Dalladda Al-waxyeyn Oo Tartankeedii Qur’aan-ka iyo Jazariyada Ku qabatay Maan-soor Hotel

0
186

Hargeisa (SH)-Dalladda Al-waxyeyn oo ay ku midoobeenn in ka badann 90 Madrasaood oo ku kala yaalla Goballada waaweyn ee Somaliland ayaa tartankeedii bisha barakaysann ee Qur’aanka kariimka ah, Kitaabka Al-jazariya oo la xidhiidha sixitaanka xuruufta Qur’aanka ayaa wareeggii 2-aad ee tartankaasi ku qabatay Hotel-ka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadd quruxbadann oo si bilicsann loo soo agaasimay isla markaana ay ku kulmeenn qaybta Hablaha oo kaliya iyo culimadii tartankaasi qaadaysay waxaa furitaaankii madashaasi ka haddlay maamulaha guudd ee dalladda Al-waxyeyn Cabdirraxmaan Shire waxaanu si kooban uga war-bixyey aas-aaskiihore ee Al-waxyeyn iyo marxaladihii kaladuwanaa ee ay soo martay iyo maanta halkan ay marayso “Waxay ahayd 2006 markii aan aas-aasay Madrasaddii ugu horeeysay ee Al-waxyeyn ilaa iyo xiligaana waxay soo martay marxladu kaladuwan oo waxktigooda iyo waayahooda iska lahaa”Cabdiraxmaan Shire.

Isaga oo arrimahaa ka hadlayena waxa uu yidhi “maanta waxaan u fadhinaa wareeggee 2-aad ee tartankeennii caadiga ahaa oo bisha Ramadaan-ka aan qabanjirray waxaana maanta ka qaybgalaya qaybta gabdhaha oo kaliya wiilashana waxaann u qaban doonnaa burrito haddii Allah yidhaa” Shire.

Cabdiraxnaan waxa uu sheegay maddaarista ku midaysan dalladdan Al-waxyeyn inay farabadan-yihiin isla markaana ay gaadhayaan ilaa iyo 90 Madrasadoodd kuwaas oo ku kala yaalla dhamaanba goballada Somaliland oo dhan, waxaanay ardaydan ka qaybgalaya tartankaasi isaga kala yimideenn golada oo dhan isda uu sheegay Cabdiraxmaan Shire “ilaahay mahadiisa maantana waxay maraysa dalladd Al-waxyen ilaa 90 Madrasadoodd oo ku kala yaalla goballada dalka oo dhann ardayda sanaddkann ka qaybgalaysa tartankanina waxay matalayaann dhamaannba goballada oo dhan” Shire.

Intaa ka dib waxaa madasha ka bilawday dhageysiga qur’aan akhinta tartankaasi oo lagu bilaabay 1. Najax Cali Cismaan kana socotay Madrassadda Xaramayn ee Degmada Maxamed Moogeoo aad u codd macaan 2. Faaiza Sheekh Khadar Maxamed oo ka socotay Markazu-towxiid oo ku yaalla Gooladda Sayladda Xoola 3. Aasiya Maxamed Maxamuud 4. Xayaad Xasan Maxamed. 5. Asma Cabdi Cali 6.Sumaya Nuur Cilmi 7.Khawsar Maxamed Maxamuud 8. Nasra Xiis Cumar 9. Khawla Cabdillaahi Guure 10. Asma Aadan Abiib 11. Safa Ismaaciil Cabdillaahi Daahir 12. Deeqa Maxamuud Jaamac 13. Najma Cali Guuleed.

Dhanaanba 13 kaasi habloodd waxay ku tartamayeenn 30 juz ee qur’aanka iyo qaybaha kale ee aan soo sheeggnay sida kitaabka Al-jazariya, waxaa Iyana sidookale madasha lagu qabtay qaybtii 2-aad ee ku tartamayey 15 ka Juz.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here