Kulann-balaadhann oo dhaqaale loogu yaboohayey dhismaha xarunnta Degmada Koodd-buur oo lagu qabtay Hotelka Maan-soor

0
176

Hargeisa (SH)- Munaasibadd kulmisay acyaanntii,aqoonnyahannkii, iyo culimadii xaafadda degmada Ibraahim Koodd-buur oo lagaga haddlayey sidii dhaqaale loogu uruurinn lahaa dhismaha naqshadda cusub ee xarunnta degmadaasi ayaa lagu qabtay Hotel-ka Maan-soor ee magaalada Hargeysa,munaasibadda xafladaasi waxaa ka soo qaybgalay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge Liibaann, Xagg-yahihiisa Mr Siciid Nuur,mudanayaal ka soo jeeda Degmada Ibraahim Kood-buur iyo dadweyne farabadann oo culimada deegaannka u badnaa. Furitaankii xafladdaasi waxaa ka haddlay culimo iyo wax-garaddkale waxaana kamidd ahaa Sheekh Ciise oo kamida culimada ka soo jeedda degmadaasi waxaanu madasha ka sheegay inn loo baahann-yahay sidii ay Dawladda-hoose uga taageeri-lahaydd maamulka degmada sidii looga horr-tagilahaa xumaannta iyo fuxshiga lagu samaynayo Hotel-lada waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaa isna halkaa ka haddlay Suldaan Axmed Daahir oo kamida guddiga degmada waxaanu sheegay inay degmadu u baahanntahay in la balaadhiyo oo saldhigyada Police lagu daro kuwo kale “Maayarkiina wuu innala fadhiyaaya waxaannu Maayar kaa coddsanaynaa in-naloo balaadhiyo degmada oo xafiisyada lagu soo kordhiyo kuwo-kale”Sudlaan Axmed Daahir.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Sheekh Aadan Siiro waxaanu madasha ka sheegay erayo geesinimoleh waxaanu la sare-kacay “Hadalbadann iyo howl-aann waxqaban Habar-awalbaale ayuu yidhi ina Cabdulle Xasan 8 sano ayaad Mayor ahaydeena maxaadd qabateenn”Sh. Aadan Siiro.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inaysann ahaynn inn Maayarrka halkann lagula xisaabtamo Maayor-shaqaynaya guddiga xaafaddana waxaann leeyahay idinku isla xisaabtama”ayuu sii raaciyey Sheekh Aadan Siiro.

Dhanka kalana waxa uu sheegay inaann hadal-loo baahnayne maannta hoo iyo bixinn dhaqaale loo baahannyahay “waxaann jeclahay hadal uunn wadimaynee inaynu lacaggtaa aad sheeggteenn aann halkann ku qaybsanno aniga $300o kunn iyo qora Masaajiddka aann khadiiddba ka ahayna $4000 ku qora”ayuu yidhi Sh.Aadan Xaaji Maxamuud “Siiro”

Baashe Cabdi-gaboobe oo kamida xubnaha guddiga degmada Ibraahim Kood-buur oo madashaa ka haddlay waxa uu sheegay inay ka guddi ahaann dhibaato badann ku qabneenn maamulladii kann ka horeeyey ee Dawladda-hoose balse hadda ay ka guddi ahaann ku dhiiradeenn marrkii la doorrtay Mayor Mooge ännagu dhibaato badann baabann ku qabnay maayarradii Dawladda-hoose waxay nala qabtaann isaba daaye balse marrkii la doortay Cabdikariim Axmed Mooge waxaa na soo gashay rajo fiicann sidaa darrteedd ayaannu cosgigayaga ugu dhiibannay waanu ku mahaddsann-yahay inuu #70,000 ku yaboohay”Baashe Cabdi-gaboobe.

Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodd-buur  Mr Subeer oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu kamid ahaa shaqaalihiihore ee la soo jabay shaqada Dawladda-hoose haddana uu yahay Guddoomihii Degada oo middada dheer shaqaalaha ka soo ahaa, Mr Subeerr waxa uu intaa ku daray “waxaannu idiinku yeedhay inaadd ka faaíidaysataann maamulkaa cusub ee maskaxda cusub leh (fresh mind” oo wixii aadd qabtaann ee baahidiinna degmada la xidhiidha aadd waydiisataann Maayarrka iyo xogg-hayiina wuu fadhiyaaye”Subeer.

“anigu waxaann ahay xildhibaanka Degmada Koodd-buur u qaabilsann Dawladda-hoose waanann ku faraxsanahay inaann caawa xafladdann-ka haddlo” Xidhibaann  Sakaawi. Waxaa isaguna madashaasi ka haddlay xildhibaan Adan Jaamac (mideeye) oo kamida mudanayaasha ka soo baxay Hargeysa waxaanu sheegay inay ka mudanayaal ahaann sharaf-weynn u tahay inay shacabkooda taageero weynn ka haystaann.

Mudane Daheeye waxa uu sheegay inay ka maamul ahaann diyaarr u yihiinn inay degmada ka caawiyaann sidii xumaannta looga horr-tagilahaa “diyaarr baannu diinnahay inaannu idinnka caawinno sidii xumaanta looga hortagi-lahaa”xumaannta iyo fawaaxishta aad ka cabateenn”Xildhibaann Aadan Jaamac “mideeye”

Masúuliyiinntii madashaasi lagu soo casuumay waxaa kamidd ahaa Xidbibaann Axmed Dayib (ku cadeeye) oo kamida mudanayaasha Wakiilada ee laga soo dooortay degmada Koodd-buur waxaanu sheegay Maayarka inay xaafaddu uga baahanntahay shaqada uu ka qabto balse aanay uga baahnaynn inuu inamo shaqo-geeyo “maayar degmadu kaagama baahna inamo-yar-yarr oo aad shaqo-gesyee waxay kaaga baahanntahay inaadd wax-cadd ka qabato degmada Ibraahim Koodd-buurr”Ku cadeeye.

