Jaamacadda Admas Oo 418 arday Ku Sagootiday Xafladd aann Nooceeda Oo Kale Hargeysa Ka Dhicinn

0
100

Hargeysa (SH)- )- Jaamacadda Admas University ayaa Xafladd ballaadhann oo nooceedu  ku cusubyahay qalinjabinta Jaamacadaha Somaliland ayaar xalay ka dhacday hoolka waynn ee  Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa, xafladda aann xaggasare ku soo sheeggnay ee aann wali noo ceeduu ka qabsoominn Somaliland waxay jaamacaddu ku sagootiday 418 arday oo  373 ka shahaadada heerrka 1-aadd ka qaateenn halka ay 45 ardayna ka qalinajabiyeenn heerrka 2-aadd ee master-ka loo qaanno.

Sida caadada ahaydd ka horr inntii aanay mas,uuliyiinnta  maamulka-sare ee jaamacadda iyo saraakiisha isla Jaamacaddaasi qaybteeda Addis Ababa,jaamadaha, Jigjiga Unversity, Alamaayo University iyo Dire dhaba University aanay ardayda waraaqaha shahaadada guddoonnsiinn, waxaa halkaa laga soo jeediyey khudd-bado kaladuwann oo inntooda badani isku macno dhawaa balse ka soo maaxanayey maskaxyo kaladuwann oo aqooni ku dheenntahay.

Waxyaabaha aann idiinn sheegay inay Jaamacadda Admas ku soo korrdhisay  munaasiadda qalinajinnta dufcaddii 13-aad ee aann horey bahda waxbarashada dalka uga dhicinn waxaa ka midd ahaa inay Jaamacaddu xafladda qalinnjabinnta ku beegeenn xilli haneena oo aanay jirinn qorrax iyo  kuleylkii ay sida waynn ugu dhim-mudann –jireenn guudd ahaann bulsho weynnta ka soo qaygakijirrtay xafladaha noocann oo kale ah, waxaanay taasi meesha ka saarrtay jawigii xayraannka ahaa ee cadd-ceeddu sababijirrtay waxaanay idhuhu qabanayeenn galinnkii dambaba dhalinntii qalinnka soo feysatay oo jawi qabaw oo deggann raxann-raxann u galay sawirrada farrxadda iya iyo ehelladooda,waalidiinntooda iyo asxaabtooda “ caawa dee jaamacaddu waxay inoogu soo beeggtay xafladdeenna qoorr-qabaw alla jawigu  macaanaa” sidaasi waxaa si dhoollo caddeynn iyo farrxadi ku jirto ula wadaagay Warda, Haboonn iyo Maxamed oo ay ka wada qalinnjabiyeenn sida loo maamulo mashaariicda “ project management” Maxamed Ciise.

Warrda oo iyana xilliga uu Maxamed ciise erayadaasi sii dhamaynayey ayey Warrda oo illeenn isla mqirrqaannkaasi barta Faceook kula wadaagaysay qaarr kamida asxaabbteeda ugu jawaabbtay “ Alla sxb waa dwaigaasi qabaw ee daggann.

Guddoomiyaha guudd Jaamacadaha Admas University Mr. Molla tsegay oo halkaa ka haddlay waxa uu sheegay inay farrxadd waynn u tahay guudd ahaann habda Admas faracyadeeda ku kala yaalla magaalooyinnka kaladuwann ee Ethiopia iyo Somaliland gaarr ahaanna ay farrxaddaasi si gaara u taabanayso faraca Hareysa maamulka,waalidiinnta iyo ehellada iyo ardayda la sanaddkani ka baxday Jaamacadda “ Aniga oo ku haddlaya afka maamulka guudd ee Jaamacadaha Admas caawa waxaann hallkann farrxadda kula qaybsanaynaa  arrdauda iyo waalidiinnta iyo dhamaannba daddweynaha caawa halkann fadhiya xafladda qalinnjabinnta dufcaddii 13-aad” molla tsegay

