Machaddka Xifdiga Qur’aanka Iyo Culmuumtiisa Oo Abaalmarinn Guddoonnsiiyey Ardaydii Ku tartamay Qur’aanka

0
156

Hargeysa (SH)- Maamulka sare ee Machaddda Xifdiga Kitaabka Quráanka iyo Barashada Culuummtiisa ee Alfowz Ayaa todobaaddkiihore dhamaaddkiisa maalinntii Khamiista ahaydd ayaa soo banndhigay muuqaallo quruxbadann iyo aqoonn is huwann, kuwaas oo ahaa boqolaal kamida ardayda dhigata Machaddka Alfowz.

Munaasibadda xafladd si quruxbadann loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Huteel-ka Nasiye ee Degmada Maxamed Mooge,waxaana xafladdaasi oo ahaydd midd lagu soo bandhiyey natiijada tartankii Xifdiga quráanka ee dhawaann uu qabtay Machaddaasi iyo sidii ay Ardaydii kaalmaha sare kaga yashay tartannkaasi u kala sareeyeenn.

Sheekh Cabdurraxmaan Yuusuf (Diggle)

Munaasibaddii Xafladaasi oo si meeqaamsare leh loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay Maamulkasare ee Machaddaasi, Macalimiinta,Waalintiinta,Ardayda wax ka barata Maxhaddaasi qaybahooda kaladuwann sida kuwa dhigta, gelinkahore,gelinka dambe iyo Habeenka qaybtiisa hore ee fiidka iyo qaybtiisa dambe ee Salaadda Subax kadibd.

Ka hor inntii aanay bilaabann khudbadihii kaladuwnaa ee ay maamulka iyo martisharafka iyo waalidiinta iyo Ardayduba halkaa ka soo jeediyeenn waxaa la soo bandhigay muuqaalladii ardaydaasi oo si quruxbadann inta loogu soo lebisay haddana safaff dhaadheerr isu garabb jooggsaday, barxaddahore ee Garoonka Kubadda lagu ciyaaro ee Maxamed Mooge, waxaanay indhuhu qabanayeenn dadweyne kaladuwann oo indhaha la soo raacayey daawashada muuqaalladii ardayda faraha badann ee madashaasi lagu soo bandhigay iyo Warbaahinntii kaladuwanaydd ee baahinayey xafladdaasi oo la raac-raacaya Kaamiradaha wax duuba.

Furitaankii Xafladdaasi waxaa ka hadlay Maamulaha guudd ee Machaddka Alfowz Sheekh Cabdillaahi Sheekh Ibraahim Aw-cali,waxaanu Sheekhu ka warrbixiyey ujeedada ay xafladdani u qabteenn waxaanu yidhi “waxaannu  maanta halkann ku soo bandhigaynaa natiijada tartannkii ardayda Machaddka Alfowz ee aannu dhawaann u qabannay ardayda dhexooda si aannu kor ugu soo qaaddno fahammka ardayda iyo heerkooda wax barashada ee Xifdiga Kitaabka qu’raanka kariimka ah”

Maamuluhu waxa uu intaa sii raaciyey”maanta waxaadd halkan ku arkidoontaann ardaydii tartannkaa ka qaybgaadatay oo aannu runtii kala saari-kariwaynay markii aannu dhinacwalba ka eeggnay” sidookale waxa uu maamuluhu ka warbixiyey arrimaha la xidhiidha Machaddka iyo Ardayda dhigataba waxaanu sheegay tirada guudd ee ardayda Machaddka Alfowz inay u baarka hore la galeenn 500 oo arday “ardayda Machaddka Alfowz hadda waxay madaxahore la galeenn 500 oo ah qaybaha kaladuwann ee aann xaggasare ku soo sheeggnay”Maamulaha Alfowz.

