Xafladd Ballaadhann Oo Lagu Taageerayey Musharraxiinnta Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi iyo Baashe Cabdi-gaboobe Oo lagu Qabtay Hotelka Maan-soor

0
68

Hargeysa (SH)-Munaasibadda Xafladda ku dhawaaqidda labada Musharrax ee  Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi Cilmi (Golaha Deegaannka Hargeysa) iyo Baashe Cabdi Gaboobe (Golaha Wakiillada) ayaa lagu qabtay Hoolka waynn ee Hotel-ka Maan-soor, munaasibadda xafladdaasi oo ahaydd midd si quruxbadann loo soo agaasimay isla markaana ay ka ay musharraxiinntan isku lamaani si wadajira halkaa khuddbado kaladuwann uga soo jeediyeenn, waxaa ka soo qayb-galay Kumanaann ka mida dadweynaha Deg-mooyinka 26 June iyo Ibraahim Koodd-buur.

Taageerayaasha labadann Musharrax ee ka sharraxann Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ayaa subaxdiihoraba subaxdiihoraba soo buux-dhaafiyey kuraasta madasha Madall ill-yartu is qabatay oo Gacall iyo sokeeyaba aann loo kalahadhinn, iyaga oo sare u ruxayey Astaannka Calann-ka Xisbiga Ucidd sacabka iyo mashxaradduna ay ahaayeenn kuwo laga maqlayey gudahah iyo dibaddaba.

Odayaasha dhaqannka,waxgaraddka, dhalinnyarada iyo siyaasiyiinnta beesha ay labada jeedaann labada musharrax oo ku lebisann astaannta Xisbiga Ucidd ayey igana Kaamiradaha wax duuba iyo indhuba qabanayeenn kuwaas oo dhinacyada ka fadhiyey kuraasta loogu talo galay inay fadhiistaann labada musharrax ee Baashe Cabdi-Gaboobe iyo Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi Cilmi.

Ka horr inntaanay madasha soo xaadirinn waxaa daddweynihii madashaasi ka soo xaadiray heeso waddani ah ku soo maaweeliyeynayey kooxaha buslada u qaabilsann maaweelada iyo qoobka ciyaarka kuwaasi oo madasha ku soo bandhigay heeso si weynn u ruxay dareenka taageerayaashii Musharraxiinnta isku lamaann.

Dadka sida weynn looga yaqaanno Somaliland ee Xafladdaasi ka soo qaybgalay waxaa kamidd ahaa Ex-wasiirrhore Maxamed Xaahi Cilmi oo Adeerr u ah Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi (Musharraxa Golaha Deegaannka iyo Professor Cabdisalaann Yaasiinn, yo Yuusuf Cabdi-gaboobe oo ay walaalo yihiinn Musharraxa Baashe Cabdi-gaboobe. Iyo qaarrkale.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ya hareero socdaann  labada musharrax ee isku sidd-kann ayaa markii ay soo galeenn madasha shirkaasi wawxaa marr-kaliya madasha isla ooggsaday Sacabb iyo mash-xaradd lagu soo dhaweynayey Musharraxiinnta iyo Guddoomiyahooda.

Furitaannkii Xafladdaasi waxaa ka haddlay xidhiidhiyihii barrnaamijkaasi waxaanu yidhi “waxaann idiinnsheegayaa inaann soo gaadhnay bilawgii xafladdeenanna oo ah ku dhawaaqidda labada musharrax ee Yaasiinn Cabdullaahi Xaahi iyo Ismaaciil Cabdi Gaboobe oo loo yaqaanno Baashe oo ka sharraxann Xisbiga Caddaaladda iyo darryeelka ee UCID” “aniga oo Xisbigann UCID kaligay joogay Muddo dheerr waxaa maannta sharafwaynn ii ah inay maannta Xisbiga igula soo biireenn Musharraxiinta Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi iyo Baashe Cabdi-gaboobe”sidaa waxaa yidhi Jiirr Cali Madoobe.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirrkiihore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi waxaanu ka warramay u jeeddada madashann quruxda badann loo qabtay waxaanu xusay inay tahay maalinn weynn oo taariikhda lagu xusidoono waxaanu yidhi “maannta waa maalinn-weynn oo qiimo-badann waxaanann kula dardaarrmayaa labada Musharrax inay ku taaggnaadaann dariiqada toosann”

Waxaa Iyana madasha xafladdaasi ka hadashay Sucaadd Carrmiye Odawaa oo ka mida Dumarka Musharraxiinnta ah  ee u ordaya Kuraasta Golaha Deegaannka Gobalka Maroodijeex waxaanay sheeggtay inay soo dhaweynayso dhinaceeda musharraxiinnta isku sidd-kann ee Xisbiga UCIDD “manata aniga sharafweynn bay ii tahay inaann madashann ka soo qaybgalo waannan soo dhaweynayaa musharraxnimada Yaasiinn Cabdullaahi Xaasii oo aann doonayo inuu mustaqball dhaba oo wanaaggsann ka sameeyo sum-cadda iyo bilicda caasimadda Hargeysa oo aadd maannta araggtaann sida ay u taallo” Sucaadd Carrmiye Odawaa.

