Hayaádda’ SOLNAC oo Qabatay Shirrka Did u Eegista Qorshe Sanadeedka 2022 Xakamaynta HIV/AISDS

0
145

Hargeisa (SH)- Hayádda Solnac ee Komishanka qaranka u qaabilsan  la dagaalanka HIV/AIDS-ka  ayaa qabtay kulan lagu Gorfaynayo Qabyo Qoraalka Qorshahe Sanadeeddka 2022 ( anual workplan 2022) Komishanka  SOLNAC waxa uu kulankaasi si balaadhan ugu  falanqeeyey qorshahaa qabyo qoraalka ah oo diyaarintiisa iyo iskudubaridkiisuba soo socdeen bilihiila soo dhaafay . Kulankan oo socon doona mudo laba cisho ah waxa la filayaa inay kasoo bixi donaan qorshe dhamaystiran oo lagu hagidoono sanadka 2022 komishanka ladagaalanka cudurka HIV-AIDS insha allah.

kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan hogaanka-sare iyo hawl-wadeennada hayáddaasi waxa uu  oo socondoonaa muddo 2 cisho ah waxaanay ka soo qaybgalayaashu madasha ku lannkaasi kuqaadandoonaan howlaha qorshe sanadeedka 2022-ka.

Furitaankii shirrkaasi waxaa ka haddlay Mubaarak Cabdurraxmaan Maxamed Maal oo arrimaha xauunkaasi kala taliya hayádda SOLNAC waxaanu sheegay inay ujeedada kulankaasi tahay sidii dib loogu eegi lahaa hawlaha waxqabadka horryaalla hayáddaasi muddada 3 sano ee soo socota “maanta saxaann dib isu xasuusinaynaa waxaan u fadhinaa inaann dib u eeggno hawlaha laynooga baahannyahay inaan qabano 3 sano ee soo socota laga bilaabo sanaddkann aann ku jirro ee 2022-ga”Mr. Maal.

Mr. Maal waxa uu codd-baahiyaha ku soo dhaweeyey agaasimaha waaxda daweynta iyo darryeelka daddka la nool xanuunkaasi Marwo Sahram Maxamed Xuseen waxaanay marwadu soo dhaweysay kulannkan iyo doodaha la xidhiidha arrimaha xaggasare ku xusan “waxaan filayaa maannta wax cusub isu sheegimaynee waxaann halkanu nimi inaann dib u jaleecno sida uu sheegay Mubaarak Maal hawlaha inna horyaala sanadaha soo socda” Marwo Sahara.

Waxaa isna madasha kulannkaasi ka haddlay Agaasimah guud ee hayádda Solnac Dr. Axmed Cabdi waxaanu sheegay inay ujeedada kulankani dabasocoto ujeedada book-yadaha guud ee lagu daabacay barnaamujka hormarinta qaranka Somaliland (national development planning NDP2) “Dr. Axmed Cabdi.

Dhanka kalana waxa uu sheegay arrintaasi inay qayb-ka tahay masuuliyadda ay hayáddani u taaganntahay iyo waajibaadkeeda ayna tahay inn uu Madaxweye Biixi kula xisaabtamayo sida hayádaha kale oo kale “arrintani waa masuuliyaddeenna aynu u taagannahay isla marrkaana ay tahay inuu Madaxweynuhu inagula xisaabtamo sida uu hayádaha kalaba waajibaaddkooda shaqo ugula xisaabtamayo” Axmed.

Dr. Maxaxamed Cabdullaahi oo isaguna kamida saraakiisha qaybta daweynta iyo darryeelka dadkala nool xanuunkaasi waxaanu madsha kuilankaasi ku soo bandhigay warbixinn qiimo badann oo dhinacyo badan ka taabanaysay xanuun dhaliyaha Aydhiska iyo waxyaabaha keena ama sida lagu kala qaado, waxaanay warbixintaasi tilmaamaysay inay wada socdaann la talinta iyo baadhista xanuunkaasi oo aanay kala hadhin “marka la eego xauun dhaliyahan Aydhiska iyo siyaabaha loo maareeyo xakamayntiisa inay wada socdaann baadhista iyo la talintu oo aanay kala hadhin”Dr. Maxamed Cabdullaahi.

Agaasimaha waxaaxda baadhista xisaabaadka (Director of auditor) Mukhtaar Cismaan oo isaguna madashaasi ku soo bandhigay macluumaadd dheer oo la xidhiidhay siyaabaha lagu kala xulanayo ama ay tahay inn lagu soo xushay shaqaalaha iyo qodobada muddnaannta la siinayo qofka taas oo ay tahay in qofka loo dhiibo booska shaqadiisa saxda ku ah oo tusaale ahaann aann qofkii darawalka ahaa ee aqoontiisu ahayd biraha iyo gaadiiddka in loo dhibo qaybta uu yaqaanno uun balse aann loo dhiibin xafiiska maamulka dhaqaalaha oo kale” Mukhtaar Cismaan.

Madaxa waaxda Tiknoolojiyadda iyo xidhiidhka (Communicationa and Technology head) SOLNAC Maxamed Xaashi waxa uu isaguna madasha kulankaasi ku soo bandhigay warbixin la xidhiidhay nidaamka shaqo ee ay tahay inay ku socoto hayádda Solnac taas oo la jaan qaadaysa qorshaha guud ee hawlqabaddka sanadaha soo socda ee tiradoodu xaggasare ku xusantahay “qaybta hubinta iyo dabagalka waa in la kordhiyaa tiradooda isla marrkaana awooddsiintooda dhaqaalaha sare Iyana loo qaadaa” Maxamed Xaashi.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here