Shirrkii Buugga Hagaha Culimada Diinta ee Arrimaha AIDS-ka oo La soo Gaba-gabeeyey

0
112

Hargeysa (SH)- Kulannkii Culimada ee arrimaha buugga xaggasare ku xusann iyo arrimo kale ayaa lagaga dooday naxariista Islaamku leeyahay iyo xuquuqaha ay bulshadu isku leedahay gaarr ahaann fadaaísha ku jirrta daddka xanuunnsann oo lagu booqdo gurryahooda loona soo duceeyo iyo  inn loo naxariisto qofka xanuunnsanaya, sidaana waxaa sheegay Sheekh Faysal oo ka mida culimada hayádda SOLNAC kala shaqeeya arrimaha wacyigelinta xanuunnka HIV-ga, isaga oo duruuta arrimahaasi u jeedinayey mashaa-ikhdii ka soo qaybgashay kulannkaasi waxaana hadalladiisii kamidd ahaa “Diinnteenna Islaamku sida aynnu shalayba soo sheeggnay waxay leedahay naxariis farabadann waxaanay inna faraysaa inaann isu naxariisanno gaarr ahaann daddka xanuunnsanaya cudurrka hayaaba nooca uu doonaba ha ahaadee”

Sheekhu waxa uu madasha hadaljeedinntiisa ka akhriyey daliillo farabadann oo laga soo wariyey Nabi Muxamed Caleyhi Salaatu Waslaamm kuwaas oo dhamaanntooddba sheegaya inn loo naxariisto qofka la nool cudurrada uu AIDS-ku ka middka yahay ” Aids-ku waxa uu kamidd-yahya cudurrada masiibada ah ee bulshada waayadann dambe ku dhacaya, sidaa darrteedd qofka uu ku dhacay ee la nool waxaa laynooga baahannyahay ka culimo ahaann inaann bulshada ka wacyigelinno sidii ay isaga ilaalinn-lahaayeenn marrkahoraba inay ku dhacaann xumaannta ay SINO ugu horreyso kadibna qofka uu ku dhacay inaann booqanno oo aann u naxariisanno”Sheekh Faysal.

Sheekhu waxaa kale oo uu sheegay inay bannaanntahay inn la booqannkaro qofka xanuunnsann xattaa haddii aanu Muslimba ahaynn sida ku cadd LAFDIGA xadiiska uu Rasuulku sheegay NABADD GALIYO IYO NAXRIISI KORRKIISA HA AHAATEE “qofka xanuunayaa xattaa haddii aanu muslim ahaynn waa la booqannkaraa sida ku cadd lafdiga xadiisul-qudsiga uu ilaahay leeyahay ADDOOMAHAYGIIYOW WAANN XANUUNNSADAY MANA AYDAANN ISOO  BOOQANN (MIYEYDAANN OGAYNN INUU ADDOONKAYGII XANUUNSADAY OO AYDAANN BOOQANN”

Inntaa kadibb culimadu waxay ka doodeenn doodeenn mushkiladdda salka u ah faafitaannka cudurrkani iyo sidookale waxyaabaha marrkahoraba keena, waxaanay sidookale doodahooda ku soo min-guuriyeenn sidii ay xalka u arrkayeenn ama looga horrtagikaro halsita uu currkani leeyahay.

Culimadu waxyaabihii ay ka doodeenn isla marrkaana ay xalka yaraynnta faafidda xanuunnkaasi inay culimadu marrka ay isku guurinayaann lamaanaha is guurrsanaya inay horey u soo qaataann warrqadda caafimaadka ee caddaynaysa inay ka fayawyihiinn xanuunnka AIDS-ka. inntii ay socdeenn doodaha culimada ee naacaasi ahi waxyaabihii qosalka lahaa ee madasha laga soo jeediyey waxaa kamidd ahaa, midd culimada kamida ayaa sheegay marrkii laga haddlayey arrimaha la xidhiidha inay labada is guurrsanayaa xiliga ay sheekaysanayaann sifiicann isugu qanncaann muuqaal ahaann, waxaanu yidhi “Sheekh waxaann idiinn sheegayaa Qiso yarr oo ka dhex-dhacday 2-ba qof oo doonayey inay isguurrsadaann”

