Shirr-waynihii Wasaaradda Diinnta iyo Awqaafta ee Arrimaha ZAKADA oo la soo xidhay

0
82

Hargeysa (SH)-Shir-weynihii WasaaraddaDiinta iyo Awqaafta ee doodda arrimaha ZAKADA ayaa lagu soo af-xidhay Hotelka Maann-soorr ee Hargeysa halkaas oo ay doodda arrimaha ZAKADU labadii cisho ee la soo dhaafay si waafiya uga socotay, balse ka horr inntii aann la soo xidhinn waxaa madasha laysku waydaarrsaday doodo macaann oo u dhacay habb bilaa turrxaanna.

Waxaanay dooduhu ku bilawdeenn soo jeedinntii Dr Cabdiqanii Badar taas oo ay ka soo qaybgalayaashu halkaa ka waydiiyeenn suáalo kaladuwann haddana isku si u dhacayey maadaama barrnaamijku ku wareegayey ZAKADA iyo hawlaheeda.

Suáalihii madashaas lagu soo bandhigay waxaa kamidd ahaa xukuumadda oo sida la oggyahay dadweynuhu sas badann ka qabaann sida ay u maamusho arrimaha dhaqaalaha sideebay suurrto gall ku tahay inay marrkale bulshadu xukuumadda ku aaminaann in ZAKADA loo dhiibo oo ay iyadu maamusho dhaqaallaha ka soo xaroonaya ZAKADA.

“Carabtu waxay ku maah-maahdaa BISADDA HA U DHIIBIN FURAHA JIKADA HADDII KALE WAY KAA FASAHAADINN”marrkaa sheekhow haddii aann xukuumadda u dhiibbno  saw sidii bisaddii furaha jikada loo dhiibay oo kale fasahaadinn-mayso xoolaha ZAKADA laga soo uruuriyo? –

Culimadii madasha fadhiday gaarr ahaann khabiirradii soo diyaariyey macluumaaddka la xidhiidha arrimaha ZAKADA waxay suáalahaasi kaga jawaabeenn siyaabo kaladuwann balse qanncisay kuwii suáalaha soo dhigay.

Suáasha kale ee laga dooday waxay ahaydd “Sheekhow ma banaanntahay inn dadkii ZAKANA laga qaado haddana Canshuurta laga qaado? Suáashaasi waxaa ka jawaabay Dr Faysal oo ah kamida culimada Gobalka Toggdheerr laga soo casuumay hawshanna si ballaadhan u soo baadhay, waxaanu sheegay inay culimada Islaamku 2 qawl u kala qaadeenn midi waxa uu bannaynayaa inaanay bannaanaynn inn uu qofku bixiyo Canshuurrta iyo ZAKADA balse waxa uu qowlkaasi sharrdi ka dhigayaa haddii ay xukuumaddu si cadaaladda u maamulayso xoolaha ZAKADA balse haddii aanay taasijirinn bulshadu xaq-bay u leeyihiinn inay bixiyanan iyo inay diidaann labadaba.

QAWLKA kalana waxay culimadu leeyihiinn maba bannaana inay bulshadu bixiso Canshuurrta haddii ay aaminnsannyihiin inaysann xukuumaddu dhaqaalahaasi si shareecada waafaqsann u maamulaynn “waxaann soo jeedinn lahaa daddka loo xulanayo soo  uruurinnta dhaqaalaha ZAKADA inay ahaadaann kuwo loo tabo-baray fahamka macnaha ZAKADA ka horr inntaann looba dirinn soo uruurinnta shaqada ZAKADA”Dr Faysal.

“Dr Faysal waxaann waydiinn lahaa $10,000 ee xukuumaddu ka qaadayso xilidhibaannada soo galaya masraxa doorashada ma u bannaynaysaa lacaggtaa laga qaaday inay isticmaalanan xoolaha dadweynaha? Ka soo qaybgale oo ah arday jaamacadeedd. Waxaa farrta taagay nin wadaada oo sheegay inuu barrtay Bukhaariga iyo Muslimka waxaanay soo banndhigay soo jeedinn odhanaysa Madaxweynaha hadda jooga inuu kursiga iska sii haysto waxaanu tusaale ugu soo qaatay Madaxwynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle “waarr anigu Shahaado iyo Master baadd ku faanaysaann e anigu waxaann ku faraxsanahay inaann barrtay Muslim iyo Bukhaari waxaanann soo jeedinn lahaa inaann Madaxweynaha hadda jooga kursiga laga qaadiinn ee uu sida Ismaaciill Cumar Geelle oo kale iska fadhiyo kurrsiga” Sheekh Tabliiqa.