Waxaa isna halkaa ka haddlay odey Maxamuud Cismaann oo ka tirsann waxgaraddka qurrba-jooggta ay dibadaha ku raagay waxaanu yidhi “waa marrkii iigu horreysay oo aann madall-sidann oo kale ah ka haddlo laakiinn maannta waxaa isoo dhaqaajiyey labadann musharrax oo ah nimann aann aqoonn fiicann u leeyahay oo aann is leeyahay waxbadann bay ku soo korrdhinn-doonaann Somalilanad” Oday Maxamudd Cismaann.

Waxaa isna madashaasi ka haddlay Professorr Cabdi-salaann Yaasiinn waxaanu ka haddlay dareennkiisa la xidhiidha musharraxiinta loo xafladaynayo waxaanu yidhi “Baashe iyo Yaasiinn waxaann filayaa inay wax badann ka qabann doonaann cabashada caruuraha iyo mustaqbalkii dalka ee la dayacay maadaama ay innooga kala sharraxannyihiinn Golayaasha Deegaannka iyo Wakiillada waxaanu sidaa Professorr ku sheegay Gabay oo ku luuqaynayey Afka Carabiga kaas oo macnihiisu ahaa sidann aann xaggasare idiinku soo qoray.

“waxaann idiinnsoo jeedinyaa dadweynihiinna farahabaann ee reer Somaliland inaadd coddkiinna siisaann Baashe Cabdi Gaboobe iyo Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi”Professorr Yaasiinn.

“waar anigu xafladdaydii shaacinnta musharraxnimadayda waahoraann qabsaday laakiin sidann oo kale dadku uma baddnaynn waayo maannta dadka halkann isugu yimi dee Mallyann kamayara”sidaa waxaa yidhi midd ka mida musharraxiinnta kale ee sharraxann Xisbiga UCIDD oo ka haddlayey dareennkiisa xafladdii Yaasiinn iyo Baashe.

“Ädeer Xafladaha musharraxiinntu way badannyihiinn  balse waann odhannkaraa maannta tani waxay dheerrtay laba arrimoodd oo kala ah dadweynaha farahaale ee aadd arkayso inay soo buux-dhaafiyeenn Hoolkii weynaa ee qaadayey 5000 kun ee qof iyo xamaasadd ka muuqata taageerayaasha labada musharrax”sidaa waxaa yidhi odey dareennkiisa si hoose ugu sheegay Shabakadda Somalihouse.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Raíisul-wasaare ku xigeennkiihore ee Somaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib waxaanu soo dhaweeyey ku dhawaaqidda labadann musharrax oo ay isku xaafadd ka soo wada  jeedaann (isku qoys) waxaanu yidhi “waxaann soo dhaweynayaa Ismaaciil Cabdi Gaboobe (Baashe) oo ka sharraxann Golaha Wakiillada iyo Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi oo aann si leeyahay labaduba waxay waxbadann ka badalidoonaann muuqaalka uu leeyahay Gobalka Maroodijeex waayo uma baahininn maannta reerr-heball iyo meellhoose ballse waxaann u baahannahay inaann dooranno dadkii maannta wax ka badall ku samauynn lahaa muuqaalka bulshadeenna”Maxamed Cumar Carte.

Waxaa isna halkaa ka haddlay Musharraxa Golaha Golaha deegaannka Yaasiinn Cabdullaahi Xaashi Cilmi oo ku soo lebistay astaannta Xisbiga UCID waxaanu dadweynihii madashaasi niyadda ugu qaboojiyey inuu wax-ka baddall ballaadhann ku samaynn doono muuqaalka ay maannta leedahay Hargeysi waxaanu  intaa ku daray inuusann ahaynn ninn siu soo sharraxay inuu ka shaqaysto bulshada tabaarta darann ee maanta hanntidoodii lagaga uruurrsaday dariiq aann sax ahaynn, ballse uu dhiniciisa ilaahay ka baryayo hadduu umaddann khayrr u yahayna inuu ilaahay xilkaa ku soo saaro oo ku garabb-qabto haddii aanu khayrr u ahaynna ilaahay sida khayrka waafajiyo “maanta waxaadd arkaysaann islaamihii danyarta ahaa shilimaaddkii yaraa ee laga qaaday in lagu shubtaya jeebado gaar ah iyo meelo aann munaasibb ku ahaynn markaa anigu waxaann ka damqaday foolxumada Caasimaddeennii Hargeysa iyo silica iyo saxariirrkka haysta dadkii dannyarta ahaa waxaanann idiinn ballann qaadayaa inaann idiinku adeegidoono aqoonntayda”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa yidhi “waxaann samaynn doonnaa xafiis gaara oo u furan cabashada dadweynaha Gobalka Maroodijeex waxaannan rajaynayaa coddkiinna isiinn-doonntaann sidaann idiinnku adeego haddii aatihiinn dadkii dannyarrta ahaa “Musharrax Yaasiinn Xaashi Cilmi.

