Somaliland, Baanka Adduunka, Shirrkadda SSG Iyo Hayadda Caalamiga ah ee PAI Oo si Wada Jira U Daah-furay Mashruuc-Ballaadhann

0
293

Hargeysa (SH)- Shirweynaha Daah-furka samaynnta Siyaasadda Mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka Shaqaalaha Dawladda ayaa lagu qabtay Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa, qabsoomidda shirrkann oo ay iska kaashadeenn Xukuumadda Somaliland gaar ahaann Hayádda shaqaalaha, Hayádda, Wasaarahaha Shaqada iyo arrimaha bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, API, Baanka aduunnka iyo SSG waxaa ka soo qaybgalay dadweyne farabadann oo gaadhayey ilaa 100 qof in ku dhaw kuwaas oo ka kala socday, saraakiisha xukuumadda sida wasiirro iyo Guddoomiyaha Hayadda shaqaalaha, iyo maamul wanaagga iyo la dagaalannka Musuq-maasuqa iyo saraakiisha kala matalayey Hayádaha aann xagga-sare ku soo sheeggnay ee SSG, Baank adduunnka, PAI international  iyo martisharafkale.

Maxamed Geeddi Caynaanshe oo ah agaasimaha guudd ee hayádda shaqaalaha oo shirrkaasi ka jeediyey khudbaddiisa waxa uu sheegay inay madashani kulmisay dadweyne farabadann isla marrkaana ay tahay midd loogu talogalay ku dhawaaqidda barnaamuj muddo soo socday kaas oo ahaa sidii loo qiimaynlahaa shaqaalaha Dawladda iyo darajooyinkooda oo lagu salaynndoono darajooyinkooda ay kala sitaan ee dhinaca aqoonnta iyo xirrfadah kale.

Mr. Geeddi Caynaanshe waxa uu sheegy sidookale inay tuubada dhuunnteeda ku soo jirto qorshe la doonayo inay shaqaale waynaha Dawladdu helidoonaan gurryo u gaara oo ay dagaann isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi“waxaa qorshaha ku jira oo soo cocda inaadd yeelantoontaan guriyo idiin gaara oo aadd idinnku leedihiinn”

Geestakalana waxa uu sheegay qiimayntaasi inay noqondoonto midd lagu rikoodh-garaynayo habsami u shaqaynta qofka shaqaalaha ahi leehay iyada oo subaxkastana uu qofkasta oo shaqaale ahi farta saaridoono nidaamka xaadirinta shaqadda iyo joogtaynteedaba “waxaa arrintaa mahaddeeda iska leh Madaxweyne Muuse Biixi oo xilwaynn iska saaraya daryeelka shaqaalaha Dawladda” Caynaanshe.

“shaqadann tabo-barradeeda waxaa innoo qabandoona si wadajira shirkadda PAI international oo laga leeyahay dalka UK iyo hadda maxalliga ah ee SSG waxaanay tabo-barradaasi socondoonaann muddo sanad” sidaa waxaa madasha ka sheegay xidhiidhiyihii barnaamujkaasi.

Cabdi Aadan Diiriye waa madaxa dib u habaynta shaqaalaha hayádda waxaanu sheegay inay tahay wakhtigii la sugayey oo ah in la soo gaadhay kala saaridda shaqaalaha iyaga oo lagu salaynayo heerarrkooda kaladuwann ee aqoontooda  oo lagu salayndoono taas oo muhaharrkoodu noqondoono midd ku salaysann arrimahaasi “maanta waxaan ku faraxsanahay inaynnu soo gaadhnay goortii ku haboonaydd xafladdann oo kale inaann kaga dhawaaqno furitaanka mashruucann qaaliga ah waxaanann hayádda shaqaalaha uga mahadd-celinayaa dadaalkeedii muddada dheerr soo socday oo maanta soo gaadhay midho-dhalkiisii waxaanan leeyahay aann ka wada shaqaynno si wadajira mashruucann si uu – u guuleysto”Cabdi Aadann Diiriye.

Waxaa isna halkaa ka  haddlay madaxa kooxdii qiimaynta barrnaamujkaasi  Assessment team leader Mr. Malcolm Bell, oo ku haddlayey magaca hayádda caalamiga ah ee PAI international waxaanu sheegay inay daah-furka xafladdani tahay midd qiimo badann ugu fadhida dhamaan hayádaha kaladuwann ee iska kaashaday qabsoomidda iyo daah-furrka barnaamujkani iyo sidookale inay ka midho dhaliyeenn dadaalkii ay muddada soo wadeenn ” maanta waa maalinn aqiimo-badann ugu fadhida Somaliland gaarr ahaann hayádaha Dawladda ee tiirr-dhexaaddka u ah mashruucann iyo hayádaha kale ee SSG, Baanka Adduunka iyo PAI International” Maclcolm Bell.