Mr. Tsegay waxa uu madasha ka sheegay ardayda jaamacadaha kaladuwann ee Admas University qaybahooda ka soo baxay kulliyadaha  kaladuwani inay yihiinn kuwo laysku hubo waxbarashadooda waxaanu u rajeeyey nasiibb wacann inay ku gaadhaann qaybta 3-aadd ee heerrka waxbarashada ee loo yaqaanno PHD “ dhamaann ardayda sanaddani ka qalinnjabisay Jaamacadda waxaann ku kalsoonahay inay yihiinn kuwo laysku halaynnkaro inay bulshada dib ugula noqdaann iyaga oo xambaarrsan tacliinn tayo leh oo laysku buhu” Mr ,  MollaTesgay.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Mr. Tesfaye Zewge Haile, Acting President of Hargeisa Campus waxa uu halkaa ka soo jeediyey erayo dareenn xamaadaysann oo quruxbadann madasha kula wadaagay farrxadda qalinnjabinnta ardayda iyo waalidiinntooda ku soo tabcay “ aniga oo ahaa madixii qaybta shahahaadada Master-ka waxaann caawa halkann erayo koobann farrxadda kula wadaagayaa ardayda,waalidiinntii ku soo tabcay iyo macalimiinntii maskaxdooda iyo wakhtigoodaba ku bixinayey muddadii ay waxbarashada ku jireenn”  Mr Tesfaye Sewge Haile.

Inntaa kadib waxaa codd-baahiya madasha kaga dhawaaqay inn la soo gaadhay goorrtii ardayda shahaadooyinnkooda la siin- lahaa ka horr innta aanay Madaxweyne kux xigeennka Cabdurraxmaan Islmaaciil Saylici iyo masuuliyiinnta ka socday Xisbiyada siyaasadda iyo marrti-sharaftiikale waxaanu yidhi waxaynu yidhi “waxaynnu khuddbadaha qaytooda dambe ka horreysiinaynaa shahaado bixinnta ardayda waxaanan u yeedhayaa inay masraxa soo istaagaann macalimiinntii kulliyadda project management-ga iyo ardaydoodii si shahaadooyinnka loo guddoonnsiiyo waxaana marrkaliya soo saftay ardaydaasi iyo maamulkoodii oo ku lebisann dharrkii aqoonnta sare lagu yiqiinnay.

Geesta kalana waxaa inntaa lagu dhawaaqayey arday kasta magiciisa iyo kulliyadda uu ka baxay iyo sidookale darajada hal-beegga u ah ardayga ka baxaya jaamacadda si laysu waafajiyo dhibcihii uu ardaygaasi keenay iyo warrqadda makhraatiga u noqonaysa heerrkiisa waxbarasho “ haddii aann idiinn sheegay inay caaway shaqaadada qaadanayaann 2 wiil oo walaalo ahi waxaann idiinn hayaa 3 habloodd oo mataano ah “cajiib” iyo 2 habloodd oo  iyana mantaano ah” erayadaasi waxaa si farrxadd iyo ray-raynn leh madasha kaga luuqeeyey ku xigeennka Jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa ahna madaxa maamulka iyo dhaqaalaha Xuseenn Cabdullaahi Maamuudd.

Dhanka kale masuuliyiinnta iyo mudannta lagu maamuusay inay ardayda shahaadooyinnka guddoonnsiiyaann waxaa kamidd ahaa 1. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinnka Cumar -Riyo Raac, Wasiirrkiihore ee arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warann-cade, Jamaal Cali Xuseenn iyo qaarrkale, waxaanay kaameraduhu qaanayeenn iyaga oo ardayda guddoonnsiinaya shahaadooyinnkooga.