“Wadaaddadu dee waa kuwann cumaamadda madaxa ku duuban e ninn wadaada ayey is caashaqeenn gabadh iyana xijaabann oo indho-shareerkiina xidhann daba deeddna marrkii ay inn muddo ah wada sheekaysanayeenn oo ay sheekadoodii gaadhay meel wanaagsann ayuu maalinn maalaha kamida gabadhii ku yidhi Heblaayo maannta waxaann doonayaa ball inaadd indho-shareerrka iska qaaddo si aann wajigaaga si fiicann u arrko, kadibna waayahay bay tidhi waana iska roggtay indho-shareerrkii, sifiicanna wuu u arrkay wajigeedii muuqaall ahaann waanu ku qanncay, iyana marrkaasay ku tidhi adiguna ball cumaamadda sifiicann isaga qaadd oo madaxaaga oo dhann aann eego, kadibna wadaaddkii oo cumaamadda ku qarinaya bahal BIDAARA oo muraayadda ka cadd ayuu ka wadhay, kadibna gabadhii way ka boodday wadaaddka Bidaarrtiisa waxaanay ku tidhi Sheekhow iga raali ahaw,Sidaas ayaanay ku kala calaf-waayeenn wadaaddkaasi iyo sheekhaddaasi”

Ka qaybgalayaasha kulannkaasi gaarr ahaann matalayaashii daddka ku nool xaafadaha ay ku noolyihiinn daddka barakacayaasha loo yaqaanno ayaa sidookale ka dooday aafada uu xanuunnkani ku keenay bulshada iyo dhaawaca uu u geystay habsami u socoddka noloshii aadamaha, haddii ay ahaann lahaydd dhinacyada muuqaalka,dhaqaalaha,waxbarashada iyo sumcaddooda ay bulshada ku dhexleeyihiinn inntaba, balse doodahoodaasi ka horr tababarihii duruusta u jeedinayey waxa uu u soo banndhigay arrimo la xidhiidha sidii marrkahoraba looga fogaann lahaa inn uu qofku lugaha la galo waxyaabaha u sahlaya inn uu ku dhaco cudurrkaasi.

Arrimaha kale ee ay wadaaddadu halkaasi ka soo jeediyeenn ay u arrkeenn inuu yaraynayo ama ka horrtago faafidda xanuunnkaasi inn la badiyo guurrka xalaasha ah oo waxbadann ka qayb-qaadanaya toosnaannta iyo nolosha qayska Muslimka ah “annagu ka group ahaann waxaannu soo jeedinaynaa oo aannu u araggnay inn uu xalka mushkiladdaasi qayb waynn ka qaadann-karayo waa inn la badiyo guurrka”sidaa waxaa yidhi soo jeediye ka midd ahaa kooxihii loo kala qaybiyey xubnihii culimada ee shirrkaasi ka soo qaybgalay.

“Sheekh anigu waxaann soo jeedinn  lahaa inay culimadu marrka ay khudbadaha masaajidda ka hadlay maalinnta jumcaha aysann adeeggsann erayo damqaya daddka na lool xanuunkaasi tusaale ahaan waa inaysann odhann “cururrkani waa ciqaab uu ilaahay ku ciqaabayo kuwa ZINADA KU DHACAY balse waa inuu si sarbeebb ah ugu sheegaa bulshada waayo waxaa laga yaabaa  inay majaasiddka marrkaa fadhiyaann qaarrkamida kuwii la noolaa cudurrkaasi sidaasaanay diinnteenna suubani sheegaysaa inn loola macaamilo bulshada lana ilaaliyo dareennkooda maskax ahaann “Psychologicall behavior” sidaasi waxaa madasha kala sara-kacay wadaadd dhalinnyaro ah oo ka qaybgalayey kulannkaasi.