Xogg-hayaha guudd ee Dawladda-hoose Siciidd Nuur oo halkaa ka haddlay waxa uu mahadd-u celiyey guddiga degmada oo shaqadii ay ka Dawladd-hoose iyagu lahaayeenn qabashadeeda isutaagay inay daboolaann “waxaann halkann uga mahadd-celinayaa waxgaraddka iyo guddiga degmada oo shaqadii aannu annagu lahaynn qabashadeeda isu xilqaamay inay wax ka qabtaann”Xogg-haye Siciidd Nuurr.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Xogg-hayuhu sheegay inn lacaggta halkaa lagaga yaboohay iyo inntii ka siihoreysayba ay gacann-aamina ku jirto oo meeshii loogu talogalay ay ku bixidoonnto “waxaan halkann idiinnka ballann-qaadayaa lacaggtaa aadd bixiseeni inay ku dhicidoonnto gacann-aamina kuna bixidoonnto meeshoo loogu talo-galay”

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay diyaarr u yihiinn inay nabadd-geliyada add-keynayaann diyaarrna u yihiinn inay ka horrtagaann la dagaallannka xumaannta iyo fawaaxishta “waxaaannu diyaarr u nahay inaannu wax ka qabanno la dagaallannka xumaannta iyo fawaaxishta aad aaddka uga cabateenn diyaarrna waannu u nahay wax ka qabshadeeda waayo dhaqaaleheenna oo dhami waxa uu ku baxaa nabadd-geliyada wixii wax yeelaya ee mukhaadaraaddka iyo fawaaxishtu kamiddka yihiin” Siciid Nuur.

Mayaar Cabdi-kariim Mooge oo halkaa ka haddlay waxa uu sheegay inay mudannyihiin reer Koodd-buur in la garab-istaago “halkann waxaa iiga muuqda ilbaxnimadii iyo xaddaaraddkii laydinku sheegijiray inaadd leedihiinn”Maayar Mooge.

Maayarku waxa uu xusay inay waajibtahay inn umadda xoolaheeda loo ilaaliyo waayo anigu kursiga jannaann ku doonayaaye xoole umadeedd umaann soo doonnan e ilaahay uunn iigu duceeya aniga oo caafimaad-qaba uunn inaann ka tago waayo halkann hawl-waynnbaa taalla”Maayar Mooge isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inuu caafimaaddkisa u warwarayo hawsha ballaadhan ee uu madax lagalay “waann idiinn sheegayaaye anigu caafimaadkayga waann u war-warayaa howsha ballaadhann ee I hortaalla darteedd e inuu ilaahay igu asturo oo caafimaadkaygana ii ilaaliyo iigu duceeya”ayuu yidhi Maayar Mooge.

Geesta kala waxa uu sheegay inaysann ka maamul ahaann is-dhiganndooninn dadaalkoodana ay sii laban-laabayaann oo ay mudannyihiinn inay bulshadu caawiso oo ay dadku iska bixiyaann cansuuraha lagu leeyahay eek u waajibay noocay doonaanba ha ahaadeene “anigu dadkiina halkan fadhiya dee nin la barayo ma ihi waxaana igu filann inntaann daganaa degmadann Koodd-buurr “anigu waann ka wada warrhayaa degmooyinnka gaarr ahaann degmamadann koodd-buurr way-dhismaysaa xaqeedana way helaysaaye haddii aannu gaabinno idinku na xasuusiya oo waar-ka kacaay  na dhaha oo suáalaha hanagala baqinee nagu qarxiya”Maayar Mooge.

“Subeerow waadd arkaysaaye intann oo odayaal oup culimo ahi haddii ay soo kaceenn hawshu mayaree la soco” Mooge, Maayarrku waxa uu carrabka ku addkeeyey “annagu inamadiiniibaannu nahaye na barbarr-sitaaga oo nala xisbaabta oo waar-yeynaann ku kala hadhinn maanntana fursaddbaadd haysataana ka faa;iidaysta waxaanan idiin qirayaa inaadd gobanino igu keenteenn kurigsa”Mooge.

Dhankalana waxa uu sheegay inaysan u dhaweynn inay ka Gole hoose ahaann is khilaafidoonaann sida kuwii ka horeeyey kale waxaanu yidhi “Golayahayagana waxaann leehay waar aynnu gunntiga dhexda ku xidhanno oo yeynaann iskhilaafinn in shaa Allaahu layna arrkimaayo innagoo is khilaafsane idinnkana waxaannu idinnka codsanaynaa inaadd noogu soo ducaysaann inaanaann is khilaafinn haddii ay dhacdana ilaahay kama dhigee aynu hoosta iska soo xidhanno oo yaann la maqlinn hadalkeenna”Mooge.

“Ilaahay baan ka baryeynaa inaynu 6 biloodd ka dib innaga oo farasxann ku dhex sheekaysann-doonno dhismahaasi muuqaalka quruxda badann ee loo farsameeyey dhismaha ay degmadu yeelandoonnto inntaas ayaann hadalkayga ku soo koobayaa”Maayar Mooge.

Lacaggta guudd ee dhismahaasi loo qorsheeyey inay ku bixidoonnto waxaa lagu sheegay $165000 oo Doolar, waxaana gaba-gabadii halkaasi ka duceeyey Sheekh Axmed Ii doo ka tirsan culimada reer Koodd-buur.

www.Somalihouse.com

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here