Kulanka maalintii 2-aad Ee Doodaha Shirrweynaha Hormarinta Waxbarashada Somaliland

0
259

Hargeisa (SH)-Shirrkii horrmainta arrimaha waxbarashada ee wasaaradda waxarashada ayaa galay wajigiisii 2-aad waxaanay ka soo qaybgalaashu abbaaro 8:30 kii subaxbnimaba salka saareenn kuraasta madasha shirrkaasi ka soconayey ee Hotel Maansoor.

Masuuliyiintii kulankaasi saaka ka hadlay waxaa kamid ahaa Mr. Charles Wafula oo ah la taliye la shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada waxaanu madasha ku soo bandhigay qoraal dheer (Slides) uu kaga sheekaynayo tayeynta arrimaha waxbarashada iyo sidii caruuraha miyiga ku nooli u helilahaayeenn goobo ay wax ku bartaan iyaga oo aann loo soo dhaadhicinn magaalooyinka waaweyn.

Xuseen Cawil waa agaasimaha waaxda waxbarashada aann tooska ahayn (none formal education head) waxaanu madasha shirrkaasi ku soo bandhigay heerarka kala duwann ee goobaha waxbarashada qaybtaasi ee ka jira goballada Somaliland, sidookale Mr. Xuseen waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inay jiraann hoosayn iyo tiradii la rabay inay gaadhaann ardayda waxbarashadoodu aanay tooska ahayn halkii laga rabay durufo iska jiray awood noocay doonaanba ha ahaadeene.

“waxaa jira gaabin badadann iyo hooseyn heerkii laga rabay inay gaadhaan tirada ardaydaasi balse ay wali qorshaha ugu jirto wasaaradda waxbarashada inay gaadhidoonto sanadaha soo socda heerkii la rabay inay helaan waxbarashadooda aan tooska ahayn” Xuseen Cawil.

Cabdiqaadir Xaaji Ducaale (Qabmi) waxa uu la taliye u yahay wasaaradda waxbarashada waxaanu isaguna soo bandhigay barnaamujka awooddsiinta caruuraha aan helin waxbarashadooda xiligii ay gaadheen “annagu waxaannu soo jeedinaynaa caruuraha aan helin waxbarashadoodii tooska ahayd inay hadda helaann waxbarashadoodii xiligaa dhaafeenn” Qabmi.Dhanka kalana Mr. Qabmi waxa uu ka hadlay inay muhiimtahay inay macalimiintu helaan iyaga nolo fiican oo ay goobahaasi ku joogi karayaann “warbixintayada waxaa qaybka ah inay macalimiintu helaan nolol ku filan oo ay ku joogikaraan goobahaasi ka baxsan magaalooyinka, waxaakale oo Iyana lagama maarmaan ah inay caruuraha xoolaha maalintii raacaa habeenkii helaan goobo waxbarasho oo ay wax-ku bartaann”Ducaale Qambi.

Professor Maxamuud Cabdi Sheekh oo ka tirsan saraakiisha hayádda UNICEF qaybteeda waxbarashada waxaanu taageeray banaamujka qaybihiisiihore ee la soo jeediyey, balse waxa uu hoosta ka xariiqay baahiyaha caruuraha ku nool goobaha magaalooyinka ka fogg taas oo ka dhigan sida uu sheegay inay caruurahaasi 30% kaliya ahi ay tagaan goobaha loo diyaariyey inay wax ku bartaan ee miyiga ah halka ay 70%100 ka maqanyihiin “dhibaatada innahaysataa waxay tahay caruuraha miygiga ee aynu leenahay waa inay yimaadaann iskuullada 100%30 kaliya ayaa jaanis u helay inay tagaan goobaha waxbarashada halka ay 100%70 kii kale ka maqanyihiin haddii aynaan 70 kaa ka maqan soo xero galin waxaan ka haddlaynaa waah al bacaad lagu lisay” Professor Maxamuud Cabdi Sheekh.

intaa ka dib madasha waxaa ka bilawday suáalo ka dhashay soo jeedintii kooxdii fidinta waxbarashada (educational accessibility tea) Caydiid waa guddoomiye ku xigeennka waxbarashada ee Gobalka Togg-dheer waxaanu aaminsann yahay ilmaha yaree maalintii oo dhan xoolaha daba socday oo intaas oo kilo mitirs soconayey marka uu habeenkii soo xaroodo inaanu awoodi karin inuu xiligii uu seexan lahaa soo xaadiro waxbarasho iyo goordambe markaa suáashaydu waxa weeye aan ka dooddno sidii ay arrimahaasi isu qaban lahaayeen” Caydiid.

dhanka kalana Mr. Caydiid waxa uu suáashiisa 2-aad u dhigay sidan “qoladasha cilmi-baadhistan soo sameeyey waxaann waydiinayaa iyaga iyo wasaaradda oo wada socda ardyda faraha badann ee ka soo baxaya iskuullada hoose dhexe ee soo galaya dugsiyada sare ama ka baxay dugsiyada sare ee jaamacadaha u baahan maxaa fursado ah oo loo hayaa” Caydiid.