“Mahcadku waxa uu u taagannyahay inuu soo saaro jiill dhalinyaro ah oo ku barbaara Diinta gaar ahaann xifdiga Quáanka kariimmka ah iyo culuummtiisa sida Tafsiikiisa iyo Tajwiidkiisaba taas oo aannu ugu talogallay inaanay ardayda culeys ku noqonn haddhaw inay haddana meelo kale u raaddsadaann barashada Tajdwiiddka oo ah culuumm gaar ah oo la xidhiidha sida loogu haddlo quráanka”Maamulaha Alfowz.

Ardayda munaasibaddaasi loo qabtay waxay ku tartameenn

1-20

2-15 Juz

3-10 Juz

4-5 juz

5 -2 juz

6- iyo 1 halka Juz waxaana kaalinta 1-aadd gashay— oo ahaydd gabadhii innoo akhrinaysay khuddbaddii luuqadda Carabiga ee sida quruxda badann innoogu soo diyaariysay” Maamulaha Alfowz.

Masuuliyiintii halkaa ka hadashay waxaa kamidd ahaa midd kamida waalidiinta xafladdaasi lagu soo casuumay waxaanu ka warramay kaalinnta dhinaca waxbarashada gaar ahaann Xifdiga Quráanka kariimmka ah ee uu Machaddka Alfowz kaga jiro kor u qaadidda Kitaabka Kariimka ah ee bulshada reer Maxamed Mooge “maannta waxaadd arkaysaann quruxda ubaddkeennii yaryaraa ee innoo soo baxayey cizziga iyo sharafta ka muuqata wajiyadooda taana waxaynnu ku gaadhnay waa ilaahay ha barakeeyee Maamulaha Machaddka Alfowz iyo Qur’kaa uu innoogu dhigayo caruuraheennii”

Sheekhu waxa uu tilmaamay waxyaabaha looga baahannyahay waaliddka dhalay caruurta wax  ka baranaysa Machadkaasi waxaanu xussay inay iyaga kaalinntoodu tahay 2 arrimoodd waa middahoree inay inay maamulka iyo Machaddka la garab istaagaann sidii ay caruurtoodu wax ku barann lahaayeenn oo ah inay ogaadeenn xaaladaha waxbarasho ee ubaddkoodu ku sugannyihiin isla markaana hadd iyo jeerrba kormeeraann caruurtu inay si fiicann wax u baranayaann iyo innkale, tann 2-aaddna waxa weeye inaad waalidow ogaataann in uu Machaddku ku jiro Guri kiro ah loona baahannyahay inaynnu isku taggno oo aann Machaddka u iibinno dhull u leeyahay waxaannan rajanaynaa xafladdann teeda kale ee ku xiggta inaynnu isu nimaaddno iyada oo Machaddku helay dhull uu leeyahay oo aann kiro ahaynn”Sheekh Maxamed Abiib (Daaciga)

Waxaa iyana halkaa Anaashiidd Islaami ah oo aadd u macaann isla markaana dadkii madashaasi fadhiyey qaarkoodd indhohooda il-mo ka keenntay halkaa ku soo bandhigay qaar ka mida ubax yaryar ee soo karaya ee Hablaha Machaddka waxaana la arkayey boqolaallkii qof ee madasha fadhiyey oo sacabb iyo mash-xaradd madashu isla ooggsatay markii ay dhameeyeenn Anaashidda.

Ardayaddii tartankaasi 20 Juz kaalinnta 1-aadd ka gashay — ayaa ka horr inntii aann halkaa lagu guddoonnsiinn abaallmarinntii ay muttaysatay oo ka koobnaydd Kitaabka Quráanka kariimmka ah iyo Bashaqadd aannan anigu eegginn wixii lagu soo qariyey balse aann is leeyahay kolleyba lacagg-baa ku jirtay waxay masraxa la fuushay codd-baahiyaha waxaanay halka ka soo jeediysay Khudd-badd ku baxaysay luuqadda Carabiga fasiixa ah oo ay si layaabbleh halkaa ugu dull akhriday dadweynihii mdaasha fadhiyey, waxaannay Khuddbaddii Gabadhaayari soo jeedatay dareennka iyo quluubta daawadashaasii madasha xaadirka ku ahaa.

