Macaahidda Al-basiira iyo Daaru-tanziil Oo Xafladd Ballaadhann Shahaadooyinn Ku Guddoonnsiiyey 80 Arday

0
56

Hargeysa (SH)-Mac-haddka barashada Quráanka kariimka ah iyo culuumtiisa ayaa shahaadooyinn ku guddoonsiiyey 80 arday oo dhamaystay xifdiga Kitaabka Ilaahay, iyo qabta Mac-hadka ee luuqadda Carabiga oo barrtay qaybo kamida cilmiga Shareecada Islaamka, munaasibaddaasi oo si quruxbadann loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybgalay Mudiirka Machaddka Sheekh Xuseen Cabdulqaadir iyo masuuliyiinkale oo ka socotay qaybaha kaladuwann ee bulshada sida xisbiyada siyaasadda, culimada, waaliddka iyo ardayda Mac-haddkaasi.

Sheekh Xuseenn waxa uu sheegay inay xafladdaasi koobsatay 2 qayboodd sida kuwa dhamaystay Qur,aanka iyo qaybta barashada Carabiga isaga oo arrimahaa ka haddlayeyna waxa uu yidhi “ilaahay mahaddiisa waxaann maannta halkann u fadhinaa inaann abaalmarinno aradaydii dhamaysatay kitaabka ilaahay oo ku qalabaysann qur,aanka kariimka ah iyo qaybtii Machaddka ka baxday” Sheekh Xuseenn.

Mudiirrku waxa uu intaa ku daray inay ahamiyadda Machadka Albasiira tahay inay bulshada ku soo kordhiyaann cilmi naafica oo tayo lel kaas oo ay waxbadann kaga baddali karaann muuqaalka bulshada “annaga ahamiyaddayadu waxa weeye inaannu soo saarro arday baratay cilmiga Kitaabka kariimka ah iyo culuumbtiisa kuwaas oo aannu isleenahay waxbadann bay ka baddali doonaann muuqaalka bulshada” Sh. Xuseenn.

Maamulaha qaybta xifdiga qur,aanka ee Daaru-tanziil Sheekh Mustafa Dayib oo halkaa ka haddlay waxa uu mahadd ballaadhann u celiyey ilaahay Subxaanahu watacaalaa “warbixinntii Mudiirka ayey warbixinntuba ku dhamaydd balse si koobann haddaann uga haddlo qaybta xifdiga oo aynnu 53 arday ku siinaynno shahaadooyinka” farxadd waynn bay noo tahay inaadd nagala soo qaybgashaann xafladdani qiimaha badann “Sheekh Mustafa.

Muxyidiinn Maxamed Nuux oo ku haddlayey afka ardayda dhamaysatay machaddkaasi waxa uu ka warramay qiimaha cilmiga iyo darajada lagu gaadho barashadiisa “Cilmigu waa dhaalkii Anbiyada ilaahay soo diray waxaanann Wiilasha iyo Hablaha halkaa soo fadhiya u sheegayaa waar waxaadd dhaxasheenn Anbiyadii ilaahay e sidaa ula socda” Muxyidinn Maxamed Nuux.

1-sii amba qaada cilmiga oo halkaa ka soo wada 2-cilmigu ku camal-falka kama soo hadho 3- inaadd daddka gaadhsiisaann cilimigaa aadd barateenn”ayuu yidhi Muxyidiinn Maxamed Nuux, waxaanu intaa ku sii daray Diinntu sidii ay ku faaftay iyo dadkaalkii uu Nabi-Muaxamed Galiyey fidinnta diinnta “Nabi Muxamed Ilaahay wax uu ka soo saaray meell jaziirada oo aanay Dawladi ka jirin waxaanay diinntu ku gaadhay caalamka oo dhann dhiac ka dhinac dadlaalkii Nabi Muxamed Caleyhi salaatu wasalaam”

Ardaygaasi waxa uu hadalkiisa ku soo af-xidhay gabay uu midd kamida culimadii waaweynaydd ee wakhtigii ANDALUS u jeediyey inannkiisa isaga oo darr-daarann u jeediyeynaye.