Mr. Morten oo ka socday midawga reer Yurub ayaa isaguna halkaa ka soo jeediyey aragtidisa la xidhiidha suáalihii laga dhiibanayey barnaamujka ay soo bandhigeen kooxda fidinta waxbarashada ee cilmibaadhista ku soo sameeyey dal-daloolada arrimaha waxbarashada Somaliland gaar ahaann caruraha ka duruggsann goobaha magaalooyinka waaweyn am amiyiga ku nool, waxaanu sheegay hoos u dhaca ka muuqday barnaamujkii ay soo bandhigeenn kooxdaasi inuu ka tarjumayo baahiyaha baaxadda leh ee ay wali jaarka la yihiin caruurahaasi aan magaalooyinka ku noolayn.

Mrs. Hana oo iyana ku hadlaysay macaga safaaradda Finlad ee Nairobi waxay iyana tilmaantay in loo baahanyahay in fursadaha waxbarasho siinnta caruurahaasi miyiga ku nool laga eego dhinaca jinsiga lamaanaha (Gender blance equity for education opportunity), Mr. Ducaale Qabmi oo ka midd ahaa kooxda cilimibaadhistaasi soo sameeyey waxa uu isku soo aruuriyey suáalihii laga waydiiyey kooxdaasi soo jeedintoodii la xidhiidhay macluumaadkii uga soo baxay baadhitoonkoodii.

Pro. Maxamuud Cabdi Sheekh oo ka jawaabayey qayb kamida su’aalihii la waydiiyey waxaana jawaabihiisa ka mid ahaa “aniga waxay ila tahay xalka barnaamujkaasi inuu yahay inaan ka faaíidaysano macalimiinta galinkahore oo kaliya 2 caruura wax u dhigaya ee galoinka dambe oo dhan firaaqada ah iyo buugaaggta iyo bal-cadda (dharka) iska yaalla ee aanay cidina xidhanayn intii aann ka raadin lahayn macalimiinn horleh oo la tababoro sidaasuu xalku iila muuqdaa” Pro. Maxamuud Cabdi Sheekh.

“Wasiirku waxa uu nagu hogaaminayey noona sheegay inay fiicnaan lahaydd in goobaha miyiga ah laga sameeyo muraayadd ku shaqaynaysa cad-deedda solar power) kaas oo casharrada lagu shubaa ay iska soconayaann oo cidd walba oo soo martaaba ay ka faa;iidaysanayso taana waxaannu u araggnaa inay fiicnaan lahaydd haddii loo sameeyo dadkaasi ku nool goobahaa ka fogg magaalooyinka” Maxamuud Cabdisheekh.

Xuseen Cawil oo isaguna kamid ahaa kooxdaasi waxa uu jawaabtiisa u dhigay sidan “waxaa la sameeyey muraayadd  loo bixiyey aqoonjire oo lagu soo shubay casharradii waxbarashada loogu talo galay waanay ka faaídaysteenn waxaanan soo jeedinlahaa inaan taa uun sii xoojinno” Xuseen Cawil.

Ubax Axmed Cabdullaahi oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo madashaasi ka dhiibatay araggtideeda waxaanay si koobann u soo dhigtay “aniga oo magacaygu yahay Ubax Amxed Cabdullaahi waxaann taageerayaa araggtida odhanaysa haddii aynu doonayno inaynu sare u qaadno kaalinteenna hormarineed ee waxbarashada gaar ahaann caruuraha ku nool goobaha ka baxsan deegaannada waxbarashadu ka jirto (urban twons) inaynu sare u qaadno cilmibaadhisteenn la xidhiidha sidii aan xogg dhaba uga helilahayn arrimahaasi” Ubax.