Maxamed Jaamac oo ku haddlayey magaca shirrkadda SSG ahna aas-aasihii dhidibada u taagay SSG oo madashaasi ka haddlay waxa uu tilmaamay inuu yahay aas-aasaha shirrkadda SSG oo uu isagu madax-kayahay, isla markaana ay horey u soo sameeyeen mashaariickale oo midho-dhalay sida barnaamujkii lagu tirokoobayey shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo qaarkale “anigu waxaann ahay aas-saasahay shirrkadda SSG waana shirrkadd shirrkadd kalatalisa arrimaha la xidhiidha shaqooyinkooda iyo dhinacyo kalaba ahayádaha kaladuwann iyo bulshada ” Maxamed Jaamac.

Dhanka kalana Mr. Jaamac waxa uu farta kufiiqay ka SSG ahaann inay xafiisyo ku leeyihiinn dalalka UK, Dubai, Ethiopia, Kenya iyo Somaliland “Shirrkaddu waxay xafiisyo ku leedahay dalalka UK, Dubai, Ethiopia, Kenya iyo Somaliland waxaanan diyaarr u nahay inananu hayádaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa xukuumaddaba kala shaqaynno arrimaha la xidhidha la talinnta dhinacada arrimaha shaqaalaha iyo wixii kale ee la xidhiidha” Maxamed Jaamac.

Guddoomiyaha hayádda waddooyinka Somaliland Nuux Ibraahim oo kamidd ahaa saraakiisha hayádaha Dawladda ee madashaasi lagu soo casuumay waxa uu  sheegay inay farxadd u tahay inay qayb ka ahaadaann hayádaha Dawladda ee kaalinta waynn kaga jira dhishama dalka iyo hormarkiisa “annaga sharafweynn bay nootahay inaannu qayb-kanahay hayádaha Dawladda ee kaalinta waynn ku leh hormarrka dalka” Mawliid Nuux Ibraahim.

Dayib Adan Xaaji Cali oo ah Guddoomiyaha hayádda la Dawladd-wanaagga iyo la dagaalannka musuq-maasuqa oo madashaasi ka haddlay waxa uu xusay inay hayáddiisu qabato arrimah waaweynn oo muhiimaddoodaleh balse layaga yaabo inaanay bulshada inteeda badani u aragg muhiimadd weynn shaqada ay hayaann isaga oo arrimahaasi ka haddlayeyna waxa uu yidhi “waxaa laga yaabaa inay bulshadu meelo kale wax ka eegaann oo aanay muhiimadd sidaa u waynn siininn shaqada aannu hayáhdd ahaan dalka u haynno balse runntii shaqada aannu dalka u haynaa waa tii ugu qiimaha baddnaydd waayo ilaalinnta hantida umadda ama la dagaallanka musuq-maasuqa oo aadd oggtihiinn dhibaatada ay bushada u leedahay iyo arrimaha Dawladd-wanaagga oo Iyana hormarrka dalkuba ku dhisannyahay ayaannu umadda u haynaa ”Dayib Aadan Xaaji Cali.

Wasiirr ku xigeennka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Rooda Cilmi oo madashaasi ka hadashay waxay sheeggtay inay ka wasaaradd maaliyadeedd ahaann ku faraxsannyihiinn inay yihiinn tiirrka ugu weynn ee dhaqaajinta mashruucani “annaga wasaaradd ahaann farrxaddweynn baynootahay inaannu nahay tiirrka ugu weynn ee dhaqaajinaya fulinta mashruuca samaynnta siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabaynnta darajooyinka shaqaalaha Somaliland maanta wixii ka dambeeyana shaqaalaha Dawladdu waxay mushaarahaaddkooda ku qaadann-doonaan sida ay u kala aqoonn-badannyihiinn ama u kala darajo sarreeyaann” Marwo Rooda Cilmi.

Gudoomiyaha Hayádda shaqaalaha Khaalid Jaamac Qodax oo isaguna qayb-ka ahaa masuuliyiinntii madashaasi ka khdubadeeyey waxa uu ka dhawaajiyey inay isaga iyo xafiiskiisaba farxaddweynn u tahay inuu ka soo qaybgalo xafladda daah-furka mashruucaasi, waxaanu si gaara mahadd-ballaadhann ugu jeediyey Baanka adduunka oo bixiyey dhaqaalaha lagu meel-marinayo habsami u socoddka mashruucaasi “waxaann si gaara halkann uga mahadd-celinayaa Baanka addduunnka oo innaga caawiyey dhaqaalaha ku baxaya muddada uu mashruucaasi soconayo ee sannaddka ah” Mr. Qodax.

