Shirrweynihii Horrmarinta Arrimaha Waxbarashada Oo lagu Soo Xidhay Hotelka Maan-soor

0
238

Hargeisa (SH)-Shirrkii arrimaha horrmarinta waxbarashada ee wasaaradda waxbarashada ayaa lagu soo gaba-gabeeyey Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa, balse ka horr intii aann la soo xidhin shirrkaasi madasha uu shirrkaasi ka socday waxaa laga soo jeediyey khuddbado kaladuwann oo inntuba dulucda saarayeenn sidii loo sii hagaajinnlahaa waxbarashada qaybaheeda kaladuwann gaar ahaann iskuullada sare,hoose iyo dhexe, masuuliyiinntii shirrkaasi ka hadashay waxaa kamidd ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Camuudd Professor Saleebaan Cabdi Guuleed waxaanu ka sheegay inay muhiim tahay inn waaxyaha kaladuwann ee wasaaradda waxbarashadu lahaadaann dabagalka arrimaha u kala xilsaarannyihiinn (different fields at their offices) si loo helo waxbarashada ayno dooayno oo tayo leh “Wasaaradda madaxdeeda waxaann u soo jeedinayaa inay waaxyaha kaladuwann ee wasaaraddu leedahay qaybaha ay u kala xilsaarannyihiini waa inay noqdaann kuwo si fiicann shaqadooda dagabal ugu sameeya” Professor Saleebaan

“Aniga oo ku haddlaya magacaga Deeq-bixiyayaasha iyo hayadaha shirrkan innala fadhiya sida UNICEF iyo Save the Children waxaann soo jeedinayaa warbixinnada la xidhiidha arrimah waxbarashadu had-walba inay ahaadaann kuwo cad doo nadiifa isla marrkaana ku salaysann” sidaa waxaa hadlkiisa ku bilaabay Mr. Morten oo ah u qaabilsanaha xafiiska midawga reer Yurub.

Dhanka kalana Mr. Morten waxa uu soo jeediyey in xoogga la saaro ka warrhaynta caruuraha baahiyaha gaarka ah qaba ( sida kuwa laxaadkoodu kala dhantaalanyahay, kuwa loo yaqaanno cuuraaniinta (disability) iyo kuwa ku nool goobaha miyiga ah ee ka duruggsann magaalooyinka  waxbarashadood isla marrkaana ay helaan dhamaan adeeggyadii waxbarashada u fududaynlahaa “waxaann jeclahay inaann halkan ka sheego inaannu taageersannahay isla marrkaana garabtaagannahay caruuraha miyiga ku dhann, kuwa laxaadkoodu kala dhantaalannyahay ama cuuryaaniinta loo yaqaanno inay helaan waxbarasho tayo leh oo goobahooda loogu geeyo” Mr. Morten.

Xidhiidhiyihii barnaamujkaasi Cabdirisaaq oo ka tirsan sharaakiisha dhinaca waxbarashada ee Hayádda Norrwaygian Refugee Council (NRC) hayádda arrimaha qaxootiga ee dalka Norway waxa uu dhagaysta yaasha madasha shirrkaasi u sheegay inay isku kala qaybiyaann ilaa 4 kooxoodd sida

  1. Qaybta fidinta waxbarashada ( Accessibility)
  2. Qaybta tayenta waxbarashada (quality control department)
  3. Qaybta Dawladd wanaagga ( Good Governance department)
  4. Qaybta dadka laxaadkoodu kala dhimanyahay (disability department)

Doodo iyo falanqayn dheer oo mararka qaarrkoodd coddka sare loo qaadayey  ka dib waxay koox waliba halka iska soo xuleen qofkii u jeedinn lahaa nuxurkii ka soo baxay falanqayntoodaasi.

Cabdi-shakuur oo kamida shaqaalaha wasaaradda oo halkaasi ku soo bandhigay macluumaad la xidhiidha sababaha keena inn uu ilmuhu noqdo midd aanu laxaadkiisu dhamaystirrayn iyo qaybaha ay uu – u qaybsamo cudurka disabilitiy-ga la yidhaado ama cuuryaanimada (disability parties and what causes it) waxaanu sheegay inay kamidd-tahay marrka hooyadu wallaca tahay ee ay hunqaacayso dawooyinka la siiyo inay qayb ka yihiin dhibaatada ilmahaasi ku soo dhalankaro ee laxaadkiisa oo kala dhantaalma “intaa aad u dhageysta dawooyinka ay hooyadu qaadanayso marrkay ku jirto xiliga wallaca ee ay hunqaacayso waxay sababi karaann inuu ilmuhu soo dhasho isaga oo maskax ahaan ama jidh ahaan aan fayoobayn” Abdishakuur.

Mr. Shakuur waxaakale oo uu sheegay qaybaha kaladuwan ee loo yaqaano disability-ga ama laxaadka qofka oo kala dhantaalann ama maskaxdiisa oo aan dhamaystirayn “qaybaha kaladuwann ee cudurrkaasi ka koobanyahay waxaa kamida kuwa hadalku ku xidhmo, kuwa aan hadalkooda aad loo fahmayn, kuwa aragga la,kuwa lugaha la, iyo kuwa dhagaha la” Cabdishakuur.

Agaasimaha guudd wasaaraddaasi Cabdirisaaq Nuur Jaamac (Naakhuude) oo xidhitaankii wasiirrka iyo ku xigeenkiisa ka horr halkaa ka haddlay waxa uu sheegay inuu shirrkaasi ahaa midd muhiimadd weyn ugu fadhiya bahda waxbarashada oo dhann garr ahaann qaybihii arrimahooda sida gaarrka ah loogaga dooday kulankaasi inntuu socday iyaa oo dhanka kalana uu Agaasimuhu tibaaxay inay wasaaraddu sii wadidoonto arrimaha ka qayb qaadanaya horrmarinta waxbarashada. Agaasimuhu waxa uu xusay inay siyaasadda wasaaradda kamidd-tahay inay sidooda u fulaan dhamaann waxyaabihii halkan lagaga doodayey 3 dii cisho ee la soo dhaafay isla marrkaana lagu samayndoono sidii ay u fuleen wixii miiska lagag doodayey dabagal waxaana arrintaasi u xilsaaran waax kamida waaxyada Wasaaraddu ka koobantahay.

Gababadiina waxaa doodohii shirrweynahaasi oo xidhay wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye ( Toorno) waxaanu si ballaadhan ugu mahadd-celiyey ayádihii caalamiga ahaa iyo deeq-bixiya-yaashii shirrkaasi ka soo qab-galay iyo dhamaanba dadweynihii kaladuwanaa ee shirrkaasi lagu soo casuumay “waxaann aad iyo aadd ugu mahadd-celinayaa dhamaanba dadweynihii kaladuwanaa ee ka soo qaybgalay shirkii halkann 3 da cisho innooga socday iyo hayádihii caalamiga ahaa ee waxbarashada inagala shaqeeya sidookale waxaann iyagana u mahadd-celinayaa xubnihii innagala jiigay deeq-bixiya-yaasha oo aann iyagana leeyahay waadd mahaddsantihiinn” Wasiirka waxbarashada Axmed Toorno.

www.Somalihouse.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here