Wasiirka horrmatinta arrimaha waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye (Torno) oo doodihii qaybtaa hore soo xidhay waxa uu sheegay inaanu wali aragg macluumaad dhaba oo tilmaamaya sababaha waxaanu soo jeediyey inn si dhaba loogu noqdo daraasaynta la xidhiidha sabahaba ay 70%100 uga maqanyihiin goobihii waxbarashaxada “aniga waxay ila tahay inaynu dib ugu noqono sababaha dhabta ah ee ka danbeeya inay 70%100 caruurihii ka maqanyihiin goobihii waxbarashada aniguna sabab dhaba oo aan ogahay ma jirto dee haddii aanay jirinn ciddkale oo halka fadhiga ii iiga aqoonnroon markaa waxaan soo jeedin lahaa inaann ball arrimahaa dib ugu noqonno xoggtooda dhabta ee ay caruurtu la iman la;yihiin goobihii waxbarashada” Wasiir Torno.

qaybtii dhexe ee  khudbadihii iyo soo jeedimihii madashaasi waxaa qaatay kooxdii tayenta waxbarashada (Quality of education)- waxaana kooxdaasi u soo jeediyey warbixintooda  Maxamed Hilow Isaak waxaana kooxdaasi hoosyimaadda qaybaha Curriculum ka, xafiiska Imtixaanaaddka iyo xafiiska tayo dhawrka waxbarashada iyo qaybta cilmi baadhista waxaana qaybtaasi la shaqeeya hayádaha NRC iyo Save the Childern (ilaalinta caruuraha) Mr. Hilow Isaak waxaa warbixinta kooxdiisa kamid ahaa inay lagama maarmaan-tahay in macalimiinta la geeyo dhamaan goobaha waxbarashada oo dhann “waxaannu humiim u araggnay inay lagama maarmaanntahay in macalimiinta loo qaybiyo dhamaann goobaha waxbarashada sida midda tooska ah iyo midda dadbann (formal education and none formal education teacher distribution)”

Axmed Cabdullaahi Maxamed oo ka socday hayádda African Educational Trust (AET) ïska marrkaana ah madaxa guudd ee xafiiska Hayáddaasi (coutry director) oo ka jawaabayey suáalihii kooxdiisa tayenta waxbarashada la waydiiyey waxa uu sheegay inay ujeedadu tahay in la eego danaha ardayga waxbarashada u baahann isla markaana ay tahay in waxbadann la ilaaliyo erayada cabaqadaha ku ah ardayga waxbaranaya ee aan ahaynn luuqaddeennii Somaliga ahayd “waxaannu soo jeedinaynaa in hoos loo eego erayada la adeeggsanayo ee caqabadaha ku ah ardayga kuwaas oo aann qayb ka ahayn luuqaddeennii Somali ahayd waana inay Macalimiintu markay ardada wax u dhigayaan adeeggsadaann luuqadda ay wax ku fahmikarayaan ee ugu dhaw fahamkooda” Maxamuud.

Siciid Maxamed Jaamac (boodsane) oo ah la taliyaha wasiirka waxbarashada isla markaana xubin ka ahaa kooxdii soo diyaarisay qaybta Dawladd wanaagga (Good Governacne) waxa uu madasha ku soo bandhigay warbixin qiimo badann oo ka sheekaynaysay nidaamka Dawladd wanaagga lagu qiyaaso balse marrkii uu sharraxayay warbixintaasi waxa uu yidhi “waxay ilatahay inanynu culeyska saarro waxyaabaha innaga maqann ee u baahan inn la buuxiyo sida meelaha ay gol-dalooladu ka jiraan sida sharciyadii lagu maarayn lahaa waxbarashada iskuullada iyo qaarkale” Siciid Jaamac.

Siciid waxa uu tilmaamay waxyaabaha kale ee maqan isla markaana loo baahanyahay in la helo waxaa kamida marka la samaynayo siyaasadda waxbarashda ama maaraynta nidaamka iskuullada in laysu wada keeno dhamaann dhinacyada ay qusayso arrintaasi “waxyaabaha kale ee aann tabayo inay innaga maqanyihiin waxaa kamida inaynaan lahayn nidaamkii midaynayey dhamaanba dhinacyada ay qusayso iyo cidda ay saamaynaysaba inay goobjoogg ka ahaadaann samaynta nidaamkaasi”

