Shirrkadaha Boodhari Iyo Indha-birrta Oo Heshiis Ay Ku Mimoodeenn Kala Saxiixday

0
123

Hargeysa (SH)- Shirkadaha Indha-birta iyo Boodhari Miilis ayaa maanta munaasibadd balaadhann oo si quruxbadann loo soo qorsheeyey ku kala saxiixday heshiis 2 dhinaca, kaas oo ay madaxda ugu saraysa 2 –daasi shirkadoodd si wadajira warbaahinta horteeda qalinka ugu duugeenn heshiis-buuxa kaas oo maannta wixii ka dambeeya ay 2-da shirkadoodd ku midoobidoonaann dhinaca bixinta korontada oo indha-birta ah iyo dhinaca daqiiqda ay soo saaraann Boodhari oo ay indha-birtu suuqyada ku iibindoonnto.

Munaasibaddii xafladdaasi heshiiska 2-shirkadoodd waxaa ka soo qaybgalay saraakiisha sarsare ee maamulka xafiisyada shirrkadahaasi,Sulaadiinn, Cuqaaal, aqoonnyahanno,iyo dadweyne kale oo farabadann, furitaankii xafladdaasi waxaa ka haddlay Guddoomiyaha shirkada Boodhari Miilis Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur, waxaanu sheegay inuu rajo badann ka qabo inay shirkaddu gaadhidoonnto guudd ahaann dhulka Somalidu daggto sidaa darrteedd ay Booradhi u baahanntahay inay ka faaiidaysato tabmarta caddceedda ee ay Indhabirto soo saarto “shirkadda indha-birto waxay soo saartaa 1.5 Mega Watts oo ah tamar ah sidaa darteedd ma jirto wax sababa oo naga hortaagann inaanu helo tamartaasi Indha-birta” Cabdiraxmaan.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay inay shirkadda Boodhari tahay midd ay wada leeyihiinn dhamaannba bulshada ku hadasha afka Somaliga sidaa awgeedd ay tahay shirkad balaadhann “shirkadda Booradhari waa shirkadd ballaadhann waxaana wada leh Somali oo dhan” Cabduraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha shirkadda Indha-birta Maxamed Axmed waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo mudanta xafladdaasi ka soo qaybgashay, salaantaa ka dib waxa uu tilmaamay inay shirkaddiisu ka koobanntahay 3 qayboodd- qaybta cuntada, qaybta korontada3 iyo qaynbta shidaalka soo saarta, waxaanu xusay inay Boodhari iska kaashandoonaann qaybta soo saarta tamarta cadd-ceedda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “shirkaddayadu waxay ka koobanntahay 3- qayboodd sida qaybta cuntada soo saarta, 2- qaybta shidaalka soo saarta iyo qaybta cuntada kale soo saarta” Maxamed Xuseen Axmed.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Dr. Maxamed Cabdullaahi oo kamida maamulka saree ee shirkadda indha-birta waxaanu tilmaamay inay cuntadu tahay furaha nolosha ee ugu horeeysa isaga oo shirkadda Boodhari ku ammaanay kaalinteeda ay durba ka gaadhay daboolidda baabihiyii dhinaca cuntada, waxaanu xusay inay diyaarr u yihiinn inay wada shaqaynn-fiicann la yeelann-doonaann dhiggooda kale ee Boodhari, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “” shirkadda Boodhari waxaann ku ammaanayaa inay durba dabooshay iyada oo muddo koobann uun jirtay baahiyo badann oo dhinaca cuntada la xidhiidha taas oo aynu dibadda ka soo dajisannjiray cunto badann gaar ahaann sida daqiiqda oo kale”Dr Maxamed Cabdullaahi.

Sidookale waxa uu sheegay inay shirkaddiisu xafiisyo kaladuwann ku leedahay Somalida oo dhan iyo Africa-da kaleba “Shirkaddu waxay xafiisyo ku leedahay Somalida oo dhan waxaanay u talawday meelo kamida Africa inay ka shaqayso oo ay xafiisyo ku leenahay hadda waxaana naga go,an inaannu sii balaadhindoonno wax soo saarkayaga dhinac-kastaba”Dr Maxamed Cabdullaahi.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Ismaaciil Ducaale oo ka mida saraakiisha maalgashaday shirkadda Boodhari waxaanu sheegay inay maannta shirkadaha midoobay u tahay fursadd ballaadhann oo dahabi ah maadaama ay labaduba diyaar u yihiinn inay dhinacooda ka fuliyaann heshiisyadaasi siina ballaadhinndoonaann wax soo saarkooda “shirkadda Boodhari waa shirkadd baaladhann oo ka wada dhaxaysa Somali oo dhan waxaanan ku niyadd-sannahay inay 2-shirkadood ka wada shaqayndoonaann sidii dalka loo hormarin lahaa” Ducaale.

Injireen Cabdi Cali Barkhadd waxa uu kamidd-yahay shirkadda Indha-birta waxaanu sheegay inuu Maamulaha shirkadda Indha-birtu sameeyey maamlgelin balaadhan oo u dhiganta sidii Dawladi wax u maalgelinjirtay oo kale “Guddoomiye Maxamed Xuseenn Axmed waxa uu samaynayaa maalgelintii ay Dawladuhu samaynjireenn oo kale waayo waxa uu bixinayaa 18km oo gaadhaysa ilaa iyo Arabsiyo”Injireen Barkhadd.

