Sahankii Raage, Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

0
79

Sahankii Raage, Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Hordhac

Muxaadaradii uu dhawaan jeediyey macallin Raage ayaa dadka, intii ay gaadhay oo dhan xiiso gaar ah u samaysay. Si ka fog sidii uu filayey, dad badan ayay dhaqaajisay.  Sida lexejeclada iyo aftahamada leh ee macallinku arrimo masiirri ah u lafaguray ayay dad badani u madax ruxeen. In kale oo door ahi, sidii uurkubaalaha wax uurkooga jiifay, intuu dooxay inuu bannaanka soo dhigay ayay u qaateen.

Iyada oo laga duulayo falcelinta togan ee ka dhalatay kullankaas dadweyne ee hore, ayaa caawana macallin Raage, madal bulsho oo furan lagu martiqaaday. Marti sharafta ugu mudan ee mar kale loo dhego taagayaa waa isla Raage. Ka soo qaybgalayaashu, badi waa dad kullankii hore seegay, balse hadalhaynta hadhi wayday ay soo kicisay. Qaar kale waa saaxiibo cusub iyo la-dhacsanayaal kullankii koowaad ka dib macallinku kasbaday.

Madashu, inkasta oo tii hore ay ka ballaadhan tahay, ka bilan tahay, kana boqran tahay, haddana Raage isagu boholyow gaar ah uma qabo.  Sababtu tahay, duqu, dabci ahaan waa qunyarsocod aan soo muuqashada faraha badan jeclayn. Kama helo in indhaha dadku ku soo wada jeedsadaan. Ma rabo inuu lumiyo xorriyadda aasaasiga ah ee uu hadda ku naaloonayo. Dooni maayo inuu ku dhaco dabinka dibadyaalnimada, waxba aanay kuu dhawrranayn ee caannimada ku lammaan. Bulshada inuu iskaga dhex qarsoonaado, marka ay munaasib ula muuqatana, intii tamartii ah, hadal iyo ficilba uu dadka taro, ayaa qorshe ahaan u dajisan. Inuu aad bulshada uga dhex muuqdo, wuxuu ka doorbidaa inuu dadkiisa iska dhex socdo. Yeelkiise, qormadii ‘Sahanka Raage’ iyo qaar ka danbeeyey ayaad moodaa inay bannaanka u soo saarayaan. “Nin durbaan tuntay, ilaaq dalbay” murtida ku tiraabta, inay xaalkiisa maanta sifaynayso ayuu arrin hadda ula muuqdaa. Sidaa darteed, codsi dad u hanwayni kala joojin waayeen ayaa macallinka caawa madasha keentay.

Xaaladda Geeska

Si kastaba, faaqidaad iyo fallanqayn ka dib, waydiin iyo warcelin ayaa la gudo galay. Bilawgiiba, ruux inuu isagu muxaadaro jeedinayo iyo inuu su’aal waydiinayo la kala garan waayey ayaa codbaahiyaha qaatay. Xidhiidhiyihii ayaa hadalka ka dhexgalay, ka codsaday inuu su’aasha ku soo dhawaado, isku celcelin dabadeedna weydiinta meesha ka soo baxday waxay noqotay sida Macallin Raage u arko dagaalka Itoobiya iyo xaaladda gobolka ku soo korodhay.

Qodobkani inaanu caawa marna madasha ka maqnaanayn, odaygu waa iska sii malaynayey. Ha yeeshee, hadalkaba waa lagu bilaabi isma uu lahayn.

“Markaan maqlay dagaalka gudaha Itoobiya ka dhacay, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku qaaday qayb ka mid ah isla Itoobiya” ayuu jawaabtii ku bilaabay.

“Waxaan soo xusuustay dhibtii ay diyaaradaha Xabashidu na soo gaadhsiiyeen”, ayuu ku sii daray. Isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegay, in waxa ay nagu sameeyeen nimankaasi aanu ahayn wax la ilaawi karo; dagaal sokeeye oo gobolka ka qarxaana, wax lagu farxo aanu ahayn.

Wuxuu yidhi, waxaan soo xusuustay tuduc ka mid ah maansadii Ergo ee marxuum Gaarriye Allah ha u naxariistee:

Abeesaa laga sheegay,

Markaan aadmiga fiirsho,

Aargudaan is idhaa,

Markaan Eebe jaleecanna,

Awlaadsaan is idhaa;

Wuu sii waday oo waxa uu ku daba ladhay, ‘Imika in la kala adkaaday ayay u muuqataaye, waxaan ka jeclaa, iyaga oo isku mashquula, hore u kala bixi waaya, ka dibna dunidu u gurmato. Ciidan Soomaali ah, koofiyad buluuglayaal ah, nabad ilaallin u socda oo Maqalle iyo Baxardaar fadhiisimo ku leh, jeclaan lahaydaa naftu inay aragto.’

