Wasaaradda Diinnta iyo Awqaafta oo qabatay Shirrwaynaha Heerr-qarann Ee Arrimaha ZAKADA

0
106

Hargeysa (SH)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa qabatay Shirwaynaha heerr-qarann ee arrimah ZAKADA, shirrwaynahani oo noqonaya kii 1-aad ee noociisa ah xukuumadihii tan ka horreeyey midina may ku guuleysann qabashadiisa, waxaa ka soo qaybgalay,Madaxaweyne ku xigeenka Cabdiraxmaann Saylici,Wasiirrka Diinnta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, agaasimaha guudd Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdulle, dhawaadd 500 oo kamida Culimada Diinnta, dhalinyarada qaybahooda kaladuwann iyo martisharafkale oo ay kamidd-yihiinn Ganacsatada kuwaas oo ay ujeedada loo soo casuumay ahaydd inn la xasuusiyo waajibaaddka ZAKADA iyo xukuuqda ay dadka masaakiinnta ahi ku leeyihiinn.

Sidookale waxaa iyanaka soo qaybgalay masuuliyiinnta arrimaha waaxda arrimaha ZAKADA, furitaannkii shirrkaasi waxaa  ka haddlay isla marrkaana ka warrbixiyey ujeedada arrimaha kulannkani agaasimaha guudd ee Wasaaradda Sheekh Aadam Cabdullaahi Cabdulle, waxaanu faah-faahinn ka bixiyey arrimaha la xidhiidha shirrweynahann oo soconndoona muddo 2 cisho ah iyo waxyaabaha lagu falannqaynndoono.

Agaasime Cabdulle isaga oo soo dhawaynaya masuuliyiinnta xukuumadda iyo  marti-sharaftalaba waxa uu yidhi ” maannta waxaa sharafwaynn noo ah inaadd nagala soo qaybgashanan kulannka shirrweynaha heerr-qarann ee arrimaha ZAKADA waxaanann u mahadd-celinaynaa ilaahay SBUXAANAHU WATACAALAA”

Agaasimuhu waxa uu sheegay inn sannaddkann bilawgiisii xafiiska arrimaha ZAKADA la hoos-geeyey Wasaaradda arrimaha Diinnta iyo Awqaafta sidaa darrteedd waxaaraddu waxay markii ugu horreysay goáamisay inay qabato shirrweynaha arrimaha heerr qarann ee arrimaha ZAKADA iyo doodaha la xidhiidha sidii loo horrmarinn lahaa bixinnta arrimaha ZAKADA” Agaasime Sheekh Aadam.

ïsaga oo hadalkiisa sii watana waxa xusay inay wasaaraddu isku soo dubba-riddka arrimaha la xidhiidha ZAKADA u xilsaarrtay 5 kamida culimada gaarr haann xubno Dakaatiirra waxaana ka mid ahaa Dr Sheekh Khaliil waxaanu ka warrbixiyey arrimihii kaladuwanaa ee ay wajaheenn muddadii ay ku hawlanaayeenn qorshaha cilmi-baadhista arrimaha ZAKADA iyo baahiyaha ay bulshadu u qabto bixinnteeda “ZAKADU waa rukni kamida 5ta tiirr islaamm ee diinnteenna waxaana jedieeyey NABI MUXAMED CALAYHI SALAATU WASALAAMM” Dr Sheekh Khaliil.

“Walaalayaall arrimaha ZAKADA waxa uu ilaahay quráannka ku sheegay meelo badann waxaanu markastaba la xidhiidhayey SALAADDA sidaasay muhiim u tahay inaynnu bixinno oo aann siinno dadkii ilaahay u jediyeeyey in la siiy”Dr Sheekh Khaliil.

Dr. ku waxa uu muhiimmadda bixinnta ZAKADU leedahay u soo qaatay qisadii cajiibka ahaydd ee marrkii Rasuulku CALEYHI SALAATU WASALAAM  Saxaabigii Mucaadd-binu Jabal u dirayey YEMAN uu sii faray inn uu reer Yeman u sheego ” waxaadd ku tidhaadaa reer Yeman inay bixiyaann ZAKADA Sannaddkiiba hal-marr” Dr Khaliil.

Diktoorrku waxa uu ka soo qaybgalayaasha shirrweynahaasi xasuusiyey qofkii bixiya ZAKADA ku waajibta xoolihiisa inn uu ilaahay quluubtiisa ka nadiifinayo wasakhda iyo akhlaaq-xumada, dhanka kalana waxa uu xusay qofkii bixinn-waaya inay ZAKADU xoolihiisa baab,inayso isla marrkaana ay ka dhigayso midd barako la,aann ah “faa,iidooyinnka ku jira bixinnta ZAKADA waxaa kamida inay xooluhu kuu barakoobaann marrkaadd kurrbada ka fayddo ee aadd qofka Miskiinnka ah wax ka siiso xoolahaaguu kaama nusqaamayaann balse way kuu barakoobayaannn” ayuu yidhi Dr Khaliill.