Dr. Sheekh Xuseen Faraaíd oo kamida culimada Hargeysa oo halkaa ka haddlay waxa uu tilmaamay inay Mac-haddka Albasiira iyo qaybta Daaru-tanziil ee xifdiga Kitaabka ilaahay waxaanu ugu hambalyeeyey kaalintaa ay maannta soo gaadheenn iyaga (maamulka) iyo ardaydii xafladdaasi lagu sagootinayey, dhinaca kale Sheekh Faraaíd waxa uu sheegay inaanay jirinn meell-lamida dalkaaga hooyo si kastaba halaguu maamuusee “dunida ma jirto meelka wanaaggsann dalkaaga hooyo si kastaba halaguu maamuusee arrintaana waxaa dareemaya qokii dalka dibadda uga baxay oo kaliya” Sheekh Faraaíd.

“Waxaann dalka dibaddiisa kula kulmay wiilyarr oo tiiraanyeysann oo Somali ah marrkii aann waydiiyey maxaa kugu dhacay wuxuu iigu jawaabay imtixaankii ardayda anigaa ugu sarreeyey balse waxaa layga saraysiiyey wiilalkale waxaana laygu yidhi adigu Somali baatahay oo dal iyo dadd-toona malihidd”

Sheekhu waxa uu intaa sii raaciyey “shalaybay ahaydd marrkii Maraykann iyo Yurub laysku cunayey maantana waydiinkaa u soo wada hanqal-taagaya ogaada dalba waa ku daddkiisa ee dalkiinna wayneeya oo waddaniyiinn noqda oo cilmigaa laydinn soo barayna ku camal-fala”Sheekh Faraaíd. Cilmigu ma dhamaadee raadd raaca oo dabada haya waayo neefka xoolaha ah marrka uu lumo dee qofkii lahaa isaga oo nool uunbuu helayaa ama isaga oo dhintay buu qardiisa u tagayaa” Sheekh Faraaíd.

Marwa Cabdul-razaaq Cismaann oo iyana ku sidookale ku haddlaysay magaca Hablaha waxay madasha ka soo jeedisay Gabayo ay ku ammaanayso Mac-haddka Albasiira waxaana erayadeedii Gabaygaasi kamidd ahaa “Mac-hadd waa Basiiree Bi,iwaaye iga qabo” iyo erayo kale oo soo jiitay qucuubta daddweynihii kala duwanaa ee madashaasi xaadirrka ku ahaa, waxaana la arkayey dumarrka oo mashxaradd sacabada garaacaya marrkii ay gabadhaasi akhriyeysay Gabaygaasi.

Sheekh Cabdullaahi Yuusuf oo isaguna madashaasi ka haddlay waxa uu sheegay aqoonnta diinntu inay ubaddka iyo waaliddkaba iyo bulshadaba ay anfac badann u leedahay “Diinnta Islaamka barashadeeda iyo ku camal-falkeeduba umadda qaybaheeda kaladuwann anfac-badann bay u leedahay sida uu sheegay Nabi Muxamed Caleyhi-salaatu

Sheekh Axmed Dayib Ku cadeeye oo kamida xildhibaannada dhawaann la soo doortay oo hadashaasi ka haddlay waxa uu ardayda Mac-haddka Albasiira u sheegay inay aaminaann diinntooda isla marrkaana iyagu noqdaann kuwa daddka ugu yeedha xaqa balse aanay noqonn kuwa sharrka iyo dhinaca shaydaannka loogu yeedho ” Ardayey waxaann idiin leeyahay ku camal-fala diinntaa aadd maannta barateenn oo daddka ugu yeedha wanaaggiisa balse waxaann idiinkula darr-daarmayaa inaydaann noqonn kuwii sharrka iyo xagga shaydaannka iyaga loogu yeedho” Xildhibaann ku caddeeye.

dhinaca kalana waxa uu bulshada ku baraarujiyey inay qiimahooda iyo hormarrkooduba ku jiraann kitaabka ilaahay oo ay qaataann kuna dhaqmaann xugumkiisa “dhamaann bulshadeenna iyo xukuumaddeennaba waxaann leeyahay qiimaheenna iyo hormarkeenuba waxa uu ku jiraa inaynnu si dhaba u qaadanno kitaabka ilaahay iyo sunnada” Ku caddeeye.