“Haa sheikh way bannaanntahay inn Xukuumadda loo dhiibo xoolaha ZAKADA laga soo uruuriyey sidii ay shalabay sheegeenn Madaxweyne ku xigeennka iyo Dr Sacad-ba anigana sidaasay ilatahay marrba haddii ay sheegeenn inn loo leexinayo xoolaha laga soo qaado bulshada ee ZAKADA ah daddka masaakiinnta ah”Dr Faysal.

“idinnku waxaatihiinn garrbahayagii aannu ku duulaynay marrkaa waxaannu idiinnka baahannahay inaadd nagu saxdaann wixii wanaaggsann annaguna waannu qaadanaynaa, ma jirto Madrasadd quráannka lagu dhigo oo aann noo diiwaann-gashanaynaynn sidookale ma jiro Macalimm quráannka dhiga oo aann sidookale noo diiwaan-gashanaynn oo waann waliba mushaharr ka qaadann wasaaradda marrkaa dadka odhanaya wasaaraddu waa fadhiidd oo waxba ma qabato anigu kuma raacsani”sidaa waxaa yidhi Aadam Cabdullaahi Cabdulle agaasimaha wasaaradda Diinnta iyo Awqaafta.

Dr Cabdiqani Badar ayaa marrkale ka haddlay Dawlaaha ilaa hadda ku guuleystay bixinnta ZAKADA waxaanu yidhi “anigu shalay  baann yara korrmaray mawduucaasi balse maannta ayaann dhamaystirayaa waxaanann sheegay tusaale ahaann dalka maleesiya, waxaaanay Dawladdaasi u samaysay hayádo u gaara soo uruurinnta ZAKADA waxaanay hay;addaasi adeeggsataa oo ka hoos-shaqeeya NGOs ka yarr-yarr waxaanay taasi u suurrto galisay inay soo xaroodaann dhaqaale farabadani” Dr Badarr.

Dalka Suudaann ayuu sidookale sheegay inay horrmarr fiicann ka gaadheenn arrimahaasi “Suudaann waxay iyadu muhiimadda innteeda badann siisay dhinaca waxbarashada oo ay bilaash ka dhiggtay waxaana la siiyey dadka dannyarrta ah kaadhadh u sahlaya inay meelo khaasa kaga iibbsadaann Dawooyinnka”

Dr ku waxa uu xusay inay Suudaann baadhitaann dheerr ku samaysay arrimaha Diiwaannka ZAKADA iyo sida loo uruuriyo ama loo siiyo dadkdii shareecada Islaammku u fasaxday,waxaanay 100%60 siiyaann daddka dannyarta ah halka ay sidookale siiyanan masaajidda iyo arrimaha kale ee bulshada caamka ah, sidookalana 10% waxay siiyaann dadka shaqaalaha u ah soo uruurinnta xoolaha ZAKADA”

dhanka kanala waxa uu xusay bajadd sannadeeddka dalka Suudaann ZAKADU inay gaadhay $120 Million oo oo Doolarr” dhannka kalana waxa uu Dr ku ka sheekeeyey qiso la xidhiidha arrimaha uruurinnta ZAKADA ee Ceerigaabo oo guull fiicann ka gaadhay bixinnta ZAKADA “Dr Shiine waxa uu ii sheegay inay ka bilaabeenn gudaha bulshada deegaankaasi taasi oo ay sifiicann ugu geelysteenn ilaa ay gaadheenn inay jufahada hoose ee qayskaasi dhamaanntooddba ay noqdaann ZAKO bixiyaann”Dr Badar.

“Änigu shirrwaynahann maannta waxaann u fahmay inay Wasaaraddu xogg ku uruurinayso ka dibna ay soo banndhigidoonnta wax bulshada anfaca balse aanu macnuhu ahaynn bahashii waannu idiinn ansixinaya la orda oo saadd rabbtaann ka yeela waanann soo dhawaynayaa shirrweynahann”Sheekh Cabdullaahi.