“Waxaann filayaa inaadd sifiicann u wada fahannsanntihiinn sidii daddka looga wacyigelinn-lahaa cudurrkaasi”Mubaarak Maal. dhanka kalana waxa uu Mr Maal u sheegay ka dhageystayaasha shuruudaha laga rabo marrka horaba inaadd tahay qof uu wacyigiisu soo jeedo oo ka warryaha waxyaabaha ka dhacay bulshada dhexdeeda sida faafitaannka xanuunnkann iyo sida loo faquuqay daddkii uu ku dhacay iyo dhibaatada haysata”Mr Maal.

“Erayada aadd kula haddlayso qofka uu xanuunnkaasi haleelay waa inn ay ahaadaann kuwo naxariisleh oo dabacsann waana inn aadd ahaato marrkastaba midd furr-furann oo aann xidh-dhnaynn oo waji-dabacsann, waana inn aadd diiradda saartaa xallinta caqabadaha qofka uu cudurrkaasi ku dhacay inntii aadd awoodikarto”ayuu yidhi.

dhanka kalana waxa uu sheegay erayada ay tahay inn uu qofku ka fogaado marrka uu booqano qofkale ee xanuunnsann “waa inn aadann odhan marrka aadd u taggto qofka xanuunnsann Allaah xanuunka ku haya ee AIDS-KU waa midd dilaa ah oo aann laga kicinn waannadd u dhimanaysaa iyo wixii lamida markaa erayadaas oo dhann ka fogaado marrka aadd la kulanntaann daddka uu xanuunnkaasi haleelay”Mubaarak Maal.

dhanka kalana qaarrkamida ka qaybgalayaashii kulannkaasi ee ka socoday barakacayaasha ayaa mas-uuliyiinntii SOLNAC iyo daadihiya-yaashii tabobarrkaasi waydiiyey “horrta ball waxaadd noo sheeggtaann ma jiraa qof uu cudurrkani ku dhacay oo ka boggsaday oo hadda isagu ka shaqeeya arrimaha wacyigelinnta ka fogaannshaha cudurrkan HIV-ga? waxaanay mas-uuliyiinntu suáashaasi kaga jawaabeenn “maya ilaa hadda ma haynno qof ka boggsaday oo ka shaqeeya arrimahaas balse waxaannu isku daynaa inn aannu u sheeggno inn uu cudurrkaasi la middyahay uunn cudurradakale ee daddka ku dhaca oo lala noolaannkaro” Muxyidiinn Yuusuf Ibraahim agaasimaha waaxda wacyigelinnta iyo maamulka SOLNAC.

Mr Muxyidiinn waxa uu sheegay qaarrkamida daddka uu xanuunnkaasi haleelay inn ay ka middyihiinn shaqaalaha hayádda SOLNAC isla  marrkaana ay ka qaybqaataann arrimaha wacyigelinnta xanuunnkani iyo ka fogaannshaha halista ku xeerann “haa way jiraann qaarrkamida daddka uu xanuunkkaasi haleelay oo nalagala shaqeeya arrimaha wacyigelinnta HIV-ga waanadd araggteenn maalmaha ay dhacayaann munaasibadaha xafladaha lagaga sheekaynayo cudurrkaasi iyaga oo ka haddlaya” Muxyidiinn Yuusuf.

“Agaasime waxaajira dadd badann oo la nool xanuunnkaasi oo waxbarashdiina laga faquuqay walina maannu aragg wax loo qabanyo iyo cidd idinnka idinnka socota oo darryeel u fidinaya dadkaasi sanadd kastana Miisaaniyadda Dawladda waa la korrdhiyaa  mana araggno daddkaasi oo la leeyahay miisaaniyadd baa loo qoonndeeyay dadkii xanuunnkaasi la noolaa baa miisaaniyadd u gaara loo sameeyey marrkaa maxaa arrimahaasi idiinnka meell yaalla haddii aadd tihiinn SOLNAC”sidaasi waxaa tidhi  Rooda  Maxamed Cilmi, oo ka socotay kaammka bara-kacayaasha ee Stadium-ka.

