Hayádda Yovenco oo soo gabo-gabaysay Shirr 3 Maalmoodd Uga Socday Hotel Maan-soor

0
136

Hargeysa (SH)-Madaxa mashruuca tabo-barrada macalliinta iyo Guddiyada duggsiyada 20 kamida goobaha waxbarashada ee degmada Hargeysa ee Hayádda Maxalliga ah ee YOVENCO Cabdiraxiim Maxamed Ismaaciil ayaa soo xidhay shirr-ballaadhann oo muddo 3 cisho ah uga socday Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa,balse ka horr intii aann la gaadhinn goorrtii xidhitaannkaasi waxay maamullada duggsida iyo xubnaha guddiga matalaya Duggsiyadaasi halkaa ku soo bandhigeenn qorshe duggsiyeeddka ay tahay inay lahaadeenn Iskuulladaasi.

Axmed Cabdillaahi Mowliidd waa maamule ku xigeennka dusggsiga-hoose dhexe ee Gini oo ku yaalla Degmaa Ibraahim koodd-buurr waxaanu madasha kulannkaasi ka soo jeediyey qorshaha sanadd-duggsiyeedooda waxaanu soo bandhigay caqabado cul-culcus oo runntii u baahann in wax lagala qabto maamulkooda, isaga oo maamule ku xigeennku arrimahaa sharraxaadd ka bixinayeyna waxa uu yidhi “Caqabadaha nahaysta waxaa kamida Maamulaha iyo 1 Gabadh mooyee macalimiinta Iskuulkayaga Hoose-dhexe ee Gini mahaystaann tabo-barrkii macallinimo”

“caqabadda 2-aad ee  na horr-taallaa waxa weeye macallimiintii oo aann qaadaninn gunnadii yaraydd waayo dee kulligiinn macallimiin-baatihiine macallinn aann qaadanaynn gunno si fiicann oo niyadd-sami ah uma shaqaynayo”ayuu yidhi  Axmed Cabdillaahi.

dhanka kalana waxa uu sheegay — inay ka Iskuul ahaann baaiyaha sannadd-Duggsiyeeddkooda ku sheegay inay kamidd-tahay $70,000 oo lagu dhisidoono duggsisare, $25000 oo loo qorsheeyey inn lagu dhiso 4 fasal oo ah duggsiga hoose-dhexe, waxaa kale oo kamida qorshahaa inn loo sameeyo qaynta gaarrka ah ee Hablaha si loo kala saaro wiilasha iyo Hablaha.

Waxaa isa halkaa ka haddlay maamulaha duggsiga hoose-dhexe ee Cumar Diinaari Cabdifataax waxaanu ka warramay baahiyaha Iskuulkooda sida in loo korrdhiyo galaasyada ardaydu fadhsiitaann maadaama uu Iskoolkoodu yahay 1- ilaa 8 sidookalana waxa uu sheegay inay u baahannyihiin dhismayaasha fasallo dheeri ah maadaama ay sanadd-ba sannaddka ka dambeeya soo korrdhayaann ardayda waxbarashada ku soo biiraya isaga oo arrimahaa ka haddlayna waxa uu yidhi “kolley baahiyaha qorshe hawleeddka sanadd-duggsiyeedkayagu wuu ballaadhannyahay balse waxaa kamida caqabadaha na horryaalla inn dayrr naloogu dhiso Iskuulka dayrr lagu soo wareejiyo kharashka ku baxayana waxaannu ku soo koobnay $14000” Cabdifataax.

Maamuluhu waxa uu sidookale tilmaamay inaanu lahaynn diggsigaasi qolkii cunto karinta waxaanay ku soo qiimeeyeenn lacagg-dhann $10,000 “waxay iyana caqabadi naga haysataa qolkii cunto karinta oo naga xannibay 1 qol oo aannu ardayda wax ku bari lahaynn caruurta waxaana ku baxaya sida aannu qorshaynay lacagg dhann $8000”

Gunntii iyo gabagabadii waxaa shirkaasi soo xidhay Madaxa mashruucani u qaabilsann hayádda YOVENCO Cabdiraxiim Maxamed Ismaaciil waxaanu ka soo qaybgalayaasha  maamullada iyo guddiyada kula dardaarmay inay Iskuulladood ku dabaqann wixii ay 3 dii cisho halkann ku qaadanayeenn “waxaann idiin sheegayaa inaadd Iskuulladiinna ku dhaqdann kuna ilaalisaann waxyaabihii faraha baddnaa ee aydin halkann ku qaaanayseenn 3 dii cisho ee aann wada jooggnay”

Dhanka kalana Mr Cabdiraxiim waxa uu farta ku fiiqay inay ka soo qaybgalayaashu maannka ku hayaann inaysann hayáddu sidaa ku fasaxaynn balse ay sii wada shaqaynn doonaann waxaanu yidhi “sidaa ku kala tagimaynee waynu wada shaqayndoonnaa maadaama uu mashruucani ka shaqeeyo magaalooyinkaladuwann balse shirr-keennii 3 da maalmoodd halkann innooga socday halkaasuu innoogu xidhanyahay waanadd mahaddsanntihiinn ”

www.Somalihouse.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here