“anigu waxaann soo jeediinn lahaa sida reer Ceerigaabo oo kale inaynnu kaga dayanno oo aynnu qabaaílka hoose ka soo bilawno uruurrinnta ZAKADA”ka soo qaybgale fikirrkiisa dhiibanayey. “haddii uu Diiwaannkaasi ZAKADU fashilmo canbaarr bay ku noqonaysaa culimada marrkaa waxaann soo jeedinayaa inn aadd laysaga ilaaliyo wixii fashilaadd ku keenaya arrimahaasi,waana in shirr loo qabto cuqaasha iyo sulaadiinnta oo iyagu reerahooda ha ka soo qaadeenn ZAKADA oo ha yidhaadaann ZAKADII annagaa nalaga qaaday annagaana naloo qaybiyey”Cabdirisaaq Albaani.

Cumar Xaaji Xuseen oo isaguna halkaa ka haddlay waxa uu xusay kalsoonida lunntay ee shacabbka sidii loogu soo celinn-lahaa xukuumadda waxaanay soo jeediyey dhamaann wixii wixii waqaf ah oo dhann  in lagu wareejiyo wasaaradda Diinnta iyo Awqaafta waxaannan soo jeedinn lahaa in shirrweynahani uu dhaco sanadd kastaba bisha Shacbaann maadaama ay ku dhawdahay bixinntii ZAKADA”Cumar Xaashi.

Guddoomiyaha Jaamacadda Nugaal Cabdirisaaq Maxamed Aadam waxa uu sheegay inn uu shirrkani la middyahay maskax sifaynn iyo wacyigelinn wanaaggsann, waxaanu culimadii soo diyaarisay barrnaamujkann waydiiyey “innagu ma leenahay miqyaas lagu jaann goynn-karo heerka faqriga lag u cabbiro  maadaama uu Dr Badar Sheegay inay dunidu u taqaanno xaddka qiyaasta faqriga” Cabrisaaq la foole.

Muna Bile waa gabadh daraasaadka jaamacadda ku soo qaatay dalka Maleesiya waxaanay arrimaha ZAKADA ku soo qaadatay Buuggeedii qalin-jabinnta Jaamacadda “waxaann filayaa inaan ahaa qofkii ugu horreeyey Somaliland ahaann ka haddlay arrimaha bixinnta ZAKADA waxaanann ka qoray Buuggaygii Jaamacadda waxaana igu dhiirri-gelisay gabadhii macallimadda ii ahaydd inaann ZAKADA wax ka qoro” Muna Bile.

Gabadhaasi waxay sheeggtay inay dalka Maleesiya ku noollyihiinn 3 qoomiyadoodd 1-Chiness 2. Hindi 3-iyo qooyimadda ugu badann oo Muslim ah, qoomiyadaha aann Muslimka ahaynn ee Chiness ka iyo Hindidu waxay gaadheenn marrkii ay ku qannceenn wanaagga ZAKADA inay iyaga oo aann Muslmiinn ahaynn ay dhexdooda iska uruuriyaann ZAKADA ka dibna ay bulshadooda dannyarrta ah dib ugu qaybiyaann waxaanann filayaa haddiiba ay sideenna oo kale Muslimiinn ahaann lahaayeenn inay dhamaanntooddba ahaann lahaayeenn wada ZAKO bixiyayaall”Muna Bile.

Wasiirka Diinnta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo shirrkaasi soo xidhay waxa uu xusay muhiimmadda shirrweynahani ay tahay sidii loo fahmi-lahaa qiyamka ZAKO bixinnta waxaanu soo dhaweeyey sidii Cumar Xaashi uu sheegay inn dib loo milicsado barashada arrimaha QIFHIGA, waxaanu xusay Wasiirku inaanay Wasaaraddiisu hadda diyaar u ahaynn shirrweynahanna aanay u qabann inay kulannkan kaga ansaxsato qaadidda ZAKADA balse ay tahay uunn sidii ay bulshadu faham guudd uga qaadann lahaydd arrimaha bixinnta ZAKADA.

dhanka kalana waxa uu xusay sidii Cumar Xaashi sheegay “maxaa ka khaldanaa marrkiihore hayádda Diiwaannka ZAKADA ileenn horeyba way u soo jirrtaye”waxaanu yidhi “sidaa Cumar ba inna waydiiyey hayádda Diiwaannka ZAKADU way soo jirrtay e maxaa ka khaldanaa maxaase maannta is badalay waarunntii anigaana kamidd ahaa daddkii aas aasay Hayádda Diiwaannka ZAKADA waxaanann halkann uga mahadd-celinayaa dadd khayrr-qabayaal ahaa oo sifiicann iiga caawiyey aas aaskeedii”Sheekh Khaliil.