Faarax Axmed Yuusuf oo ah xogg-hayaha ciyaaraha iyo arrimaha dhalinyarada Xisbiga UCID oo madashaasi ka haddlay waxaa uu tilmaamay inay mac-haddka Albasiira mudannyihiinn soo dhaweynn iyo hambalyo inay soo saareenn ardaydaa ubaxa ah ee quruxbada badann “Mac-haddka Albasiira waxaann ugu mahadd-celinayaa inay innoo soo saareenn araydaa ubaxa ah ee quruxda badann balse waxaann si gaara carrabka ugu addkaynayaa hooyooyinka oo ah marrkastaba kuwa iyagu caruurahooga garabtaagann” Mr. Farxaann

” Annga ka xisbi ahaann waxaa naga goáana inaannu dalka Diinnta Islaamka ku xukunno haddii aannu xilkaasi qabanno sidaana waxaa horeyba u sheegay Guddoomiyahayaga Eng. Faysal Cali waraabe annaguna waxaannu idinnku garabtaagannahay inaannu wixii aadd tabanaysaannba garabkiinna nahay macalimiinnta Mac-haddkana waxaann leeyahay waadd dadaasheene halkaa kaga siihaya, waaliddkana waxaann leeyahay caruurihiinna haddii aadd la saaxiibtaann meel-fiicannbay gaadhayaann, ardaydan waxaann leeyahay subaxkastaba waxay waalidiinntu saliidda timaha idiinku marinayaani waa inaadd iyaga mustaqbalka dhaw iyo kann dheerrba daryeeshaann noloshooda”Faarax.

Xilidhibaann Cabdiriim oo ka tirrsann mudanayaasha Wakiillada oo halkaa ka haddlay xusay inay farrxadd waynn u tahay ka soo qaybgalkiisa xafladdaasi qiimaha badann ee lagu sagootinayey 80 kaasi arday ” Siday culimadii iga horreeyey sheegeenn qiimaha uu climigu leeyahay waxaa innoogu filann Xadiis-kii sheegayey qofka idiinku khayrrka badani waa kann bartay Qur”aamnka isaguna daddka sii bara cilmigana lagama dharrgo ee ogaada oo ku dayda Asxaabtii Nabi Muxamed Caleyhi Salaatu Wasalaam” Xil-Cabdikariim.

“sharafweynn bay ii tahay inaann ubaxaa quruxda badann ee Hablaha iyo Wiilashaba leh aann sagootiskooda qayb ka noqodo waxaanann leehayahy ilaahay cilmigaa aadd barateenn hadyiinn barakeeyo”

Af-hayeennka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo halkaa ka haddlay waxa uu tahniyadeeyey ardaydaasi la sagootiyey waxaanu yidhi ” maannta waxaann tahniyadaynayaa ardaydaasi la sagootinayo ee lagu kulmiyey 2 -daasi qayboodd ee is huwann ee Qur;aanka iyo Mac-haddka aniguna waxaann ka midd ahay daddka sida weynn u rumaysann ku dhaqanka Kitaabka ilaahay” Mr. Buuni.

dhanka kalana waxa uu xusay ka xisbi ahaann ay qorshahooda tahay sidii dalkann diinnta loogu dhaqilahaa isaga oo arrintaa ka hadlayena waxa uu yidhi “Maadaama aannu nahay xisbul-xaakimkii dalka xukumayey Madaxweynaheennu waa midd u darrbann ku dhaqannka iyo hirr-gelinnta diinnta Islaamka ee dalkeenna” Mr. Buuni.

