“Annagu Waxaannu Iskuulka u soo Abaabullaa Bulshada Inteeda Labeennta ah” Maamule Iskuul

0
104

Hargeysa (SH)-Qaybta 2-aadd ee hoolka shirka hayádda Yovenco u qabatay in ka badann 140 xubnoodd oo isaga kalayimidd xaafadaha magaalada Hargeysa iskuullada ka jira degmooyinkeeda ayaa galay maalinntii 2-aadd waxaanay daadihiyaha tabo-barkaasi Marwo Raxma Ibraahim u soo bandhigtay ka soo qaybgalayaasha shirkaasi ball inay maamulayaasha duggsiyadu ka warrbixiyaann iyaga ka maamul ahaann iyo bulshada kale xidhiidhka kala dhexeeya gaarr ahaanna cidda ay sida gaarka ah u quseyso baaiyaha Iskuulladaasi sida Dawladda-hoose oo kale.

Maamulayaasha Iskuulladu waxay caddeeyeenn inay Dowladda-hoose ka helaann waxyarr oo aann baddnaynn qaybta arrimaha bulshada ee hoostimaadda Khadar Yuusuf Cali “haa waarunn adeerr Dawladda-hoose waxaannu ka hellaa qalabka nadaafadda iyo biyaha Iskuulka annaguna waxaannu galinnay dadaalbadann iyo annaga oo aann ka daalinn inaannu ku noq-noqonno” sidaa waxaayidhi Cabdi Khadar Maxamed Xuseenn oo ah maamulaha Iskuulka 31 May.

dhkanka kalana waxaa isagu arrintaa ka duwann qaba Oday Amiir Saalax oo ah maamulaha Iskuulka Sheekh Yuusuf Kownaynn waxaanu leeyahay annagu ka Iskuul ahaann Dawladda-hoose waxba noomay qabann markii aannu u tagnayna waxaann majarafado ahaynn oo ay ku caawiyeenna aanu jirin sidaa darteedd waxa uu dhaliilsanyahay qaabka ay Dawladda-hoose uga falcelisay baahiyihii Iskuul-kooda marrkii uu isagu ka Maamule ahaann hordhigay “Adeer anigu Dawladda-hoose waann u tagay waxbana iimay qabann markii-dambana Majarafado ma u baahantahay bay iigu jawaabeenn”Amiir Saalax.

“Marka runta laga hadlayo caruurteenna yar-yar iyo innaguba waxaa laynna moodaa inaynnu dalkeenna marti ku nahay waayo dadka guud waynnu bililiqaysannaa oo qof-qudha oo dalkeenna aaminsann malihinn gaarr ahaann caruuteennii dalkii  ma jeclay innagaana ku dhallay inaynaann lahaynn wax la yidhaado waddaniyadda ee waxaann odhann-lahaa aann dib isugu noqonno” sidaa waxaa tidhi Marwo Fardowsa Yuusuf Yuusuf oo ah maamulaha Iskuulka Faadumo Biixi.

“ilamahayarr haddii la bari lahaa inuu isagu leeyahay sariirta uu ku seexanayo iyo kursiga uu ku fadhiisanayo ee Iskuulkiisa waxbaa iska badalilahaa, markaa waa inaadd waalidow iyo maamulayaalow caruurta ku wacyigelisaann qiimaha waddaniyadda idinnka oo ka soo bilaabaya guryihiinna” Raxma Ibraahim. daadihiyaha bixinaysay tabo-barkaasi.

“Änigu waxaann ka mid ahaa dadkii Xaggaa iyo Jabouti u cararay waxaanann raacay Doonni markii aann Dakadda inyarr u jiro ayuumbaann is idhi war haddii aadd dalkaagii ka cararto xageedd u socotaa saw dal-shisheeya uunn tagimaysidd markiiba halkiibaann ka soo laabtay waxaana isoo celisay waddaniyadda iyo dalkayga oo aann jeclaa darteedd” erayadaa waxaa madasha ka soo jeediyey Oday Axmed Xuseen Khaliif oo ku hadlayey magaca Iskuulka xaafadda Macalinn Haaruunn ee bariga Hargeysa.

Erayadaa kaladuwann ee halkaa laysku waydaarrsaday waxay ka tarjumayeenn sida looga dooday mawaadiicdii ay daadihiya-yaasha bixinayey tabo-barkaasi ee ka socotay wasaaradda waxbarashadu ka soo qaybgalayaasha u soo bandhigeenn.

Dhanka kalana Axmed Cabdi Cawil oo isaguna ka mida macalimiinta wax ka bixinayey tabo-barkaasi waxa uu madashaasi ka soo jeediyey sida mararka qaarkood dhacay inay hayádaha iyo NGO-yadu bulshada deegaannada ay magaalada ka yara fogg ku yidhaadaan waxaannu idiin qodaysaa Suuliyo meell aanay cidiba joogin iyada oo ay jiraann baahiyo ka muhiimsann oo horyaalla bulshada deegaannkaasi balse ay ku qasbaann waxaann lahaynn muddnaannta koobaadd “Hayádaha caalamiga ah iyo NGO-yadu hadd iyo jeerr waxaadd araggtaann inay dadka magaalada ka fogg ula tagaann Suuliyo iyo Iskullo ayaannu idiinka dhisaynaa meell aanay cidiba jooginn taasina waxay ka middtahay qorshe-xumida Hayáduhu sameeyaann” Axmed Cawil.

Mr. Cawil waxa uu intaa sii raaciyey “maamulladiina Iskuullada iyo Guddiyadiinna waxaann idinn leeyahay markay Hay,aduhu idinn yidhaadaann meell aann cidiba daganaynn aannu iskuullo iyo suuliyo i diinka dhisno waa inaadd tidhaadaanbn maya oo baahidiinna dhabta ah aadd idinku hordhigtaann laakiin meell aydaann dagganaynn oo cidlo ah haka yeelina inay kharashkii aadd ku dabooli-lahaydenen baahiyiinna gaarka ah ay ku bixiyaann Suuliyo Miyiga laga qodo” Axmed Cawil.

Mr. Cawil waxa uu dhagaystayaasha  madashaasi u soo bandhigay habsami ugu noolaanshaha goobaha Iskuullada laga dhisayo markahoraba inay lahaadaan oo lagu saleeyo nidaam iyo qorshe ku habboonn nolosha iyo waxbarashada, sida inuu Iskuulku lahaado hawo fiicann isla markaana lahaado Daaqado waaweynn oo ay ardayda hawadu uga soo galikarto qalabka waxbarashaduna u dhamaystirraado “Markahore waxaann ka jawaabaynnaa waa maxay qorshaha duggsiga ee waxbarash?

“Haddaynaann markahore qorshe lahaynn hadhaw ma oganan karro meeshii aynnu ka nimid,  meesha aynnu u soconno iyo hadafka aann leenaha sidaa darteedd markahoraba waa inaadd cidda wax idiin dhisaysa kala qaybgashaann habka wax loo dhisayo oo aadd kuuliga la shaqaysaan oo aadd shamiitada la qooshtaann oo cidda meesha lagu rogayo aadd la ogaataann kuwa iska rogooyinka ciidda ku keena haddiikale dee intay dariiqa iskuulka loo marayo ku rogaann ayey caruurtu ku jajabidoonntaa” Mr. Cawil.

Maalinnta berri ah ayay ka soo qaybgalayaashu markale dibb isugu soo laabann doonaann si ay duruustu halkaa uga soo socoto.

www.Somalihouse.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here