Guddoomiyaha Maxkamadda-sare Oo 35 Xubnoodd Oo ka tirsann Garrsoorayaasha Gobalka Maroodijeex

0
90
Hargeysa (SH)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tababar u furay xubno ka tirsan garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareennada Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa Arbacada maanta, tababar socon doona laba cisho, u furay, 35 xubnood iskugu jira garsoorayaal, xeer-ilaaliyayaal iyo qareenno ka tirsan, maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex, xafiiska xeer-ilaalinta guud iyo ururka qareenadda ee SOLLA.
Madaxa waaxda tabo-barrada Ayaan Maxamed Ibraahim oo halkaa ka hadashay waxay sheeggtay inuu tabo-barrkani yahay midd muhiimaddiisa leh isla marrkaana uu daba socodo qiimaynn lagu soo sameeyey dhinaca habsami u socoddka arrimaha garrsoorrka ee Goballada iiyada oo arrimahaa ka haddlaysana waxay tidhi “magacaygu waa Ayaann Maxamed Ibraahim waxaynnu u fadhinaa tabo-barr laba cisho soconaya oo ku saabsann garrsoorrka iyoo arrimaha shareecada waxaana innoo daadihinn doona Sheekh Ciise iyo Sheekh Xuseenn oo ka mida culimada aqoonnta u leh diinnteenna Islaamka
Tababarkan oo ay bixinayeen Dr. Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr. Xuseen Xasan Cali ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor-loogu qaadi lahaa nidaamka gar-qaadista dacwadaha, baadhida cadaymaha iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee ay inna farayso diinteena Islaamku, taasi oo sal-dhig u ah hufnaanta iyo gaadhida go’aamo cadaaladeed oo ku qotoma axkaamta Islaamka.
Ugu horayn waxa furitaankii tababarka ka hadlay wasiirka Diinta iyo aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland sheikh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani), waxaanu tibaaxay in ay ahmiyad weyn leedahay in garsooruhu aqoon durugsan u leeyahay shareecada Islaamka. Waxaanu wasiirku xusay in garsoorka ay tiir dhaxaad u tahay aqoon iyo cadaalad, waxaanu yidhi iasgoo arrimahaa ka hadlaya “Cadaalada ka dhigta qibladii aad u jihaysanayseen, hadduu madaxweyne yahay, hadduu wasiir yahay, hadduu oday dhaqameed yahay iyo hadduu muxtaram yahay qofna haka yeelina wax liddi ku ah cadaaladda, haddaad ka yeeshaan waa in aad ogaataan in idinka uun idinku dalacan tahay, qofka waad raali galisay laakiin adiga ayay kaa go’an tahay oo rasiidhkaaga xaga aakhiro ayuun bay galaysaa”.
Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, ayaa sheegay in garsoorku marka loo eego labada waaxood ee kale ee qaranka, ay yihiin cidda ugu badan ee aqoontooda kordhisa. Sidoo kale waxa uu xusay, in ay biyo-kama-dhibcaan tahay, in dacwadaha loo eego shareecada Islaamka, waxaanu ku tilmaamay in waxbadani ka dhiman yahay dacwada aan loo eegin shareecada.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed, oo furay tababarka ayaa xubnihii ka soo qayb galay ku baraarujiyay, in aanay ka daalin cilmi-korodhsiga, waxaanu ugu baaqay in adeega garsoorka ee ay bulshada u hayaan, u qabtaan si daacadnimo, cadaalad, hufnaan iyo All-ka-cabsi ku dheehan yahay. Waxaanu yidhi
“Innagu adeeg bulsho ayaynu haynaa, waa in aynu u qabanaa si daacadnimo ah, oo cadaalad ku salaysan, oo hufnaan ah, oo Alle ka cabsi leh, Haddaad dulmi samayso ama aad cadaalad darro samayso qofka aad u samaysay adduu naftaadii dhaawacay. Dulmigu aduu kugu soo noqonayaa. Qofku haddii uu niyad fiican la yimaado oo uu dadaalo, oo cadaaladu waxay la ahayd haleelo xitaa haddii uu khaldamo ajar buu ku yeelanayaa”
Sidoo kale waxa uu guddoomiye Aadam Xaaji Cali, dardaaran u jeediyay xeer-ilaaliyayaasha iyo garsoorayaasha isagoo ugu baaqay in ay tacab galiyaan dacwadaha, masuuliyadna iska saaraan. Geesta kale waxa uu u soo jeediyay garsoorayaasha in ay ku dhac yeeshaan oo go’aamada hore u soo saaraan si dacwaduhu u degdegaan. Ugu danbayn waxa uu garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka faray in ay ilaaliyaan haybada garsoorka haddii ay tahay direyska iyo arrimaha kale ee la hal-maala, si iyaga iyo bulshadu u kala soocnaadaan.
Tababarkan ayaa daba socda qiimeyn lagu sameeyay baahiyaha tababar ee ay u baahan yihiin, hawl-wadeenada waaxda garsoorku.
Tabo-barrkaasi waxaa bixinaya Sheekh Xuseen Cali oo dalka Sacuudiga ku soo barrtay iyo Sheekh Ciise Maxamuud oo kamida culimada waaweynn ee shahaadad 2-aad ee PHD-ga ku haysta shareecada Islaamka.
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa waaxda warbaahinta Maxkamadda Sare.
Wa bilaahi tawfiiq
www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here