Shirr-waynaha 5-aad Ee Ururrka Qareennada Somaliland Ee Solla Oo Ka Furmay HOtelka Maan-soor

0
315

Hargeysa (SH)-Shirr-waynaha 5-aadd ee Ururrka Qareennada Somalilamd ayaa ka furrmay Hotel-ka Maan-soorr ee Hargeysa, shirrkann oo 2 adii sanaba marr-la qabto oo noqonaya laba qayboodd waxa ay howshu maannta u badanaysaa khudd-bado iyo hadall soo jeedinn taas oo inta badann ka imanaysa xubnaha haddalka lagu qoray ee Qareennada iyo Masuuliyiinnta ka socota Hayádaha xukuumadda Sida Wasaaradda Caddaaladda iyo Taliska Boliska.

Shirrkaasi waxaa ka soo qaybgalay ku-dhawaadd 140 xubnoodd oo isaga kalayimidd goballada dalka oo dhann, waxaana mida hogaannkii maamulka soo hayey 2-dii sano ee la soo dhaafay oo lagu wado inay xilka ku wareejiyaann cidda xilka hogaannka loo doorrto berrito haddii Alla yidhaa, Wasiirrka Caddaaladda Saleebaann Warsame Guuleedd, Xeerr-ilaahaya, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo marti-sharafkale.

Furitaannkii shirkaasi waxaa ka haddlay xubno kaladuwann oo siyaabo kaladuwann uga haddlay  munaasibaddaasi waxaana kamidd ahaa Guddoomiyihii qabann qaabada Ururrkaasi Muuse Yuusuf Maxamed waxaanu ka warramay dariiqadii ay soo marrtay muddadii qabann-qaabada shirrkaasi “sida uu xeerrku dhigayo waxaana magacaabay Guddoomiyaha Ururrka Maxamed Maxamuud Xaashi waxaana na loo diray inaannu isku soo dubbariddno habsami u socoddka qabsoomidda shirrkaasi”

“Muddadii ay hawshaasi socotay koley dee waxbay dadku isku yara qabsanayaann oo dee waxbaa laga yaabaa inay dadka hallkann fadhiya qaarrkoodd sidaa daraaddeedd waxaann ka coddsanayaa qof-kasta oo ay si uunn wax noo soo kala gaadheenn inay nacafido annaguna aannu cafino” Muuse Yuusuf Maxamed.

“Waxaannu ku aas aasnay Mal-caamaddyarr oo uu lahaa Macalinn caann ahaa oo aadd wada garanaysaann oo ahaa reer Hargeysadii-hore maantana halka uu marayo waadd araggtaann  ilaa muddadaa 17 ka sano ee uu soo shaqaynayey” Cabdiraxmaann ilkacase.

Hadda wixii ka dambeeya ururrku waxa uu noqonayaa Waayo aragg waxaanu ku tallmaabasanndoonaa arrimo wax ku ooll ah”ayuu sii raaciyey, Guddoomiyaha Ururrkaasi Maxamed Timo ayaa halkaa ka haddlay waxaanu ka warramay waxyaabihii u qabsoomay qaarrkamida muddadii ay xilkaasi soo hayeenn iyo caqabadihii ka horr-yimidd, waxaa isna madashaasi ka haddlay Guddoomiyaha Dalladda Bulshada rayiddka ah ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaann Warsame waxaanu tilmaamay dareennkiisa la xidhiidha qabsomidda shirwaynahanni waxaannu yidh “waynnu garann-karraa muhiimadda ay Qareennadu u leeyihiinn bulshadeenna waxaana loo baahannyahay inuu waxbadann siijiro Ururrkani lagana shaqeeyo istaraatijiyadd uu ururrkani ku siijiridoono

Waxaann halkan ka ballann qaadayaa inaannu la shaqaynn-doonno ururrni”ayaa yidhi Anwar Cabdiraxmaann Warsame, waxaa isna madasha ka haddlay Guddoomiyaha SONYO waxaanu soo dhaweeyey Shirr-waynahann iyo doorashada berrito dhicidoonnta “waxaann idinku boorrinayaa inaadd shirr-wynahann qabsateenn wixii ka soo baxana waannu la shaqaynndoonnaa haddii aannu nahay SONYO”Guddoomiyaha SONYO.

Cabdisalaam Yuusuf Faarax oo ku haddlayey magaca hayádda UNDP oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaann shirrwaynahann, xidhiidhka soo jireennka ah ee ka dhaxaysa UNDP iyo SOLLA inuu siijiri-doono “anaiga oo ku hadlay magaca UNDP waxaannu soo dhaweynaynaa shirrwaynahann wixii ka soo baxana waxaannu ballan qaadaynaa inaannu sidiihore oo kale ula shaqaynndoonno” Cabdisalaam.