Halkaas marka uu marinayo ayay madashii sacab iyo or isla oogsatay.

Wuu sii wadaa oo waxa uu leeyahay, waxaan si xeeldheer u fahmi lahaa aayaddaha Quraanka ah ee inoo sheegaya sida ayaamuhu isku gedgediyaan, aadamuhuna marar kala duwan, kaalmo kala duwan u qaato. Hooseeye sarree ayaa xaaladda koobsan lahayd.

Intaas markii uu yidhi ayaan iswaydiiyey, hadda miyaanu aayaddaas wadaadku fahamsanayn. Haddana waxaan xasuustay markii Nebi Ibraahim CS, uu yidhi “Rabbi i tus sida ka dhintay aad u soo noolayso”.

Eebe waynena SWT, waa kii su’aallay ee yidhi “Oo miyaanad rumaynin? Nebi Ibraahim CS isna waa kii ku jawaabay, “Waan rumeeyee, wuxuun baan rabaa inaan qalbiga ku dajiyo”. Sidaas oo kale, ayuun buu tusaalaha uu macallinku calmaday qalbiga u sii xasillin lahaa, ayaan iskugu caqliceliyey.

Tahriibka

Ruux haweenay ah, da’ joogta, midhaa wiilal ka tahriibeen, illinta xajin la’ oo rafaad ka muuqdo ayaa waydiisay dhibaatada tahriibka sida looga gudbi karo.

Erayo qalbiqaboojin u ah hooyadaa qalbigeedu wiilasheedii raaceen inta uu waxoogaa ku dheeraaday ayuu u soo degay dhibta arlada taal. Wuxuu iftiimiyey ciilka iyo culayska ay leedahay marka wiil ugu yaraan labaatan sanno lagu soo tabcayey oo loo hanweynaa, goorta uu jaamacad ka soo baxo ay suuqa isku soo baxsadaan. Qorshe qof, mid qoys iyo ku qaran {oo baahida ka jawaabaya}, dhinacna hubaashii iskuma hawlin. Cidna uma maqna, ceelna uma qodna. Jaangoyn midha-dhal ah oo dhallinta lagu jihaynayo waligeedba cidi lama shir iman. Dhallintuna, inay rag doobinaya qabyaalad ku kala raacaan ma ogiye, waar maxaa inoo dan ah abidkood ismay waydiin. Natiijadii waa ta noqotay suudal, sibiq-dhaqaaaq iyo is-biimayn.

Dhallinyarooy, fadhigan fadhi uga noqda. Inta camal la’aani halkaa idin dhigtay, inta arrinxumo ishaa idiin yeeshay ayaan ka yarayn, haddii aanay kaba badnayn, ayuu ku doodayaa. Inaanay dantooda guud si u wada arag ayuu ku sii axadhayaa. In reernimo gaajo leh, ay wadajir dhereg leh ka doorbideen ayuu ku sii xoojinayaa. In shaqo shaadh cad kaliya la wada raadinayo, mid farsamo oo lacag badanna, in shisheeye looga dhaqaaqay ayuu carrabka ku sii adkaynayaa.

Ta xukuumad ahayna, sida aad dhallinta muruqooda iyo codkooda ugu harraad qabto maalinta aad ku guurayso, mustaqbalkoodana, waad kartaaye ugu hagarbax, ayuu maamulkana u soo jeedinayaa.

Qorsheyaal iskutashi, daacad laga yahay, barbaarta u deji, jihee oo ugu yaraan rajo u abuur.

Ugu danbayn, wuxuu leeyahay laba shay haddii la xoojiyo, cid dalka ka cararaysa, xataa iyaga oo xaaladdu ku adag tahay, la heli maayo. Waa iimaanka iyo wadaniyadda.

Fursadaha Shaqo

Waydiin mawduucan aan ka fogayn ayuu su’aalayaa wiil aan is idhi malaha fursado hore ayay qolyo qurbojoog ahi ka boobeen. Wuxuu warsaday sababta fursadaha kooban ee soo baxa, qurbajoogtu ugu cidhiidhyaan. Astaraajigii (qiyaastii istaraateji ayuu ka wadaaye) laga yeelan lahaa ayuu waydiinayaa.

Marka laga yimaad fursado si gooni ah qurbojoogta loogu xidhay, sida kuwo lagu sheego in aqoonta dalka dib loogu soo celinayo, wixii kale, intaan ogahay tartan ayay u furan yihiin. Waxaan qabaa in ruuxu isku kalsoonaado, dadaallo oo Alle talo saarto. Asalkaba, kartida iyo aqoontu kuma xidhna qofku halka uu ka yimid iyo jaamacadda uu ka soo baxay ee waxa asalka ahi waxa weeyi awooda iyo kartida shakhsiga ah. Marka intaas laga yimaad, dadka dibada ka imanaya shaqooyinka haddii ay u tartamaan ceeb maaha, waxase habboon in xilalka iyo shaqooyinkan intaan lagu tixin lagu xidho shardi ah inay wadanka muddo cayiman (ilaa 3 sanno) joogeen, si ay xog ogaal buuxa ugu noqdaan waayaha dadka iyo dalka.