Dhanka kalana Mr. Siciid waxa uu warbixintiisa Dawladd-wanaagga ku soo qaaday inay qorshaha wasaaradda ku jirto 380 qof oo gaadhay xiligii ay shaqada ka fadhiisan lahaayeen  (retirement time) kuwaas oo ay tahay inay iska nasxtaann hadda wixii ka dambeeya balse au mudanyihiin in loo sameeyo dadkaasi meelo ay dagaan oo ay noloshooda ku qaataan taas oo ay adaggtahay inay helaan yaboohda wasaaradda xiligan la joogo “waxaajira 370 qod oo gaadhay xiligii ay shaqada ka fadhiisan lahaayeen maadaama ay dee iyaga oo 20 jirro ah shaqada soo bilaabeenn maantana ay iyaga oo 80 jirro ah shaqaynayaann dee waxaa loo baahanyahay inaan dee la wada muuddsann qofka e balse marka uu xiligann oo kale soo gaadho la nasiyo oo guryo loo dhiso ay ku nastaan” Saciid Jaamac.

Mr. Muuse  Yuusuf Raabi oo ku haddlayey afka Iskuulka lagu barto culuumta la xidhiidha arrimaha Beeraha ee ku yaalla tuulada Beer ee Gobalka Togg-dheer waxaanu madasha kulankaasi ku soo bandhigay macluumaadka bilawgiihore iyo sababtii loo aas aasay Iskuulkaasi isaga oo arrimahaa sharraxaad ka bixinayeyna waxaa haddalladiisii kamidd ahaa “Iskuulka Beer waa Iskuul boodhin ah waxaana aas aasay bilowgiihore xubno qurbojoogg ah oo ku maqan dalka Jarmalka, 3 dii sano ee horana waxaa kharashaadkiisa qaybsanjiray xubnihii aas aasay kadibna waxay xubnahaasi Dawladda heshiis kula galeen in la hoosgeeyo wasaaradda waxbarashada oo ilaa hadda maamusha” Muusue Yuusuf.

Musse sababihii keenay hindisaha Iskuulkaasi waxa uu ku sheegay inay xubnahaasi dareemeenn dhibaatada cunnooyinka oo ay bulshadu dibadaha ka soo iibsato iyada oo dhulka hooyo laga soo saarikaro tann ay soo dhoofsanayaan midd la mida amaba ka sii wanaaggsann “sababaha keenay inay muwaadiniintaasi sameeyaan Iskuulkani waxaa kamida inaynu kiilooyo tamaandho ah kayuuga u gallo taasi oo laga soo waariday dibadaha taas oo ay u arkeenn inaynu dalkeenna ka soo saarannkarro tamaandho iyo guudd ahaamba cuntooyinka aynu dibadaha ka soo dhoofsanno” Muuse Yuusuf.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Mudane Dr. Cabdixakiim Siciid  Bustaale oo Halkaasi ka Hadalayay  Sheegay Qiimaha iyo Muhiimada  ay wasaarada waxbarashada u leedahay  Qaybta  Muul-wanaagga Waaxda Waxbarasha  isagoo  halkaa ka haddlay waxa uu sheegay inn aanay hayáduhu iyaga oo aann la soo xidhiidhin guddoomiye gobal aanay cidd isaga yeedhan karin marrka ay ka haddlayaan arrimaha waxbarashada sidaa darteedd waxa uu xusay inay hayáduhu u hogaansamaan sharciga Dalka  oo marrka ay hawlqabanayaanba ay kala soo xidhiidhaann, Wasiir ku xigeenku waxa uu sidaa yidhi isaga oo ka jawaabayey suáal  madasha uu soo ka soo Jeediyay  guddomiye ku xigeennka Gobalka Togg-dheer kaas oo yidhi “waxaannu khaatiyaan ka taagannahay hayádaha gobalka Togg-dheer oo markay tabobarr qabanayaannba iyaga oo aannaga ka REO-yo ahaann na soo marinba isaga yeedha hadda cidday doonaane, idinkaan idin waydiiyeye taasi ma nidaam iyo maamul wanaaggbaa mase waa khaladd?

“REO-gaasi  suáashaa uu innay waydiiyey ee ah inay hayáduhu marrka ay shirr qabanayaannba isaga yeedhanayaann cidday doonaann iyaga oo aann soo xidhiidhin Guddoomiyaha waxbarashada ee Gobalkaasi inaanay dhicidooninn hadda kadib waxaanan hayádaha u sheegaynaa marka ay shirarkooda qabanayaann inay si toosa ula soo xidhiidhaann REO-Yada gobalka waayo iyagaa Wasaaradda uga wakiila arrimahaasi”Wasiir Bustaale.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here