“waxaa lagaba yaabaa inn uu qofka ZAKADA bixinn waaya xoolihiisa manaafacaaddsann-waayo oo cudurro iyo balaayooyinn ilaahay kaga sallido oo uu barakaba ka waayo”Dr ku waxa uu xusay Dawladaha maannta ku faanaya arrimaha samafalka ah ee la xidhiidha garab-qabashada arrimaha bulshada “walfers society”inn uu qarrniyo farabadann ka horr islaamku jiyeeyey oo ay ZAKADU ahaydd wixii ugu fiicnaa ee bulshada tabarta darann lagu soo kobncinayey.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Dr. Cabdiqani Badar oo kamida culimada Casirga ah kana midd ahaa xubnihii ay wasaaraddu u saarrtay inay soo baadhaann arrimaha ZAKADA iyo ilaa hadda dunida Islaamka waddamada tijaabiyey bixinnteeda, waxaanu ka soo diraariyey mawduuc qiimo badann oo la xidhiidha horumarrka ay ka gaadheenn qaarr-kamida waddamada Islaamka ee hayádaha gaarrka ah u sameeyey soo uruurinnta Xoolaha ZAKADA waxaanu tusaale u soo qaatay waddamo ay kamidd yihiinn.

1-Qadar.

2-Maleesiya

3-Masar

4-Suudaann

5-iyo Sacuudiga

Dr ku inn la bixinn waayo ZAKADA waxa uu ku tilmaamay gaf iyo meell ka dhac lagu samaynayo Diinnta islaamka iyo fulinnta shareecada Islaamka “Markahore ZAKADU waa rukni kamida arrkaannta 5ta ah ee Islaamka, inn la bixinn waayaana waa gafwaynn iyo meel ka dhac lagu samaynayo Diinnta iyo fulinnta shareecada Islaamka”ayuu yidhi Dr Badar.

Dhanka kalana waxa uu tilmaamay sida ay ugu faaíideenn iyo ilaa hadda hormarrka wanaaggsann ee ay ka gaadheenn waddamada tijaabiyey bixinnta xoolaha kaladuwann ee ZAKADA sida dalka Maleesiya oo uu tusaale wanaaggsann ka bixiyey qaabka ay xukuumaddu u maamushay iyo natiijada ka soo baxday “dalka Maloosiya waxa uu kamidd yahay waddamada islaamka ee bixiya ZAKADA waxaanay bilaabeenn sannaddkii 1991-kii sannaddkii ugu horreeyeyna waxay hayádda u xilsaarani soo xaraysay lacagg dhann 7.52 Million lacaggta dalkooda ah oo halkii $1 U dhiggmo 4 shilinn oo lacaggtooda ah” Dr Badar.

isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay hayádda dalka Maleesiya u xillsaarann soo uruurinnta ZAKADA inay sannaddkii 2010 gaadhsiisay 333 Million oo lacaggtooda ah, waxaanu tirada daddka ka faaíidaystay ee reer Maleesiya ku sheegay inay gaadhayaann 13369 oo qof “dadka ka faaíidaystay mashruuca ZAKADA ee dalka Maleesiya sannaddkii 2010 waxay marayeenn 13369 qof” Dr Badar.

Waxaa isaguna halkaa ka haddlay Sheekh Xasan Cabdi-salaan oo kamida culimada ganacsatada ah waxaanu iswaydiiyey maadaama ay xukuumaddu garatay inay qabato shirrka ZAKADA ujeedadiisu inay tahay inay xukuumaddu xoolo ku uruurrsato iyo inay ka tahay inay fulinayso waajibaaddka rukni kamida arrkaannta 5ta ah ee Islaamka “waxaa mudann inaann iswaydiinno xukuumaddu ma xoolo uruurrsibaa mase waxay fulinaysaa sharrciga ilaahay? ayuu yidhi Sheekh Xasann Cabdi-salaan.

dhanka kalana waxa uu Sheekha Ganacsadaha ahi waxa uu soo dhaweeyey qabashada shirrweynahani qarann ee arrimaha ZAKADA lagu dhiirrigelinayo, balse waxa uu tilmaamay inay fiicnanan lahaydd inn iyana layswaydiiyo xukuumaddu waxay marrka hore u qabann wayday shirrkii SALAADDA maadaama ay Salaaddu ka horreyso ZAKADA “waxay iswaydiinntu tahay maadaama ay xukuumaddu garatay inay qabato shirrkii ZAKADA maxay u qabann-wayday shirrwaynihii SALAADDA”Sh. Cabdi-salaan.

