Shirr-waynaha Horrmarinta Waxbarashada Somaliland Oo Ka Fumrmay Hotel-Maan-soor

0
173

Hargeisa (SH)-Shirr-waynaha Hormarinta waxbarashada Qaranka Somaliland ayaa lagu qabtay Hotel-la Maan-soor, shirrkanna oo soconn-doona muddo 3 cisho ah waxaa ka soo qayngalay masuuliyiin kala duwann oo ka kala socday Wasaaradda hormarinta Waxbarashada, sida wasiirrka, wasiirr ku xigeennka, agaasimaha guudd iyo agaasime waaxeedd-yada, saraakiisha hayádahadaha gacann-saarrka la leh wasaaradda waxbarashada ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha iyo martisharafkale oo farabadann.

Shirrwaynahann oo ay ujeedadiisu tahay sidii looga niqaashilahaa qaabka horr-marinnta arrimaha waxbarashada waxaa lagu furay shahaadooyinn la guddoonnsiiyey macalimiinn ka qalinjabiyey qaybta tabarrada macalimiinnta ee wasaaradda waxbarashada kuwaas oo loo soo xidhay dharka astaanka gaarka u ah qalinjabinta arrimaha waxbarashada kuwaas oo masuuliyiinnta wasaaraddu guddoon-siiyeenn shahaadooyinkii tabo-barrkaasi.

Qaybtii 2-aad ee shirrweynahaasi oo qadada kadib laysugu soo laabtay waxaa ka haddlay wasiirrka arrimaha hormatinta waxbarashada Axmed Torno waxaanu sheegay inay qaybtani tahay tii ugu muhiimsanaydd ee dulucda shirweynahaasi waxaanu yidhi “hadda waxaa la soo gaadhay qaybtii 2-aad ee shirrweynaheennii  maannta kaas oo ah inaynu ka niqaashno istaraatiijiyadda horrmarineedd ee 5 ta sano ee soo socota iyo qaabkii lagu horrmarinnlahaa arrimaha waxbarashada Somaliland”Wasiir Torno.

ka qalinjabiya yaasha waxbarashadaasi waxay tiradoodu dhamayd 350 arday oo qaarkood ay dhiganayeen waxbarashadaasi iyaga oo xafiisyadooda ka shaqaynaya halka ay 210 kalana waxbatashadaasi soo wadeenn muddo 2 sano ah taas oo ay natiijadeedii  maanta gacanta ku dhigeenn shahaadadii ay m uddadaasi u soo dhabar ahaydageenn inay helaan.

Saraakiishii ajaanibta ahaa ee madashaa kulankaasi ka haddlay waxaa ka mida ahaa Mr.Marten oo ku haddlayay magaca midawga reer Yurub waxaanu tilmaamay inay muhiimtahay sidii loo hormarinlahaa waxbarashada isla markaana ay Midawga Yurub taageerayaann in waxbarashada loo daadajiyo bulshada qaybaheeda kaladuwann gaar ahaann caruuraha gaadhay xiligii waxbarashadooda. “aniga iyo wasiirrada kale ee xukuumaddu waxaannu ka midd moqonaynaa dhageystayaasha khudbadaha waxaanannka jawaabidoonnaa wixii suáalo ah ee nalawaydiiyo howsha daadihinteedana waxaann ku wareejinayaa Agaasimaha guudd ee wasaaradda iyo hawlwadeennada kale ee wasaaradda”sidaa waxaa shirrka waybtiisa 2-aad ku furay wasiirrka arrimaha waxbarashada Axmed Torno.

Maxamuud Xasan waa madaxa sare ee hayádda ilaalinta  caruurta waxaanu halkaa ka soo jeediyey khuddbadd dheer oo ku baxaysay luuqadda Ingriiska waxaanu soo jeedintiisa ku matalayey saraakiisha ajaaninta ah ee madasha uga soo qaybgalay hayádaha shisheeye ee bah-wadaaggta al ah wasaaradda waxbarashada.

Xasan waxa uu sheegay inay hayáddiisa Save the Children iyo kuwa kale ee uu magacooda ku hadlayeyba diyaar u yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaann arrimaha waxbarashada ee 5 sano ee soo socota “ hayáddayada ilaalinta Caruurta (Save the Children iyo kuwa kale ee aan magacooda ku hayddlayo dhamaantayo waxaannu diyaarr u nahay inaannu wasaaradda waxbarashada Somaliland kala shaqayno arrimaha horrmatinnta waxbarashada 5 ta sano ee soo socda” Xasan Maxamuud.