Sheekh Daauud oo oo isaguna halkaa ka haddlay isla marrkaana coddkiisa ku matalayey culimadiikale ee madasha fadhiday waxa uu sheegay inay wax fiicann ka faa’iideenn dusruustii laga soo jeediyey kulannkaasi waxaanu ku baraarujiyey inaysann culimadu wixii ay halkaa ku soo qaateenn kagataginn miiska dushiisa balse ay si hufann ugula laabbtaann bulshadii ay ka yimiddeenn “anigu dhawr iyo tobann sano ayaann ku soo jiray wacyigelinnta xanuunnkan HIV-ga hogo badanna waann ka hayaa arrimahaasi marrkaa SOLNAC waxaann odhann  lahaa kulamada noocann oo kale ah ee wacyigelinnta ah waa inaadd balaadhisann oo aadd goballada oo dhann ku wada qabataann”ayuu yidhi Sheekh Daaúud.

Geba-gabadii xidhitaannka kulannkaasi oo waxaa haddallo kaladuwann ka soo jeediyey Wasiirrka arrimaha diinnta iyo aw-qaafta Sheekh Cabdiriisaaq Xuseen (Albaani) oo dhawaann xilkaasi loo dhiibay iyo  agaasimaha guudd ee hayádda SOLNAC Cabdishakuur Ismaaciil Muumin Aare waxaana cidd-baahiyaha ku soo dhaweeyey agaasimaha wacyigelinnta iyo abaabulka SOLNAC Muxyidiinn Yuusuf Ibraahim, agaasimaha SOLNAC Cabdishakuurr Ismaaciil Muuminn Aar waxaanu u hamadd-celiyey ka soo qaybgalayaashii shirrkaasi 2dii cisho ee uu socday.

Mr Muumin waxa uu sheegay sababta culimada loogu soo casuumay kulannkani inay tahay saamaynnta ay ku leeyihiinn bulshada iyo cudurrkii oo caalamka oo dhann ku faafay “sababta laydiinn soo casuumay waxa weeye inaadd tihiinn kuwii daddka ugu saamaynnta baddnaa iyo cudurrkii oo aadd ugu faafay dalka sidaa darrteedd waa inaydaann dhayallsann halista cudurrkani ku hayo bulshadeenna waana inaydaann odhann qofkani wuu sinaystay iyo cadhadii ilaahay baa ku dhacday qofkaas iyo erayo lamida”Cabdishakuur.

dhanka kalana waxa uu agaasime Shakuurr sheegay inay jiraann dadd uu cudurrkaasi haleehay oo aann xaasba guurrsann isla marrkaana aan sinaba ku dhicin oo si kale uunn ku qaaday cudurrkaasi doorrkiinuna wuu ka mihiimmsannyahay kann Dkhakhaatiirrta waayo haddii aadd idinnku bulshada tidhaadaann kala fogaada way idinnyeelayaann si aanay ugu dhago-nugglaanin” Mr Muumin.

dhannka kalana waxa uu tibaaxay inay wacyigelinntu waxbadann ka qaadatay hoos u dhaca qaadidda xanuunnkasi sidaa darrteedd loo baahannyahay inay culimadu si qoto dheerr uga haddlaann wacyigelinnta bulshada sidii ay uga fogaann lahaayeenn asbaabaha ku keeni karaya inay ka kulmaann xanuunnkaasi “waxaakale oo muhiimm ah inaadd bulshada ku wacyigelisaann inay isbaadhaann kuwa aadd  isku guurinaysaann hadday yihiin ama goobaha dhalmada oo kale inntaba waa lagama maarrmaann inaadd doorrkiinna ka qaadataann arrinntaasi”Cabdishakuurr.