Cumar Xaaji Xuseenn Xumar Xaashi oo kamida Ganacsatada isla marrkaana ah Guddoomiyaha shirrkadda caymiska ee TAKAAFUL oo madashaasi ka haddlay waxa uu soo jeediyey erayo loo wada hannqal-taagay isla marrkaana soo jiitay dareennka madasha, kuwaas oo uu ku cabbirayey dareenkiisa la xidhiidha arrimaha bixinnta xoolaha ZAKADA waxaanu yidhi “horrta waxay ahaydd inn madasha lagu soo casuumo daddkii ganacsatada ah haa ee bixinn lahaa xoolaha ZAKADA oo aanay waxbadani halkann ka jooginn balse aniga oo ka wakiil ah waxaann soo jeedinn-lahaa xukuumadd iyo shacbiba waynagann Dimoqoraaddiyaddiiba qasabbka ku hirr-gelinnay e inaann sidaas oo kale bixinnta xoolaha ZAKADA xoogg ku bixinno xukuumaddana waxaann u soo jeedinayaa si ay howshaasi u hirr-gasho inay u qoroto ciidammo u gaara soo uruurinnta xoolaha ZAKADA” Guddoomiyaha TAKAAFUL.

Maareeyaha shirkadda Somtel Cabdinaasir Daaúud oo halkaa ka haddlay waxa uu soo dhaweeyey barrnaamujkann ka sheekaynnta ZAKADA wuxuuna sheegay  ka shirrkadd ahaann inay bixiyaann qayb ahaann balse aanay sidii la rabay ZAKADA u wada bixinn ännagu ka shirrkadd ahaann ZAKADA way jirtaa inn qayb ahaann la bixiyo balse sidii la rabay looma dhamaystiro”ayuu yidhi Mr. Daaúud.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo madasha shirrweynahaasi ka haddlay waxa uu sheegay inn isaga lagaga fiicannyahay arrimaha la xidhiidha ZAKADA balse uu aqoonn u leeyahay inn uu Islaamku waajibiyey 2 qayboodd oo ZAKO ah midd lagu waajibiyey inn laga qaado xoolaha iyo midd lagu waajbiyey daddku inay isku dahiraann (ZADATUL FITRIGA) isaga oo arrimahaa ka haddlayeyna waxa uu  yidhi “aniga waa laygaga fiicannyahay arrimaha ZAKADA balse waxaann ogahay inay jiraann 2 ZAKO oo middna laga bixiyo xoolaha middna ay daddku iska bixiyaann si ay naftooda ugu nadiifiyaann”Sacadd Cali Shire.

Sheekh Cabdullaahi Xasann (Barbaraawi) oo madasha shirrweynahaasi ka haddlay waxa uu sharraxaadd ka bixiyey ZAKADA bixinnteeda iyo noocyaxa ay Diinntu tilmaanntay inn laga bixiyo sida xoolaha nool, Dahabka iyo Maxdannta, dhanka kalana waxa uu Sheekh Barbaraawi sheegay inuu si fiicann uga warrhayo khiyaamada ay sameeyaann Ganacsatadu marrkay soo gaadho bixinnta ZAKAXA waxaanay sannaddka bilawgiisaba sii diiwaann-galiyaann dhamaannba wixii ay shaxaaddka u bixiyaann inntuu dooniba ha la egaadee, kadibna markay la yidhaado iska bixiya ZAKADA ay soo qaataann liis jacbura oo lacago kaladuwani ku qoranyihiinn kuwaas oo ay ku sheegayaann inay u niyoodeenn bixinnta xoolihii ka waajibay ZAKO ahaann waxay haystaann.

“Anigu meelahaa miyiga waann u baxaa oo waann ka warr-hayaa dadkaasi sida ay bu bixiyaann waxa ay ZAKADA ku sheegeenn waxaanay sameeyaann inay sannadka bilawgiisaba sii diiwaann-gelinyaann wixii ay shaxaaddka u bixinayaann oo dhann, kadibna ay sannadka dhamaadkiisa odhanayaann isku soo wada uruuri wixii aann shaxaaddka u bixiyey oo dhann waxaann u niyooday bixinnta ZAKADII ka waajibtay xoolahayga sannaddkann taasina waa khimaayo iyo jahli cadd” Barbaraawi.

Guddoomiyaha Ruggta Ganacsiga Jamaam Caydiidd oo kamidd ahaa masuuliyiinntii shirrweynahaasi lagu soo casuumay waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo qabsoomidd shirrweynaha lagaga haddlayo arrimaha ZAKADA waxaanu taageeray hadalkii uu jeediyey Dr Cabdiqani Badar sida ay Maleesiya ugu guuleysatay uruurinnta ZAKADA “anigu xatta waxaann ku soo arrkay marr aann tagay dalkaasi Maleesiya ganacsatadoodu siday u bixiyaann xoolaha ZAKADA”Jamaal Caydiid.