Musharraxa Golaha Deegaannka Hargeysa Yaasiinn Xaashi waxa uu sheegay hadduu xilkaa ilaahay ku guuleeyo inay dadka shacabka gaarr ahaann kuwa dannyarrta ah ee ku ganacsada dariiqyadu ay helidoonaann nafis xorriyadeedd iyo inay ganacsigooda u maaraystaann siday doonaann iyaga oo aann habayaraatee Ciidannka Dawladda-hoose ee hadda dhibaatada badann ku haya ka nabadd-galidoona sharkooda isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa haddalldiisii kamidd ahaa “shacabka reer Hargeysa gaarr ahaann kuwa danyarta ah ee dariiqyada dhinacooda ku ganacsada waxaann u sheegayaa inaanay jiridooninn inaann Maalinn Arbaco oo dambe aannay ciidamada Boolisku caydhsann-dooninn KAAR-YOONE-YAASHIINNA”

Waxaa isna halkaa ka haddlay Musarraxa Ismaaciill Cabdi Cabdullaahi oo ku magic dheerr Baashe Cabdi Gaboobe waxaanu halkaa ka soo jeediyey khuddbadd aadd u qiimo badann taas oo kuraasta ku xajisay dadweynihii dhageysanayey waxaanu halkaa musharraxu ka ga dhawaaqay ballann-qaadyo kaladuwann “maanta waxaann u taaganahay inaadd coddkiinna isiisaann oo Golahaa Wakiillada aadd igula dadaashaann inaann ka midd noqonno Hogaannkiisa sare”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “waxaann isku dayidoonaa inaann Kursiga Madaxweynaha saaridoono Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Muusana hayqamlee maannta arrintaa iga yaadhsiiya”  Musharraxa Golaha Wakiillada Baashe Cabdi Gaboobe.

Ugu damnbeynntii waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxaanu ka warramay kaalinnta labadann Musharrax iyo wax yaabaha uu ka filayo inay ku soo kordhinn-doonaann Xisbiga UCID iyo guudd ahaamba buslada gobalka Maroodijeex waxaanu yidhi “maannta waxaa sharafweynn ii ah inaann goobjoogg u ahaado Xafladda Musharraxiinnta Yaasiinn Cabdullaahi Xaasi Cilmi iyo Baashe Cabdi-gaboobe oo ka soo jeeda dadkii aniga I dhalay ee Nuux Ismaaciil oo 2001 markii aann aas aasaynay Xisbigann UCID ahaa dadkii nala aas aasay ee dhidibada noola aasay” Faysal Cali Waraabe.

“ceebbay innagu tahay innaga oo ka soo jeeddna dadkii aas aasay magaaladann Hargeysa inay maannta 5 Madaxweyne oo inna soo maray ka dibb maannta caasimaddeennii muuqaalkaa leedhay, ballse waxaann rajo weynn ka qabaa inaynnu UCID ahaann innagu nahay dadkii badali lahaa muuqaalka foosha-xunn ee ay maannta leedahay Hargeysa” Cali Waraabe.

Dhanka kalana waxa uu ka hadlay Guddoomiye Waraabe dhibaatadii maalintii shalay Jumcihii ka dhacday Caasimadda Somaliya ee Muqdishu waxaanu tacsi u diray dadkii ku waxyeelloobay iyo ku wii ku dhintayba “waxaaann halkann tacsi uga dirayaa dadkii ku waxyeelloobay  muddaaharaaddkii ay qaarrna ku dhinteenn qaarrna ku dhaawacmeenn dadkii reer Muqdishu waxaanann leeyahay dhinacyada ku loolamay halkaasi inay u naxariistaann shacabka oo ay nabadda ka shaqeeyaann”

Gabagabadiina waxa uu hadalkiisa ku yidhi “dadka reer Somaliland waxaann leeyahay haddii aanay Hargeysa iyo Burco israacinn haddii aanay Boorama iyo Beberi israacinn qarannkeennu midoobimaayo marka dambana sidaa Somaliya oo kale uunbaynu ku dambeynn”

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here