ka hadlay masuul sare oo ku hadlayey afka qurbo-jooggta oo kamida dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada naafada ah,waxaanu ka warramay sinaanta bani’aadamku inay tahay xuquuqda ay u simanyihiin balse aan lagu xaqirin abuurka ilaahay iyo sida uu u gartay dadka aanu laxaadkoodu dhamaystirrayn, waxaanu ka warramay qisooyin xanuunbadann oo uu kula soo kulmay qurbaha gaar ahaan dadka la nool laxaad la aanta “qisada aanan wali ilaawin waxay ahaydd marrkii aan tagay Yurub waxaan garanayaa reer jaarkayaga ahaa oo haystay 2 caruura oo naafo ahaa oo markiihore 2 baduba taagnida ayey ku kaajayeenn balse marrkiidambe ee tabobarka loo sameeyey way boggsadeenn ilaahay mahadiisa 2 diiba hadda xaasas bay leeyihiinn waanay shaqaystaann” ayuu yidhi.

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Mujaahid Siciid Indhool oo ah nin ku soo dhaawacmay dagaalladii dhawr iyo sideetamaadkii waxaanu si gaara codsi ugu diray wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed waxaanu u soo jeediyey inaanu ilaawin goobihii iyo taariikhdii ay soo wada mareenn isaga iyo qaarkaleba isla markaana uu waxbadann hoos u eego dadka mujaahidiinta ah ee dagaalladaasi ku soo naafoobay “waxaan halkan sigaara codsigayga ugu dirayaa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo aan leeyahay Maxamed Kaahinow dib u xasuusto goobihii taariikhiga ahaa iyo taariikhdii aynu soo wada marray dibna u xasuuso xuquuda dadka naafada ah xuquuqdooda” Siciid Indhool.

dhanka kalana waxa uu agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada u soo jeediyey inuu dadaalkiisa sii laban-laabo isla markaana uu Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddaba u gudbiyo codsigooda “agaasime waxaan si gaara kuu farayaa inaad Madaxweynah iyo masuuliyiinta kalaba naga gaadhsiiyo codsigayaga isla markaana uu Madaxweynuhu bajad gaara noosameeyo” Siciid Indhool.

isaga oo arrimaha dadka naafada ah ka sii hadlaya iyo baahiyaha aarka ah ee ay qabaan waxa uu sheegay inay waalidkooda oo lagaba yaabo inay iyaga arrimahooda ka hadlayaan ayey u maleeyaan inay iyaga xamanayaan taasina waa dhibaatada ay qabaan darteedd “Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa inaadd noo samayso bajad gaara oo aadd $500,000 noogu darto qasnadda Dawladda waayo waxaanu u baahannahay nolo iyo reero la mida kuwa ay bulshada kaleba leedahay”

Anwar Cabdurraxmaan Warsame oo ah guddoomiyaha dallada SONSAF waxaanu soo dhaweeyey dadaalka uu la garabtaaganyahay dadka naafada ah waxaanu kaga duwanyahay masuuliyiinta kale ee xukuumadda inuu hadd iyo jeerba lagu arko goobaha dadka laxaadka ka naafada ah arrimahooda lagaga sheekeynayo.

dhanka kalana waxa uu sheegay inay isku baahi iyo isku duruuf yihiin guud ahaannba dadka laxaadkooud aanu dhamayn isla markaana ay wada wadaagaann duruufaha saameeya oo dhan “waxaxaan halkan fariin uga dirayaa xukuumadda Somaliland oo waxaann leeyahay Wasiirrada,agaasimayaasha iyo xubnaha kalaba waa inay tixgelin siiyaan dhageysiga arimaha dadka laxaadka ka naafada ah” Anwar

Guddoomiyaha dalladda SONSAF waxa uu madasha xafladdaasi ka balan qaaday inuu dhiniciisa kaga qaybqaadanayo $500 oo Dollar isla markaana uu hadda wixii ka dambeeya si dhaw ula socondoono arrimaha dadka naafada ah isla markaana uu dadaal dheer u galidoono sidii ay qayb uga noqon laayeenn shirarka dalka gudihiisa ka dhacaya ee arrimaha bulshada lagaga hadlayo “anigu waxaan bixinayaa $500 oo dollar oo aan kaga qaybqaadanayo dhaqaalaha loo ururrinayo in reero loogu sameeyo dadka naafada ah waxaanan ku dadaalidoonaa inaann u ololeeyo inaad ka soo qaybgashaan shirarka lagaga hadlayo arrimaha bulshada oo aad coddkiina ka dhiibataan” Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

Khadra Wiiwaa oo ku hadlayeysay magaca Ururka Rajo-gelinta naafada ka ah laxaadka waxaanay sheegtay inay kamitahay inay fiicnaan lahayd inay fadhiyaan shirkadihii waaweynaa ee dhaqaalaha haystay sida Dahabshiil iyo Telesom oo kale si ay hadallaa madasha laga soo jeediyey u maqlaan “maanta waxaan jeclaan lahaa inay innala fadhiyaan shiradihii waaweynaa sida Dahabshiil iyo Telesom oo kale si ay u dhageystaan codsiga dadka naafada ah” Khadra Wiiwaa.