Maxamed Xuseenn Muáddnin oo ku hadlayey magaca ururka Shaqo-qarann waxa uu hambalyeeyey shirrwaynahanni waxaanu yidhi änigu halkann uma joogo kaliya martisharaf ahaann balse waxaann ahay Qareenn waayo waxaann qaatay sharciga qareennimada sanadkii 2000″Muáddinn.

Mr Muáddain waxa uu sheegay markii dalka dib loogu soo noqday inay iska yaraayeenn sharrci-yaqaannadu kuwaas oo badann-koodu maanta innaga hooseeyaann sida uu xusay “1996 oo aanay jirinba maxkamadahanni waxaajiray oo kaliya Golaha Baarlamaannka waxaannu u baahannay qof sharrci-yaqaann ah waana la waayey qofkii loo baahanaa Cadaadd baa waxa uu noo keenay Axmed Cali Kaahinn oo aann isagu sharciga barann balse bartay kaliya Fiqhiga diiniga ah”Muáddinn.

Muáddinn waxa uu si qoto dheerr uga sheekeeyey taariikhda Sharr-ciga Somaliland iyo sidii lagu aas aasay “waxaann u tagay Nin ka shaqaynjiray Hay’ádda UNDP waxaann u sheegay inaannu u baahannahay qof naga caawiya dhinaca sharrciga waxaanu noo keenay Ra’iisul-wasaare  ku xigeennka Somalia oo runntii kamidd ahaa dadkii dhidibada u aasay hayádda sharciga ee Somaliland” waxaann kamid noqday 4 tii xunboodd ee ka qalinjabisay Kulliyadda Sharciga waxaanann tab-barrada ku qaadannay xarunnta UNDP”.

” sadex qodobb uun baann qareennada ku boorrin lahaa 1-inaadd sii wadataann aqoonntiinna la xidhiidha sharrcigann aadd ku shaqaynaysaann,2 inaadd ku shaqaysaann qawaaniinnta Ëthicis” 3- inaadd ku dadaashaann una hagarrbaxaaddn bixinnta qaadhaannka jooggtada ah ee uu Ururrku ku shaqeeyo hana loo sameeyo Address iyo meell-fiicann oo lagala xidhiidho, waxaanan jeclaann lahaa inaadd ka gudubtaann magaca qareennada oo ilaa Baarr-Association”uu u gudbo oo isaga sharrciga laga qaato”ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.

Xeerr-ilaaliyaha Gobalka Maroodijeex Mr. Mawliidd oo halkaa ka hadlay waxa uu soo dhaweeyey shaqada ay hayaann Ururrka SOLLA waxaanu ku booriyey inay ka dambeeyaann hadd-ba hogaannka shaqdaa marrkaahaya “waxaann idinnku boorrinayaa inaadd la shaqaysaann haddba cidda marrkaa shaqada haysa waayo haddii aadd la shaqaynn-waydaann dee iyaguna idiinn dadaalimaayaann”

“waxaadd-tihiinn u doodayaall balse ma timihiinn Qareenno waayo erayga qareenn wuu ka ballaadhanyahay shaqada u doodidda kaliya waxaadd qareenntahay oo kaliya marka uu ku soo dalbado qofka aadd u shaqaynaysaa ” client” erayadaa dhextaalka ah waxaa madasha ku soo dhexgalay Odayhore oo kamidd ahaa dadkii sharrciga Somaliland wax ka aas aasay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaannka Mr Cali Suudi Diiriye oo halkaa ka haddlay waxa uu sheegay inay farrxadd u tahay ka xafiis ahaann inay ka soo qaybagalaann madashani “annaga farrxadd waynnbay nootahay inaann maannta shirrkann idinnkala soo qaybgalo sida uu xeer-ilaaliyaha gobalku sheegayna lex-jeclo badann baa naga haysa SOLLA waanann ku faraxsannahay marr-labaadd shaqada aadd haysaann”Cali Suudi Diiriye.

Wasiirrka Xidhiidka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadann oo halkaa haddlay waxa uu soo dhaweeyey qabsoomidda shirr-weynahani waxaanu tilmaamay inay qareennadu hayaann shaqo wanaaggann oo ay bulshada u hayaann “waa arrinn aadd muhiimm u ah shaqada ay hayaann Qareennadu maanntana waxaa halkann isugu yimidd aqoonntii iyo sharrcigii”Xaaji Aadann.