Gabadha la yidhaado Hana oo ah u qaybsanaha arrimaha waxbarashada Somalia iyo Somaliland waxaanay ka hadashay arrimaha horrmarinnta waxbarashada iyo daddka ay tahay inay waxbarashadaasi gaadho oo ah bulshada jilicdasann waa sida ay hadalkeeda u dhiggtaye “deeq-bixiya-yaasha aann magacooda ku hadlayaa waxay danaynayaann inay waxbarashadu gaadho bulshada inteeda jilicdasann ee u baahann inay waxbartaann sida caruurrta iyo haweennka oo kale taasina waa muhiimm taasina waa humiim marka laga hadlay daadajinta arrimaha waxbarashada” Laitinen oo ah la taliyaha arimaha waxbarashada iyo horrmarinta bulshada Somaliyeed sida ay magaceeda iyo shaqadeedaba ugu Sheegtay Shabakadda Somalihouse.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Mr. Charles Wafula oo ku haddlayey afka — waxaanu madasha kulankaasi ku soo bandhigay document qoraal ah kaas oo waxbadann oo arrimaha waxbarashda iyo shirrkanba la xidhiidha lagu sheegay, waxaanu ka sheegeeyey Mr. Wafula ujeedada horr-marinta arrimaha waxbarashada laga leeyey inay tahay dadka mudann inay waxbartaan inay helaan waxbarasho tayo leh “ujeedada laga leeyahay arrimaha hormarinta waxbarashadu waa inay bulshada soo koreysa ee gaadhay xilliga waxbarashadooda helaann waxbarasho tayo leh gaar ahaann dada iskuullada” Mr.Wafula.

Mr. Wafula waxa uu sheegay inay si baaxaddle u soo korayaann bahada waxbarashada ee gaarrka loo leeyahay sidaa darteeddna ay tahay inay xukuumaddu indhaha ku hayso nidaamkooda waxbarashada iyo ka taageeridda haddba meesha ay ka liitaann “waxaa isa soo taraya kobaca xarumaha waxbarashada gaarrka loo leeyahay iyo kuwa Dawladdu leedahayba waxaana loo baahannyahay inay xukuumaddu si dhaw inaha ugu hayso nidaamka waxbashadooda iyo sidookale taynta waxbarashadoodaba” Mr.Wafula.

Dhanka kalana Mr. Wafula waxa uu sheegay inay jiraann caruuro farabadann oo aann helin inay waxbarashadooda u fadhiistaann xilligii ay u baahnaayeenn sida kuwa ay dhaleenn dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool goobaha ka duruggsann magaalooyinka “waxaajira caruuro faranadann oo aann helin waxbarashadii ay u baahnaayeenn sida kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah iyo kuwa ku nool goomaha ka fogg waxbarasahda ee dagann miyiga waxaana loo baahannyahay inaann ka hadallo sidii ay caruurahaasi ku helilahaayeenn waxbarasho tayo leh sida caruurtaha kale ee dhiggooda ah” Cahrles Wufula.

Dhanka kalana intii uu shirrkaasi socday waxaa jiray suáalo doora oo ka dhashay khudbadihii iyo soo jeedintii masuuliyiintu madashaasi ku soo bandhigeen, kuwaas oo intuba ay diiradda saarayeenn mawduuca waxbarashada ee laga doodayey waxaana kamid ahaa suáalihii ay dhagaysta yaashu soo jeediyeenn “waxaajira kumaann iyo kumanaann daýara oo aanay waxbarashadu gaadhin tusaale ahaan aniga kuwo farabadann oo eheladayda ah oo lagayaabo inay magaalada Hargeysa u jiraann 20/30 kiiloomitir haddana aan haysan waxbarashu marrkaad waydiiso maxaadd wax u baranwaydeenn waxay ku odhanayaann oo hadaann magaalada tago yaa adhiga iyo Geela ii raacaya markaa waxay u baahannyihiin inay caruurahaasi meeshooda ku helaan waxbarashada” Professor Maxamed Osman Guudle.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here