Geesta kalana waxay sheegtay inay hadda dhaqaalahaa la uruurinayo ugu horreysiin doonaan nin Mustafa la yidhaado oo naafada kamida in la daymin doono si uu dukaan ugu furto isla markaana uu dib ugu soo celiyo isla  markaana ay sidaa ku bilaabayaan si jooggto ah inay sidaas oo kale helaan dadka naafadaha ” hadda waxaanu lacagg $1000 doolara guddoonsiinaynaa Mustaha oo ah nin aragga naafo ka ah waxaanu soo celindoonaa lacaggtaasi $500 oo kaliya $500 ee kalana waxaa u free oo ma soo celindoono” Fihiima Cumar oo kamida xubnaha dhiirri-gelinta naafada dalka hooyo.

Mustafa oo ahaa ninkaasi la guddoonsiiyey lacaggtaasi waxaanu u mahadceliyey ururka rajo abuurka naafada dalka hooyo waxaanu ka warrbixiyey marxaladaha kaladuwann ee la soo darsa nolol maaleedkiisa taas oo mararka qaarkooddna uu dhibaato kala kulmo balse aanay wali taasi niyadd-jabin “waa wax aadd u adagg inaadd bulsho dhann oo ilaa 100,000 gaadhaysa aad dhiirrigelisaan isla markaana aadd dhaqaale siisaann ilaahayna waxaann ka baryayaa inuu idinku asuturo hawshaasi ballaadhan ee aad waddaann” sidaa waxaa yidhi Mustafa.

waxaa isna halkaa kka hadlay agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdurrashiid Ibraahim waxaanu ka haddlay la nool baahiyaha ay qabaan ee kaladuwann waxaanu sheegay inay socdaann dadaallo kaladuwann oo lagu darsayo baabiyaha ay la noolyihiin dadkaasi “waxaa socda dadaallo farabadann oo ka socda xukuumadda dhexdeeda iyo ilaa quraha taas oo ay garab socdaann ololaha ay dabada ka riixayaan dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha naafada waxaana jira 1 Billion Somaliland Shilings ah oo ayaa hadda ugu jira Miisaaniyadda Dawladda dhinaca waxbarashada dadka naafada ah si loogu caawiyo” Cabdurrashiid Ibraahim.

Agaasimuhu isaga oo arrimahaa ka soo hadlayey waxa uu sheegay inay xukuumaddu lacago kaladuwann ku caawiso dadka naafada ah kuwaasi oo gaadhay ilaa 482 qof sidookalana waxaa jira 263 qod oo naafo ah oo wasaaradda gaashaan-dhigga ka qaatay midkiiba 85$ middkiiba.

Nimco Cabdi Guulwade oo kamida dadka naafada ah ah aragga waxay halkaa ka tirisay erayo gabay ah oo runtii dhaqaajiyey quluubta dadka madashaasi fadhiyey maadaama ay Nicmo aragga naafo ka tahay waxay gabaygeeda si qotodheer ugu cabirtay dareenka ay wadaagaann bulshada laxaaddka naafada ka ahi guud ahaanna erayadaasi ay tirisay Nicmo Guulwade waxay xanbaarsanaayeenn dareenka ay na looyihiinn dadka naafadaha ahi qaybtay doonayaannba naafo ha ka ahaadeene.

Khudbadaha madashaasi intii ay socdeenn waxaa la sheegay inay jiraan Ragg siyaasiyiina oo khadka Telefoonnada ku soo sheegay inay ka qaybqaadanayaann tabarrucaadda loo uruurinayey si noloshooda korr loogu qaado dadka naafadaha ah waxaana siyaasiyiintaasi kamid ahaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Cabdirisaaq Ataash oo labaduba kamida siyaasiyiinta hankooda ku yeggleelay ururro siyaasadeed oo ay ku galidoonaan tartanka ururrada ee dhawaan lagu dhaaqay furitaankooda.

sidookale madasha waxaa laga sheegay fariin ka timi wasaaradda Beeraha oo lagu sheegay inay dhinaca xukuumadda ka diyaarinayso dhulbeereed wayn oo loogu deeqayo dadka naafadaha ah taas oo hadda qorshaheedii dhamaad ku dhawyahay waxaanay u jeedadu tahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha iyo xallinta duruufaha ay la noolyihiin dadka naafadaha ahi.

Gabo-gabadii waxaa madshaasi ka hadlay Nicmo Faarax Cawad oo ka socotay Wasaaradda Waxbarashada iyo Yaasiin Nuur Mooge oo ku hadlayey afka shirkadda Telesom waxaanay xubnahaasi sheegeen inay soo muhiimtahay inay dareenkooda la wadaagayaan bulshada naafada ah isla markaana ay tahay in lays-garabtaago bulshada naafada ah.

sidookale waxaa iyana halkaa ka hadashay Marwo Fihiima Maxamed Aar ka socotay dalka Maraykanka isla markaana Naafada soo gaadhsiisay qalab kaladuwan waxaanay sheegay inay la dareentahay guud ahaanba dadka naafada ah ee aanu laxaadkoodu dhamaystirrayn “qalabkaa yar ee aan idinsoo gaadhsiiyey waxa uu qayb ka yahay dadaalka aannu ugu jirro sidii aannu baahiyihiinna idiinkala qayb qaadan lahayn inta aannu ka awooddno” Fihiima Aar.

Ururka dalyeelka iyo rajo soo celinta dadka laxaadkoodu aanu dhamayn waxay gabagabadii halkaa shahaado sharaf ku guddoonsiiyeen marwo Fihiima Maxamed Aar oo qabalka xaggasare ka muuqda soo gaadhsiisay dadka naafada ah.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here