“shaqadann ay hayaani waa shaqo wanaaggsann cidda halkann lagu doorrtana waxaann ugu ducaynaynaa inuu ilaahay xilkaasi ku asturo” waxaanu intaa sii  raaciyey änngu ka wasaaradd ahaann cidda aannu wehelka ka hellaa waa ururrkiinnann qareenada aad -na waann idiinka mahadd-celinayaa Maxamed Siciidd iyo raggaa kalaba sida aadd noola shaqayseenn, qareennadu waxay shabahaann sida dhakhaatiirrta caafimaaddka oo kale waayo qof-waliba oo idinka midd ah waxaa loo dhiibtay wixii ugu qaalisanaa ee ay bulshadu lahaydd” ayuu yidhi.

Xuseenn Jaamac Bade ku xigeennka Garr-yaqaannka guudd oo halkaa ka haddlay waxa uu ka haddlay ururr ay lahaayeenn oo garr-gaarr la odhannjiray kaas oo la aas aasay 2007 waxa uu sheegay inuu jeclaann lahaa inaysann sharrciyaqaannadu ku mill-minn siyaasadda shaqada ay hayaann oo culus darrteedd balse haddii ay dhacdo inuu qareennku siyaasadda caashaqo waa inuu markahore iska casilaa.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Saleebaann Warsame Guuleedd oo halkaa ka hadlay waxa uu soo afmeeray khudbadihii masuuliyiintii kaladuwanaa ee ka madashaasi waxaanu si waafiya ugu mahadd-celiyey ciddkasta oo shirrkaasi timi waxaanu xusay inay ka wasaaradd ahaa sharafweynn u tahay inuu ka soo qaybgalo shirrkani ïyada oo ay tahay maalinti 1aad ee aann ka soo qaybgalo shirrkani aniga oo wasiirr ah waxaann aadd ugu faraxsanahay inaann ahay wasiirrka ugu bulshada badann waayo marrkiihore waxaann isu haystay inaann ahay wasiirrka ugu daddkayarr balse maannta waxaa ii caddaatay inaann ahay wasiirrka ugu daddkabadann marka aannu Wasiirrka waxbarashada shirrka isugu nimaaddnana waxaann u sheegidoonaa inaanna angu ka dadd-baddnahay”Wasiir Guuleedd

Wasiirr Guuleedd waxa uu si ballaadhann uga sheekeeyey taariikhdiihore ee uu soo maray xilliyadiisiihore ee uu kamiddka ahaa ilaa maamulkii Cigaall xilligii uu Muuse Biixi Cabdi ahaa Wasiirrka arrimaha gudaha taas oo abaallmarinn lagu siiyey shaqadii wanaagsanaydd ee uu bulshada u qabtay “Cigaal baa fadhiyey Muuse Biixi oo xilligaa ahaa Wasiirrkii Daakhiliga iyo Maxamed Xaashi oo ahaa Maayarr-kii Hargeysa ayaa fadhiyay marrkii aann halkaa ka soo jeediyey waxkqabaddkii aann bulshada u hayey ee arrimaha gudaha waxaanan laygusiiyey halkaas abaalmarinn”Warsame Guuleed

Dhanka kalana wasiirrku waxa uu kula darr-daarrmay xubnaha qareennadu inay ka fogaadaann inay ku dhex-millmaann Siyaadadda gaarr-ahaann xiligann oo ay Doorashooyinn dhicidoonaann xiliyada soo socda “waxaann idinnkula darrdaarrmayaa inaadda ka fogaataann oo ay daann ku dhexmillminn siyaadadda waayo hadda waxaa socda olole doorashooyinn marrkaa waa inaadd ka fogaataann dhexgalka siyaasadda waayo shaqadaadd bulshada u haysaann baa ka waynn” ayuu ku soo gaba-gabeeyey khudd-baddiisii.

Qaybtii 1-aadd ee khuddbadihii shirrwaynahaasi ayaa halkaa ku soo xidhanntay waxaana loo guddbay xubnaha qareennada loo qaybiyey nuqullada xeer-hoosaadka Ururrkaasi ka dib marrkuu murann iyo buuq ka dhashay qaabka loo soo xulayo xunbaha shirrguddoonnka shirrkaasi hagaya  muddada 2 cisho ah ee uu shirrkaasi soconayo, waxaana si waynn loogu dhagg-taagayaa doodaha dabmbe ee maannta galinnka danbe iyo ilaa berrito sida habsamida leh ee uu shirrweynahaasi looga rajaynayo inay looyarradaasi maadaama ay yihiinn daddkii ku midoobay aqoonnta sharrciga (Unite to the law professiona)

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here