Dhinaca kalana waxa uu ka dhawaajiyey inuu isagu yahay aabihii laydhka Somaliland oo dhan maadaama uu isagu ahaa aas-aasihii laydhka Somaliland waa sida uu hadalka u dhigay e “Guddoomiyaha shirkadda Indha-birta Maxamed Xuseenn Axmed waxa uu samaynayaa maalgelin balaadhann oo u dhiganta tii ay dawladdu bixinjirtay oo kale waxaanu laydhka tamarta gaadhsiinayaa ilaa iyo degmada Abaarso u jirta  masaafo dhan  dhan 18mk” injireer Cabdi Cali Barkhadd.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Maxamed Maxamuud Cabdu Mala woo ah agaasimaha waaxda tamarta ee wasaaradda Macdannta iyo tamarta waxaanu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ka soo qaybgalo xafladda sheshiiska labadaasi shirkadoodd isla markaana ay ka xukuumadd ahaann  ku dadaadalayaann inay dhinacooda ka qayb-qaataan sidii ay u taageeri lahaayeenn heshiiska shirkadahaasi  wada saxiixdeenn“maanta waxaan ku faraxsanahay inaann idinkala soo qaybgalo munaasibadda heshiiskani taariikhiga ah ka xukuumadd ahaanna waxaanu ku dadaalidoonnaa sidii aannu u garab istaagi lahaynn heshiiska shirkadaashi”Mr Malaw.

Markale waxaa hadalka ku soo laabtay Guddoomiyaha shirkadda Boodhari Mr. Cabdiraxmaann Sheekh Axmed Nuur waxaanu yidhi “anuu 2 eray uun baann odhann Dr Maxamed waxa uu ka dhawaajiyey laydhka ay indha-bbirtu maalgelisay ma jirto cidd maalgelisay marka ay 2-shirkadoodd tartamayaana waxay u wanaagsanntahay bulshada annaguna maannu ka fikirayn idinkaa helidoona faaíidada ugu badann laakiin 120 Milliyann oo doolar oo ay Somaliland sanadkiiba ka soo dajisato dibadda  inaannu daboollo ayaannu u qalab qaadannay iyo sidii ay Somaliland iyo dadkeedu u gaadhi lahaayeenn faaíido balaadhann”Guddoomiyaha shirkadda Boodhari Cabdurraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Ismaaciil oo ka tirsann Golaha Guurtida waxaanu tilmaamay  mahadd-balaadhann u jeediyey ilaahay Subxaanahu watacaalaa, balse waxa uu taariikhi ku  tilmaamay heshiiskani ay wada gaadheenn 2 shirkadoodd waxaanu yidhi “maannta waxaann sheegayaa inuu heshiiskani yahay midd taariikhi ah oo aanann isaga oo kale ka qaybgalinn” Suldaanku isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay inuu kamidd ahaa dadkii wax ka dhagaxdhdigay “waxaann kamidd ahaa dadkii wax ka dhagaxdhigay shirkadda Boodhari maanntana 2 shirkadooddba sharafbay  u tahay inay wada saxiixdaann heshiiskan taariikhiga ah”Suldaann Ismaaciil.

“Xukuumadda waxaann ku baraarujinayaa inay shirkadahann kala shaqayso sidii ay u taageeri lahaydd maadaama ay sheegeenn inay jabiyeenn laydhkii qaaliga ahaa oo ay ka dhigeenn 0.5 halkii kilo waat”Suldaan Ismaaciil.

Waxaa isaguna halkaa ka  haddlay Suldaann Sabayse waxaanu sheegay inay xafladda heshiiskaasi tahay midd taariikhi ah isaga oo farta ku fiiqay dhinaca dhaqanka markay-noqoto inaanay ahaynn in Suldaannka guudd dabadii ay cidi hadasho waxaanu yidhi “malaha Sacad Muususe dhaqan-kaanay aqoone Suldaanka guudd dabadii cidi ma hadasho waayo isagu waa halkii ugu dambeysay” Suldaan Sabayse.

Suldaan oo kamida Sulaadiinta Habar-Habar-awal oo halkaa ka haddlay  waxaanu sheegay inuu dareen quruxbadann  ka qaatay heshiiska labada shirkadoodd, Sudlaanka guudd ee Beelaha Subeer Awal Sudlaann Xasann Suldaan Cabdiraxmaan Suldaann Diiriye waxaanu Suldaanku u mahadd-celiyey ganacsatada ku midoobay wax soo saarkooda dalka, waxaanu xusay inay wax waynn oo aan qiyaas lahaynn shirkadahaasi dalka galiyeenn “2 shirkadoodd waxay dalka galiyeenn wax waynn oo aann la qiyaasi karaynn waxaanann ilaahay uga baryayaa inuu gaadhsiiyo meel-ka saraysay meesha ay maannta marayaann”Suldaann Xasan.

“Shirkadda Boodhari waxay bulshada soo gaadhiisay meelfiicann maadaama ay baahidii dhinaca daqiiqdii laga soo iibsanjiray dibadaha innaga dabooleenn shirkadda Indha-birtana Iyana waann oggnahay meeshay ka soo bilaabeenn waana in la dhiirrigeliyaa shirkadahaasi oo lala shaqeeyaa”ayuu Suldaann Xasan ku soo xidhay guudd ahaann hdaaljeedintii heshiiska xafladdaasi.

 

www.Somalihouse.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here