Doorashada

Gabadh caddaankeeda aan markii hore ruux shisheeye u qaatay, balse markii ay hadashay aan ku baraarugay inay hablihii wadanka tahay ayaa weydiin u hollatay. Waxay tidhi raggii doorasho ayay isku soo wada sharaxeen, daacadnimo, aqoon, karti, hufnaan, sinaan iyo cadaalad nagu doortana waa la soo wada shir tageen. Ku darsoo mid la soo jirabay oo xilgudashadiisii hore la og yahay ma jiro. Arrinkaas sidee looga gudbayaa?

Su’aashaas in la i waydiiyo aad baan ugu faraxsanahay, ayuu jawaabta ku bilaabayaa isaga oo aad moodo inuu waydiintan raagsaday.

“Runta marka aan ka hadlo, werwer weyn baan ka qabaa doorashooyinka soo socda”, ayuu ku sii xigsiinayaa.

Arrinka cabsida igu hayaa waxa weeyi, bulshadii oo aad u sii kala qoqobantay, furfur bulsho oo imika aan dhibba loo arkin, qabyaaladdii oo dastuur wax lagu soo xullo inay noqoto la isku raacay iyo doorasho aan reernimo waxba uga hooseyn.

Ku darsoo, waxa muuqata inaan waxba laga baran duruustii la soo maray. Dariiqii lagu jabay ayuun baa wali dabada la hayaa, saa reer waliba nin wax soo dhicin kara (hadda maaha mid bulshada wax tari kara) ayuu is hor wadaa. Waxa caado la qabatimay inoo noqotay in maalmahan oo kalena yaa reer hebel wax la qaban kara wax lagu saleeyo, muddo dheerna cataab iyo calaacal la weheshado.

Nimanka aad sheegtay ee halkudhegga isku wada midka ah boodhadhka ku soo xardhay, waxay ogyihiin in kalmadahani aanay warqadda lagu qoray dhaafsanayn, tigidhka kursiga geyn karaanna yahay: reernimo, lacag iyo balan afka baarkiisa ah. Intaasi marka ay xil kuu goyn karaan, waliba si degdeg ah, karti iyo hufnaan maxaa looga baahan yahay?

Mar walba qofaf wanaagsan waa la helayaa, waxase aan ka dardaarwerinayaa, waa inta badan iyo saansaanta muuqata. Marka xaal sidaa yahay, ruux kasta oo isbeddel barakaysan naawilayow, candhuuftaada dib u liq.

Marka aan isla soo miyirsano, een isla fahanno in dheefta u badani danta guud inoogu wada jirto ha inoo ahaato. Markaas ayaan isla faaqidaynaa bartilmaameedyo leh halbeegyo cadcad oo la cabbiri karo oo sal u noqda doorashada dadka aan maanta hadyad u siinayno inay ku galgashaan mustaqbalkeena iyo ka ubadkeena. Inta ka horaysa, haddii aad degdegsan tahay, waxaan kugula tallin lahaa inaad akhrisato buugga Dan iyo Dareen, cutubka 3aad, qormada 22aad ee cinwaankeedu yahay: “Dawlad Hoose, Dan iyo Dareen”.

Ugu danbayn, siba si ayay dhaantaaye, si kasta oo loo talo-xumaado, waa la ladan yahay inta arrin gacanta kuugu jirto, inta amnigaaga aanad shisheeye marti uga ahayn; inta, ayaandarro, lixdan sanno ka dib, xaal dhaafi la’ yahay diin god gal, god goray gal, goray god gal, god diin gal.

Halkaas ayuu kullankii dadweyne ku soo xidhmay. Saaxiibkaygii aan isku cag dari jirnay ayaan annaga oo jidka sii hayna ku idhi, su’aashii u danbaysay ee gabadhu waydiisay, rajo xummo weyn ayay abuurtaye, malaha inuu odaygu sidaa niyadda inooga dilo ma ahayn.

Kuye dee ma in been lagu gu maaweeliyo ayaad ka jeclayd; waxa uu sheegayaa, waa dhabe.

Maya, xitaa inuu waxoogaa yididiillo ah noo abuuro wuu diiday, ilayn dadka dalka joogaa wada quus maahee.

Waa runtaa, dadku waxmatarayaal ma wada aha, laakiin waa daawadayaal fiican oo sidii wax ay amuurahanni shaashaan ka dhacayaan ayay shaashada uun kala socdaan.

“Waar habeen wanaagsan, adiga ayaanba ka sokeyn duqii aan la yaabanaaye” ayaan saaxiibkay ku sii sagootiyey.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Hoos ka ka akhri qaar ka mid ah maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud:

www.Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here