Geestakalana waxa uu sheegay si loo sii casriyeeyo nidaamka shaqaalaha iyo mushaharkooda in lagu salaynndoono khibradahooda la xidhiidha dhinca heerkooda aqooneedd isla marrkaana uu daah-fruka mashuuracani noqonayo midd qayb-waynn kaqata daryeelkooda “arrintaasi waxay dhiirigelinn u tahay shaqaalaha hayádda Dawladda annaguna waxaannu ku dadaalidooonnaa sidii aannu uga midho dhalin-lahaynn barmaamujkaasi waxaanu noqonndoonaa nidaamka  loo raacidoono ilaalinta ixukuuqda shaqaalah yo mushahar-bixintooduba midd ku salaysann arrimaha aqoonnta iyo xirrfadd-wanaagga” Khaalid Qodax.

Mr. Qodaxa waxa uu inntaa sii raaciyey inay jiridoonaan  xubno Guddi ah oo la soconndoona habsami u socoddka iyo guusha mashruucaasi loogu talogalay kuwaas oo hayaádaha fulinaya mashruucaasi kala shaqaynndoona muddada sanaddka ah “waxaa jiridoona guddi gaara oo mashruucani kala shaqaynndoona hayádahann fulinaya kuwaas oo dabagal ku samayndoona hirgelinta mashruucaasi” Khaalid Qodax.

Wasiirrka shaqada iyo arrimaha bulshada Mustafe Maxamed Cali oo ah Wasiirrka  qoyska iyo arrimaha bulshada isla marrkaana Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakiil uga  ah fulinta mashruucani waxa uu sheegay inay Somaliland guulweynn u tahay maannta maadaama la daah-furay mashruucani “maannta Somaliland guulweynn-bay u tahay inaann si rasmiya u daah-furrno mashruucani qiimaha baddann ugu fadhiya shaqaale waynaha Somaliland” Mustafa Maxamed Cali.

Dhinaca kalana waxa uu Wasiirku carrabka la raacay inaysann caddaaladd ahaynn inay shaqaaluhu isku mushaharr qaataann maadaama aanay ka midaysnaynn dhinaca aqoonnta iyo xirfadaha iyo shaqo-wanaaggaba balse maannta wixii ka dambeeya uu mashruucani noqonndoono midd lagu kala reebo darajooyinka xagga mushaharaaddka la xidhiidha ee shaqaalaha Dawladda “caddaaladd-darro ka wayni ma jirto in la yidhaado shaqaalaha Dawladdu ha qaataann isku mushaharr iyaga oo aann lagu salaynaynn aqoontooda iyo kala duwanaanshaha xirrfadahooda kaladuwann balse waa ilaahay mahaddiisa maantaba haddii aynnu daah-furaynno mashruucii qiimaynnta shaqaalaha iyo siyaasadda bixinta mushaharrkooda iyo darajaaddkooda lagu qiimaynllaahaa kaas oo kala saaridoona heerrka mushaharaaddkooda” Wasiir Mustafa.

Gaba-gabadiina waxaa halkaa lagu daawaday Cajalado maqal iyo muuqaal ahaa oo lagu darrsayey howlaha shaqo ee ay qabataan shirkadaha iyo PAI International iyo SSG kuwaas  oo  kaalinn-weynn ku yeelanndoonna habsami u socoddka muddada sannaddka ah ee uu massharcuucani soconndoono, waxaanay saraakiisha shirkadaha SSG iyp PAI madashaasi ku soo bandhigeenn mashruuc qiimo badann oo aadd loogu riyaaqay.

Dhinaca Hayádda SSG waxaa daadihinnta cajaladdaasi u daahinayey Maxamed Jaaac oo ah Guddoomiyaha shirrkaddaasi SSG halka uu dhannacooda hayádda  PAI u soo jeedinayey Mr. Malcolm  Bell oo ah khabiirr ka tirrsann Hayáddaasi taas oo fadhigeedu yahay dalka UK. waxaanu Mr. Malcolm Bell goota xafladda daah-furkaasi ku faah-faahiyey sida uu mashruucani u soconndoono wajigiisa 1-aadd iyo kiisa 2-aadd. Iyadoo ay siwadajira isaga kaashann-doonaann daadihiinta mashruucaasi hayádaha kaladuwann ee ku xusann xagga-sare.

www.Somalihouse.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here