Shirka Dib u Eegista Nidaamka La socodka Baahiyaha Arrimaha Bulshada Oo lagu Qabtay Hargeysa

0
179

Hargeysa (SH)-Ururka Dawladaha-hoose ee (Local Government Institute) ayaa shirrka dib u eegista nidaamka habsami u socodka baahiyaha adeeggyada bulshada, shirkaasi oo uu furay agaasimaha ururkaasi Mr. Iid Muuse waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta waaxyaha arrimaha bulshada ee Hargeysa, Berbara, Gabliey,Boorama iyo Burco, sidookale waxaa Iyana madasha shirkaasi lagu soo casuumay isu-duwayaasha waxaaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada ee degmooyinka iyo heer-gobal.

“ujeedada shirkani waa la socoshada ama dib u eegista adeeggyada arrimaha bulshada sida xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka, arrimaha waxbarashada, biyaha iyo nadaafadda intaas oo dhan oo wada hoosyimaadda adeeggyada ay bixiso Dawladaha hoose. Sidaasi waxaa madasha shirrkaasi ku bilaabay xidhidhiyihii hadal-jeedinta shirrkaasi Maxamed Ibraahim.

Maxamuud  Xasan Caynaanshe oo ku hadlayey afka gobalka Saaxil gaar ahaan guddoomiyaha waxbarashada ee Gobalka Saaxil waxa uua na u mahadceliyey Hay’adda fudeysay dhaqaalaha suurto galiyey qabsmidda shirkaasi ee Qaramada midoobey u qaablisan xanaanada hooyada iyo dhalaanka ee UNICEF “waxaan markahore u mahadcelinayaa hay’adda UNICEF oo mashruucan dabada ka riixaysay iyo ciddkasta

Mr.Cabdi-casiis isu-duwaha caafimaadka ee Maroodijeex waxaanu sheegay inay muhuumtahay inaanay ka xukuumadd ahaa markastaba ku tiirsanaan uun hay’adaha dhaqaalaha  ka yimaadda balse ay dhinaceeda xukuumaddu diyaarsato dhaqaalihii  lagu daadihin lahaa qabashada shirarrka noocann oo kale ah iyo guudd ahaanba hawlaha lagu daadihinayo fududeynta arrimaha bulshada “ waxaan u mahadcelinayaa dhamaan ciddkasta oo ka qayb-qaadatay qabsoomidda kulankani waxaanan soo jeedinlahaa hadda ka dib inaynaan ka xukuumadd ahaan ku tiirsanaan inay shirarka noocan oo kale ah inooqabto UNICEF ama hay’addkale balse aynu innagu diyaarsano wixii aynu ku qabsan lahayn shirarkeenna” Cabdi-casiis.

Guddoomiyaha ururkaasi Mr. Iid Muuse oo shirkaasi si rasmiya isagu u furay ayaa sheegay ujeedada kulankani inay tahay sidii dib u eegis iyo qiimayn loogu samayn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay shirarrkiihore ee sanadkii la soo dhaafay qabsoomay ee noocan oo kale ahaa (Community Score Card Project Review Meeting).

Dhanka kalana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay mahadd-celin balaadhan oo uu hawada u mariyey guudd ahaanba gacan ka geysatay taaabbo gelinta mashruucani isaga oo si gaara u soo qaatay ka soo qaybgalayaasha shirkaasi oo iyagu laf dhabar u ah shirarkiihore ee soo qabsoomay iyo kann-maanta loo fadhiyo daadihintooda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadaladiisii kamid ahaa “waxaan halkan uga mahadd-celinayaa dhamaanba ciddkasta oo gacan naga siisay fulinta mashruucani sida Hay’adda UNICEF oo kale sidookale waxaan iyagana u mahadd-celinayaa shaqaale hoosaadka waxaayaha arrimaha bulshada ee shirkeenna fadhiya” Iid Muuse agaasimaha ururka Dawladaha hoose.

Dhanka kalana waxa uu agaasimuhu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib u eegis lagu sameeyo natiikada ka soo baxday shirarkiihore ee noocan oo kale ahaa isaga oo arrimahaa qaadaa dhigayeyna waxa uu yidhi “nuxurka kulankeenann oo innoo soconn doona muddo 2 cisho ah waxa weeye inaynu dib u eegis ku samayno maxaa innoo qabsoomay shirarkeenniihore maxaase innoo qabsoomi-waayey iyo sababaha keenay inay sidii la rabay wax u qabsoomiweeyeenn” Iid Muuse.

Dhanka kale waxaa madasha shirrkaasi lagu soo bandhigay qoraaallo kala duwann oo xambaarsanaa macluumaadd-yo farabadann isla marrkaana laga dheehanayey sida ururkaasi LGI ee Dawladaha-hoose uga go’antahay inuu is dultaago isla markaana tilmaamo hadba halka ay hoos u dhacyadu ka jiraan marka laga hadlayo baahiyaha arrimaha bulshada ee xaggasare ku xusann.   ka soo qaybgalayaasha shirkaasi ee ka kala yimid Gobalada iyo Degmooyinka SL

Document-yadaasi ama qoraalladaasi waxaa madasha ka soo jeediyey xubnaha degmooyinka ay ka kala socdaan agaasime waaxeedd-yada arrimaha buslada u qaabilsan fulinta adeegg-yada ay bixiyaann Dawladaha-hoose sida waxbarashada,caafimaadka,biyaha iyo jidaddka iyo wixii lamida.

” shirkani waa midd muhiima waayo waxaynu kaga hadlaynaa arrimihii aynu ku shaqayn lahayn sanadaha soo socda sidaa awgeedd waa inaadd dareenkiinna soo jeedisaan inta ay warbixinnadu innoo socdaann isla markaana aadd hoosta ka xariiqataann qodobada aad is leedihiinn su’aalo ayaa halkaa looga baahanyahay si aann isula soconno” Maxamed Ibraahim Raygal.

“ujeedadeeda aynu ka leenahay shirrkani waxa weeye inaynu hubino inay adeegg-yadii aynu bulshada u haynay gaadheenn iyo inkale” markale Maxamed Ibraahim Raygal ayaa sidaa yidhi.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here