Heesihii-hore ee waxarashada lagu xasuusto ayaa iyana dhextaal u ahaa bilicda iyo farrxaddii madashaasi “ caawa haddii aann idiinn sheegay hablo iyo wiilal walaalo ah oo jaamacadda caawasha shaqaado ka qaadanaya haddana waxaann idiinn hayaa nin oday ah iyo xaaskiisii oo kamida daddka ka soo qaxay waddannkaa aann jaarrka nahay ee Yeman halkann shahaado ku ku qaadann doona”

dhanka kale waxaa madasha xafladdii qalinnjabinnta muinaasibaddaasi lagu casuumay kooxda xiddigaga Geeska ( the Horn Band Stars) waxaamay madashii xafladdaasi ku soo bannn-dhegeenn heeshii laxannka iyo musicada isku ladhann ee lagu yiqiinnay waxaanay kaameradaha wax duubaa qabanayeenn marrkii ay heesahoodii la sare jooggsadeenn madashii hoolka oo isla sare jooggsatay sacabb iyo mashxaradd kadib marrkuu Xuseenn Cabdullaahi maxamuudd madasha kaga dhawaaqay “iminka iyo goorrtanna waxaa  la soo gaadhay xilligii aann soo dhaweynn lahaynn kooxda xiddigaha Geeska ee sacab aann ku soo dhaweynn”

“Waxaadd iga sugeyseenn hee dee maxaadd iga sugayseenn anaa idiinn sheegayee waxaadd iga sugheyseenn inaadd horrtiina keeno lamaanihii reer Yeman ee shahaadada heerrka 2-aadd ee Masterka waa Saalax Abdi Ahemd iyo Marrwadiisa Ayeda Adal Naasir waxaakale oo aann idinn hayaa Marwa iyo Safa oo ah Mataano isla dhashay” Xuseenn Cabdullaahi.

Maayarrka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge waxaanu ka sheekeeyey doorrka ay horumarrka dalka ku leeyihiinn ardayda ka soo qalinnjabiya jaamacadaha gaarr ahaanna kuwa Admas University waxaanu ardayda iyo guudd ahaamba maamulka sare ee Jaamacadda Admas ku bogaadiyey kaalinntooda hogaamineedd ee waxbarashada-sare isaga oo arrimahaa ka haddlayeyna waxaa hadalladiisii kamidd ahaa “caawa waxaann idiinnkula faraxsanahay jawigann macaann ee quruxda badann ee aadd ku qaadanaysaann shahaadooyinnkii aadd  mutayesateenn” Mayor Moge.

Dhankale Maayor-ka Hargeysa waxa uu sheegay inn uu aqoonn-yahannada ka soo baxay inay maamulka Dawladdiisahoose gacann u fidiyaann isla marrkaana is barr-barrtaagaann si uu ugu guuleysto hadafkiisii ololaha doorashooyinnkii la soo dhaafay uu ku galay isaga oo arrimahaa ka haddlayeyna waxa uu yidhi “idinnku wixii aadd u baahnaydeedd waadd hesheenn oo waydiinkann farxadda ku qalinnjaboyey caawa aniguna waxaann idiinnka baahnaha inaadd garabb isiisaann xoolo iyo inaadd qaadhaann ii gurrtaanna idiinnkama baahni balse waxaann idiinnka baahnahay waa inaadd aqoonntiinna iyo masxkaxdiinna kaliya nagu taageerrtaann”Mayor Moge.

Geesta kalana waxa uu sheegay inay yarrtahay muddadii uu xilka hayay oo 3 biloodd oo kaliya ay tahay balse ay isaga iyo maamulkiisa kale qabteenn howlo ballaadhann oo ay inntooda badani tuubada dhuunnteeda ku soo jiraann, kuwaas oo bilowgooduu dhawaann bulshada soo gaadhi doona, sidookale waxa uu sheegay isla marrkaana ammaann kula duldhacay shaqaale weynaha Dowladda-hoose oo sida uu sheegay habeennkii iyu µaalinntiiba si hagarr-laáana ugu shaqeeya bulshada ayna mudann-yihiinn inay bulshada u shaqaynayaann taageero ka helaann “waxaann ogahay inaadd is waydiinaysaann muddadii koobnayedd ee aannu xafiiska jooggnay wixii aannu qabannay waxaannse idiinn sheegayaa inaann idiinn shaqaynayo oo ay ku xigeennka iyo dhawaann waaxyaha kale ee shaqaaluhuba idinnka idiin shaqaynaann habeeenn iyo maalinn oo xilligaa aann idinnla haddlayo waxaa wali xafiisyadoodii iyo shaqadoodii ku jira qaarrkamida shaqaalahayaga waxaanay idinnka mudannyihiinn inaadd taageero iyo garaba ku siisaann shaqadaa ay heegannka idiinku yihiinn si aann u qurrxisanno magaaladeennaa aann jeclahay ee Hargeysa” Maayorr Mooge