“Kalsoonida waxaa abuuri-kara qofka cumlimada ah oo noqda midd dalkiisa iyo daddkiisaba u naxa, aniguna waxaann ku haddlayaa afkii Madaxweynaha oo aann wakiil ka ahay”ayuu yidhi Sheekh Wasiirka ahi “waxaannu tabo-barr-siinndoonnaa dadd khaas ah”ayuu inntaa sii raaciyey Sheekh Khaliil Axmed Cabdullaahi.

“sidii uu shalay halka kann ka sheegay Wasiirkii Maaliyaddu waxaa la samaynn doonaa sannduuq gaara oo lagu shubidooni xoolaha laga soo ururriyo ZAKADA waxaana la diiwaann-gelinndoonaa dadka fuqarada ah oo loo qaybinn-doono si waafaqsann shareecada Islaamka shirrkiina sidaasuu innoogu xidhannyahay”Sheekh Khaliil.

Gaba-gabadii shirrkaasi khubaradu waxay shirrweynahaasi ka soo saareenn war-saxaafadeedd ay ku soo koobeenn, balse ka horr innta aann qodobadaasi la gaadhiinn waxay horrdhac uga dhigeenn erayo koob koobann waxaanay yidhiyaadeenn.

Shirrweynahihii heerr qarann ee arrimaha ZAKADA oo ay soo qabann-qaabisay wasaaradda Diinnta iyo Awqaafta  kaas oo ka soconayey Hotel-ka Maann soor isla marrkaana ay ka soo qaybgaleenn ku dhawaadd 500 oo ka mida culimada,dhalinyarada jaamacadaha wax ka barata,dumarrka iyo masuuliyiinn shirrkaasi ku matalayey xukuumadda.

Shirrweynahaasi oo uu daafuray Madaxweyne ku xineennka Somaliland Cabdiraxmaann Ismaaciil Saylici, waxaa lagu soo banndhigay barrnaamiyo habaysann oo si cilmiyeysann loo soo diyaariyey, kuwaas oo diiradda lagu saaray ahammiyadda weynn ee ay ZAKADU leedahay iyo Axkaammta la xidhiidha barashada ZAKADA.

Sidookalana waxay cilmi-baadhistaaso daafa ka faydday tusaalooyinna ka bixisay sida ay qaarrkamida waddamada Islaammka ee tijaabiyey bixinnta ZAKADA ugu guuleysteenn inay bulshooyinnkooda ka qaadaann ZAKADA isla marrkaana ay xalka ugu heleenn iyo caqabadaha horryaalla bixiinta  iyo maamulka ZAKADA marrka loo eego wakhtigann xaadirrka ah iyo Somaliland.

Doodd dheer iyo falannqaynn ka dib shirrweynahaasi waxaa laga soo saaray war-murrtiyeedkann hoos ku qorann.kaas oo ay qodobadiisu u dhiggnaayeenn sidatann.

1.inn uruurinnta iyo  maamulka ZAKADU ay muhiimadd waynn u tahay horumarrka bulshada,amniga iyo dabarr-goynnta saboolnimada.

2-inn ay muhiimmtahay korr u qaadista wacyigelinnta bulshada ee la xidhiidha barashaa arrimaha ZAKADA iyo axkaammteedaba.

3- inay Dawladda waajib ku tahay inay dajiso nidaamka, la xidhiidha uruurinnta, qaybinnta iyo maamulka ZAKADA.

4-Inn la sameeyo cilmi-baadhis dheeraada iyad oo laga faaíidaysanao tusaalooyinnka laga soo dheeggtay Dawladaha Muslimiinnta ah iyagu ku guuleystay bixinnta ZAKADA iyo Gudaha Somaliland-ba.

5- inn korr loo qaado kalsoonida iyo isku xidhnaannta bulshada iyo xukuumadda ee  ku aaddan  maamulka iyo maaraynnta ZAKADA.

6- iyo inn laga shaqeeyo sidii loo samaynn lahaa siyaasadd iyo xeerarr la xidhiidha maamulka arrimaha ZAKADA.

Ugu dambeynn shirrweynuhu waxa uu ugu baaqayaa qaybaha kaladuwann ee bulshada oo ay ku jiraann culimadu inay ka qayb-qaataann horrmarinnta arrimaha ZAKADA.

Allaa Mahadd leh.

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here