dhanka kalana waa uu culimada hoga-tusaaleeyey inay adeeggsadaann erayada naxriista iyo dabacsanaannta u leh dadka qaba xanuunnkani si aysann daddka la nooli colaadd iyo uurr-xumo ugu qaadinn bulshada innteeda kale waa inaydaann adeeggsann earyo xanuujinaysa quluubta kuwa xanuunnkaasi la nool” ayuu yidhi.

dhanka kalana waxa uu sheegay inay suurrto gall tahay inay 2 beeloodd isugu dhacaann qof beel heblaayo ka soo jeeda oo qaaddiiyey middkale oo beelheblaayo ka soo jeeda cudurrkann HIV-ga balse ma dhacdo inay 2 beeloodd isku dilaann xanuunno kale oo lays qaaddsiiyey”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

ugu dambeynntiina waxaa halkaa ka haddlay Wasiir Albaani waxaanu mahadd ballaadhan kula duldhacay agaasimaha SOLNAAC iyo ka soo qaybagalaashii 2 cisho ee kulannkaasi waxaanu culimada si gaara ugu bogaadiyey inay si wanaaggsann u darrseenn 2dii cisho kalannkaasi isla marrkaana ay diyaarr u yihiinn inay xambaaraann wixii ay madashann ku qaateenn, sidookale waxa uu culimada ku boorriyey inaysann ku faquuqinn qofka xanuunnkan qaaday si uu dooniba ha ku qaadee “waxaann idiin soo jeedinayaa inaydaann adeeggsann erayo xanafle oo damqaya daddka xanuunnkann la macaamila waana inayaadd khudabadihiinna ku soo qaadataann sidii looga baddbaadilahaa cudurrkaasi”Albaani.

Wasiir Albaani waxa uu sheegay inaysann quusann kuwa xanuunnkani taabbtay isla marrkaana ay ogaadaann inn uu leeyahay dawo sidaana waxaa uu ku sheegay Axaadiis uu sheegay NABI MUXAMAED CALEYHI SALAATU WASALAAM “majiro cudurr illaa waxaa uu ilaahay soo dajiyey dawadiisa ayuu yidhi Caleyhi salaatu wasalaam” Ablbaani.

Geesta kalana waxa uu wasiirrku sheegay inaysann haboobaynn inay kuwa uu ku dhacay sii faafinn xanuunkkaasi waxaanu tusaale u soo qaatay marrkuu dhacay xilligii Rasuulka Daacuunnkii halista ahaa inn uu yidhi kuwii uu ku dhacay yaanay ka bixinn halkoodii ay joogeeenn kuwa kale ee ka fayoobina yaanay tagainn halkaa uu ka dillaacay daacuunnkaasi.

“culimada midd baan leeyahay oo waa inaynaann u fahminn inuu qofka xanuunnkaasi qaaday yahay midd sinaystay oo kaliya waayo siyaabo kaladuwann buu qofku ku qaadikaraa qofka cudurrkaasi ku dhacayna waxaann leeyahay nolosha ha quusane ilaahaaga u toobaddkeenn oo cibaadada badi murugu iyo tiiraannyana ha u dhimann” Albaani.

“Marrkaadd khuddbadaha masaajidda ka hadlaysaann waxaa inaadd tidhaadaann ilaa hadda waxaann haynaa tiro intaa legg inn uu xanuunnka HIV-gu haleelay oo ay la jiifaann sidaa darrteedd waxaannu bulshada na dhageysanaysa u sheegaynnaa inay is ilaaliyaann oo cauurahoodana ku baraarujiyaann inn uu xanuunnkaasi si weynn dalka uga jiro waanadda mahaddsantihiinn”ayuu hadaljeedinntiisa ku soo af-meeray.

Wasiirrka iyo Agaasimaha guudd ee hayádda la dagaallannka faafidda xanuunnkann HIV-g-ayaa halkaa si wadajira qalinnka ugu duugay saxiixa noqolka loogu magacdaray buugg-yaraha hagaya culimada Diinnta Islaamka ee Somaliland.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here