Professor Maxamed  Cismaan Fadal oo kamida daddka aqoonnta lagu tuhunn-sannyahay xubinna ka ah xisbiga mucaaraddka ah ee Waddani waxa uu madasha ka soo jeediyey erayo aqooneedd iyo taariikhdiisii waxbarashada iyo dhibaatadii uu wax ku soo barrtay iyo ardaydann dalkoodii-hooyo iyaga oo jooga inay furrsadd u heleenn inay gurryo-hoodii wax ku bartaan walibana shahaadada 1-aadd iyo 2-aadd ku qaataann gogoshii ay dhasheenn iyaga oo aann dalka dibaddiisa u bixinn “qol  madaw iyo faynuus baann wax ku soo barrtay iyo waddamo shi-sheeye halka aadd idinnku nasiibka u hesheenn inaadd furrsaddann qaaliga ah u hesheenn gurryihiinnii iyo waxbarasho”Profesoor Fadal.

Waxaa isna halkaa ka haddlay guddoomiye ku xigennka xafiiska hayádda tacliinnta-sare ee dalka Itoobiya Mr.Tamirat Motta, Deputy Director General,Higher Education Relevance and Quality Agency.waxaanu madasha ka soo jeediyey khuddbadd qiimo badann oo guudd ahaann taabaneysay jawigii qurrxda baddnaa ee madashii qalinnjabinnta xafladdaasi lagu sagootinayey duf-caddii 13-aadd ee Jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa “aniga oo ku haddlaya afka xafiiska tacliinnta-sare ee dalka Itoobiya waxaann u hambalyenayaa ardayda faraha badann ee caawa halkann ku qaadana shahaadada heerka 1-aadd ee Degree-ga iyo heerrka 2-aadd ee Master-ka waxaann dhamaanntiinnba idinn leeyahay Hambalyo Hambalyo”

Markale waxaa masraxa looga yeedhay kooxda Xiddigaha Geeska oo halkaa halkaa ka qaaday heesho madashii jawi kale u yeelay waxaanay inndhuhu qabanayeenn ardaydii shahaadooyinka qaadanayey oo inntay kuraastii ka sare kaceenn koofiyadaha lulaya faxadda music-kada iyo heesha xiddiguhu halkaa quluubtooda ku ruxeenn. waxaanay maamulka iyo mudanntii la soo casuumay gaba-gabadii halkaa shahaadooyinnkii ku guddoonnsiiyeenn 8 ddii aray ee ugu sarreysay kulliyadaha kaladuwann ee Jaamacadda ee sannaddkani.

Gaba-babadii iyo gunaanaddkii waxaa si gaara iyada waaliddkeeddba inay  masraxa soo wada jooggsadaan loogu maamuusay guudd ahaannba gabadhii ugu dhibcaha saraysay ardaydii sannaddkani ka baxday Jaamacadda Admas University Hoodo Cabdisalaam Ismaaciil Nuur taas oo marrkii magaceeda lagu dhawaaqay madashii xafladdaasi isla sara jooggsatay Sacab iyo Mash-xaradd waxaanay Kaameraduhu marrkiiba qabteenn iyo Aabeheedd oo Koobkii Abaalmarinnta si wadajira gacmaha ugu haya.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here