“Anigoo ku haddlaya afka waalidiinnta waxaann kamidd ahay waalidiinnta ay ubaddkoodu dhiggtaann Mac-haddka Ablasiira iyo Daaru-tanziill waxaanan kamidd ahaa daddkii goob-joogga u ahaa maalinntii la bilaabayey Mac-haddkaasi anigana caruurrta ii dhigata waann ka warrhayaa oo marrna waaliddkoodd baann ahay marrna waxaann u ahay saaxiib oo xaaladdkasta oo ay marayaann waann ka warrhayaa” Sheekh Cabdullaahi.

Sheekh Musa Maxamed Cabdurraxmaan oo kamida macalimiinnta Jaamacadda Goolis qaybteeda daraasaaddka Islaamiga oo halkaa ka haddlay waxa uu bogaadiyey ardaydaasi dhamaysatay dufcaddii 1-aadd waxaanu u duceeyey iyaga iyo waaliddkoodii soo barr-baariyeyba “idinnka iyo waaliddkii idinn soo barrbaariyeyba waxaann idiinku hambalyeynayaa marrxaladdaa wanaaggsann ee aadd maannta soo gaadheenn ilaahayna haydiin-barakeeyo” Sheekh Muusa

“Mac-haddku waxa uu macaahidda kale kaga duwannyahay waxay arrdayga soo galaya sharrdi kaga dhigaann inuu marrkahoreba soo xifdiyey Kitaabka Quráanka kariimka ah, ardayda maannta aan sagootiyeynana waxaann leeyahay waa inaadd dhalinyarada kale ee ficiinna ah soo dumbtaann oo aadd xaqa ugu yeedhaamm. Aniga oo ku haddlay afka Jaamacadda Goolis-na waxaann ugu ballan qaadayaa ardayga kaalinnta 1-aadd galay inuu bilaash ku dhigann doono Jaamacadda” Sheekh Muuse.

Xogg-haye ku xigeennka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamudd oo ku haddlayey afka Xisbiga iyo kann waaliddkaba inuu qirayo kaalinnta waaliddka gaarr ahaann hooyooyinka waxaanu sheegay caruurrtiisa inay maannta halkaa ay soo gaadheenn sabab u ahaydd xaaskiisa oo ku soo tacabtay ” Hooyooyinku waa tiirrka 1-aad ee barr-baariyaha ubaddkayaga nooga baxay Mac-haddkann Albasiira oo aniga 3 6 baa iiga baxay aabayaashana waxaann leeyahay waarr-yeynaann hooyooyinnka caruuraha kaga cararine aann la garab istaaggno” Jamaal Jaamac Xaamudd.

Gaba-gabadii waxaa xafladdaasi ka haddlay Sheekh Axmed Iid oo kamida culimada ku dha-dhaw Mac-haddkaasi Albasiira waxaanu xusay maamulayaasha Macahidda is-huwann ee Daaru-tanziil iyo Albasiiraba inay kaalinn-muhiima ugu jiraann fidinnta diinnta islaamka maadaama ay soo saarayaann arrday ku lebisann Kitaabka Quráanka kariimka ah sida uu sheegay Sheekh Axmed Iid isagaa oo arrimahaa ka haddlayeyna waxaa hadalladiisii kamidd ahaa “wax la soo saaro oo lagu tabco waxaa ugu qiimo hadann daddka Mac-haddka Albasiirana waxaann leeyahay ilaahay haydinnbarakeeyo sida aadd noogu soo aarrteenn ubaxaa quruxdabadann” Sheekh Iid.

Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu xoojiyey sidii ay sheegeenn culimadiikale ee isag ka horreeyey daddka kuwooda ugu khayrrka badani inay yihiinn kuwa barrta Kitaanka Ilaahay kadibna iyagu daddka sii bara, sidookalnaa waxa uu daddka ku boorryey inay noqdaann ehlu qur,aan si ay u gaadhaann noloshii toosnaydd ee ay gaadheenn Nabi Muxamed iyo Asxaabtiisii “walaalayaal waxaa laynooga baahannyahay inaynnu noqonno ehelkii quráanka kariimka ah si aynnu u gaadhno noloshii ay ku noolaayeenn Nabi Muxamed iyo Asxaabtiisii” Sheekh Axmed Iid.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here