Xubno kale oo iyana kamidd ahaa Marti-sharafta iyo mudanntii xafladdaasi lagu soo casuumay ayaa halkaa ka soo jeediyey erayo kaladuwann oo taabanyey dareennka daddweynihii kaladuwanaa ee lagu soo casuumay munaasibadda xafladdaasi waxaana ka mid ahaa erayadii martida iyo mudanntu soo jeediyeenn “xaafaddeenna Maxamed Mooge waxay ilaahay faddlkigiisa ku heshay Machaddkann Alfowz oo isaga ka horr inntii aanu ilaahay innookeeninn aynaann haysann meell ay caruuraheennuu ku bartaann xifdiga qur’aanka kariimmka ah oo waliba watta qaybtii Tajwiiddka sidaa darteedd waxaann leeyahay maamulka iyo Machaddkaba ilaahay haynoo barakeeyee waa inaann innaguna garabb istaaggnaa oo aann ogaannaa xaaladdann adagg ee  lagu jiro duruufaha dhaqaale ee Machadku ju jiro si gaara aann u ogaanno xaaladda dhaqaale ee Machaddka”

Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Cali

Sheekhu waxaa kale oo uu waalidka ku waaniyey inay ka warrhayaann da’yartooda ay dhaleenn iyo akhlaaqdooda gaar ahaann Hablaha oo ay tahay inay waaliddku la socdaann marka ay baxayaann meesha ay tagayaann iyo sidookale dharka ay xidhanayaann marka ay baxayaann “Waalidka waxaann u soo jeedinayaa inay ogaadaann dhalinyaradeennu xaaladda ay ku sugannyihiinn muuqaall ahaann iyo akh-laaq ahaannba, waana inn aann ka warhaynaa marka ay baxayaann meesha ay tagayaann iyo dharka ay ku baxayaann intaba”

Waxaakale oo uu sheekhu ka sheekeeyey qiso dhexmartay qaarkamida Hablaha Xaafadda Inamooge oo horey uga midd ahaannjiray kuwii Maddaarista islaamiga ah wax ku soo bartay balse ka gadaall saaqiday oo xagga xumaha u leexday, halkanna aynaann ku faah-faahinn karinn qisadaas oo dhamaystirann iyo sidii ay u dhacday anshaxa suubann oo aann ilaalinaynno darteedd.

Maamulaha Shabakadda Somalihouse Xadiis oo isaguna ka midd ahaa masuuliyiintii lagu soo casuumay munaasibadda xafladdaasi waxa uu ka hadlay Darajaaddka lagu gaadho barashada qur’aanka kariimmka ah iyo ku camall-falkiisa,waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay marka qofku dhinnto sida uu Xadiiska Nabi Muxammed Nabadd galiyo iyo Naxariisi kor kiisa ha ahaatee innoo sheegay inn uu qofkaa camalkiisu go’ayyo waxa kaliya ee aann ka dhamaanaynna ay kamidd yihiinn 3 arrimoodd. 1-Sadaqo Jaariya ah sida ceell uu qoday,dhull uu u waqfay ilaahay dartiisa sida Masaajidd uu dhisay,Dhull lagu barayo dadka Diinta sida Madaaris iyo wixii lamida iyo cillmi naafaca oo uu dadka baray iyo haddii uu ka tagay qofkaasi Ubadd saalixiinn ah oo wann wanaaggsann isla  markaana waaliddkoodd u soo duceeya ka dibb marka ay dhinntaann.

Gaba-gabadiina waxaa halkaasi abaall-marinno kaladuwann lagu guddoonnsiiyey Ardaydii tartannka qur’aanka kaalmaha sare ka gashay iyada oo maamulka sare iyo Macalimiinta qudhooduna halkaa ku heleenn haddyado kaladuwann oo ay u soo xidheenn labeennta Hablaha Machaddka wax ka barta, waxaanay kaamiraduhu qabteenn Macalimiinnta iyo Maamulka sare oo Guddoomaya Hadiyadahaasi.

www.Somalihouse.com

Somalihouse1@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here