Wasiirrka arrimaha maalgashiga Maxamed Axmed Cawadd oo halkaa ka haddlay waxa uu sheegay hadda ka horr inaanay dhagihiisu maqal culimada oo xukuumadda ku boorrinaysay inay bixiso ZAKADA, balse uu culimada ka maqlijiray uunn iyaga oo naqdinaya qaarkamida xeerarrkii murannka waynn dhaliyey sida kii RIBADA oo kale iyaga oo ku xiiqsann balse hadda hadday garrteenn inay xukuumadda ku garab-istaagaann inn la bixiyo ZAKADA ay tahay arrinn wanaaggsann oo culimada lagu ammaanikaro isaga oo arrimahaa ka  haddlayeyna waxaa hadalladiisii kamidd ahaa “aniga waa marrkii iigu horreysay ee aann culimada ka maqlo iyaga oo leh xukuumaddu waa inay ZAKADA bixiso balse waxaann arrkijiray iyaga oo ka haddlaya xeerarr yarr-yarr oo murann-badann dhaliyey”

“ka xukuumadd ahaann waannu soo dhaweynaynaa inay wasaaraddu soo qabann qaabisay shirrweynahani qarann waana arrinn wanaaggsann oo loo baahnaa qabashadeeda” ayuu yidhi wasiirka maalgashiga Maxamed Axmed Cawad.

Wasiirka Diinnta iyo Arrimaha Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo kamidd ahaa masuuliyiinntii ugu hadal jeedinnta dambeysay waxa uu sheegay tann iyo marrkii muddo sannadd iyo wax laga joogo barrnaamijka ZAKADA la hoos-geeyey Wasaaraddiisa inay garteenn qabsoomidda shirrweynahani inay Muhiimmadd waynn u leedahay Somaliland sidaa darrteeddna inn muddo ahba ay ku hawlanaayeenn abaabulka iyo qabsoomiidda shirrkaasi “xukuumadihii hore kumay guuleysann inay qabtaann shirrkann oo kale balse marrkii xafiiskii arrimaha ZAKADA la hoos-geeyey Wasaaraddayada waxaannu ka wasaaradd ahaann qaadannay inaannu qabanno shirrweynahann heerr-qarann ee arrimaha bixinnta ZAKADA”Wasiir Khaliil.

Wasiirrku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay daddka iska bixiya xoolaha ZAKADA ilaahay aggtiisa inay ku liibaanayaann kuwa diidaana ay ilaahay kala kulmayaann khasaare iyo NAAR iyo waji-gabax balaadhann maalinta qiyaamaha “ilaahay iyo Rasuulkiisuba waxay uu diinnta innoogu sheegeenn kuwa iska bixiya xoolaha ZAKADA inay maalinnta qiyaamaha ilaahay kala kulmayaann liibaann iyo badhaadhe aann xadd lahaynn halka kuwa inay bixiyaann diidaana ay kala kulmidoonaann khaare iyo NAARR dhabarrka loo saaridoono xoolihii oo cabaadaya” Wasiir Khaliil Axmed.

Wasiirku waxa uu hadalka dabayaaqadiisii ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeennka Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici waxaanu madasha shirrweynahaasi ku soo xidhay hadall-yarr oo koobann balse nuxurrkiisu ahaa inay bulshadu ku baraaruggto faaíidada laga helayo haddii ay ZAKADA iska bixiyaann.

“sidaa ay culimadu innoo caddeeyeenn ZAKADU waa waajibb diiniya inaynnu bixinnaa waxaannan si gaar ah u farayaa inay iyagu bulshada kale uga horreeyaann Siyaasiyiinnta ganacsatada ah iyo wadaadada ganacsatada ah, waayo daddka bulshada matala ayey kamidd yihiinn” Mr Saylici.

Shirrweynahann oo loo madd-lannyahay inn subaxa berrito ah marrkale madasha laysugu yimaaddo waxa uu agaasimaha guudd ee wasaaradda Sheekh Adam Cabdullaahi Cabdulle ka dhawaajiyey gaba-gabadii inn ay berrito jiridoonaann khuddbado qiimo-badann oo macluumaadd dheeriya laga helidoono iyada oo aanay meesha ka madh-naanndooninn doodo iyo suáalo khubarada barrnaamijkani soo diyaarisay laga waydiinndoono arrimaha ZAKADA Somaliland iyo sida ay suurrtagall ku noqonayso Somaliland inn laga hirr-geliyo fulinta Rukni kamida kann ugu adagg oo ah bixinnta xoolaha ay daddku sida waynn ugu dhaggann-yihiinn.

www.Somalihouse.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here