Madd-rasadda IQRA ee Xifdiga Qur’aanka Oo Shahaadooyinn Guddoonnsiisay 102 Arday Oo Baratay Qur’aanka..

0
81

Hargeysa (SH)-Munaasibadda lagu maamuusayey Xafladda qalinjabinta dufcaddii- 4-aad oo ka baxay Madrasadda IQRA ee xifdiga Kitaabka Ilaahay ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa.

25- arday waxaa la siiyey Ijaazada- Kitaabka qur,aanka kariimka ah iyadoo guudd ahaann tirada maanta qalinjabisay ay dhamaayeenn 102 Arday oo wiilall iyo Hablaba isugu jiray.

Munaasibadda Xafladdaasi oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka iyo Macalimiinnta Madrasaddaasi,Mudanayaal ka tirsann Golaha Wakiillada,Culimada waaweyn ee Hargeysa qaarkamida,waalidiinta iyo ardayda maanta shahaadada la siinayey,furitaankii Xafladdaasi waxaa ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan Aw-axmed oo kamida mashaa’ikhda waaweyn ee caanka ah, waxaanu xusay sheekhu muhiimmadda ay leedahay in la barto Kitaabka Qu’aanka kariimka ah, waxaannu bulshada ku boorriyey inay xill-waynn iska saaraann barashada Kitaabka kariimka ah “waxaa ilaahay mahaddii ah meelkasta oo ay joogaanba inay bulshada bulshada Somaliyeedd wali ku taagannyihiinn ilaalinta kitaabka kariimka ah”

Dhanka kalana Sheekhu waxa uu soo jeediyey in la sameeyo jawi-saamaxaya in bilaash laga dhigo barashada Qu’aanka kariimha ah si ay bulshada oo dhami u noqoto dadkii Qur’aanka “waxaann soo jeedinayaa in la sameeyo duruuf-saamaxaysa in Qur’aanka barashadiisa bilaash laga dhigo” Sheekh Cabdiraxmaan Aw-axmed.

Zaki oo ah wiilyar oo dad’diisu tahay sanadkii 9-aadd oo kamid ahaa dadkii ka hadlay xafladdaasi waxa uu madashaasi ka soo jeediyey erayo koob-koobann oo si weynn u soo jiitay indhaha iyo quluubta daawadayaashii xafladdaasi waxaanay madashii xafladdaasi markaliya isu badashay dareenn iyo sacabb- iyadoo waliba la arkayey inn-badann oo kamida dadkii daawanayey xafladda oo dhoolaha ka qoslaya “magacaygu waa Zaki waxaann si sharafleh idiinku soo dhaweynayaa madashann waxaanan idinka rajaynayaa sidaann idiin soo dhaweynayo oo kale inaadd idinkuna ii soo dhaweysaann” Sacabka iyo mashxaradda ayaa is-qabsaday markii uu inankaayari ku dhawaaqay erayadaas iyo qaarkale.

Koox-dayar oo si quruxbadann loogu soo lebisay oo Gabdho ayaa iyana dhinacooda madasha ku soo bandhigay ANAASHIIDD  ay ku luuqaynayeenn codd-macaann iyada oo qaarkalana ay soo bandhigeenn dareenn ay ku cabirayeenn sida wanaaggsann ee ay wax u barteen gaar ahaann in lagu ababiyey Diinta Islaamka “waxaad ii sheegtaann Asmaada-ilaahay waa imisa” waa 99 magac” erayadaasi waxay ahaayeenn su’aalo iyo jawaabo ay isugu hall-celinayeenn ubixii yaryaraa ee ay maanta soo bandhigtay Madrasadda Iqra.

Gabayaa dhalinyaro ah isla markaana kamidd ahaa ardaydii horey uga baxaday Madarasaddaasi Iqra ayaa isaguna gabay cajiib ahaa oo ka sheekaynayey Qur’aanka iyo barashadiisa halkaa ka soo jeediyey.

“Xaqiiqada markaad eeggto hantida dhabta ahi waa Qur’aanka barahsadiisa iyo ku dhaqankiisa waxaanann idinn leeyahay waalidku caruurta hagu dadaaleenn inay baraann Kitaabka qur’aanka ah” sidaa waxaa yidhi midd kamidd ah waalidiintii lagu soo casuumay xafladdaasi.

Wasiirka xidhiidhka golayaasha Maxamed Xaaji Cilmi oo kamidd ahaa masuuliyiintii ka hadashay xafladdaasi waxa uu sheegay inay farxadd-weyn u ahaydd inuu madashaasi ka soo qaybgalo waxaanu yidhi “waxay aniga ii tahay farxaddweynn inaann idinkala soo qaybgalo munaasibaddann qiimaha badann ee lagu waynaynayo kitaabka ilaahay xifdigiisa iyo qaybaha kale ee barashada shareecada Islaamka”

Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “waxaann sidookale u mahadd-celinayaa maamulka IQRA iyo waalidiinka iyo Macalimiinta soo saaray ubaxaa quruxda badann ee maanta horteenna fadhida” Wasiir Maxamed Xaaji “anigu horta sheekh ma ihi laakiinn waxaann Culimada ka maqlay iyagoo sheegaya Xadiiska NNNKH ee odhanaya dadka quraa’nka bartay waa dadkii ilaahay taas-saana maanta qurux iyo wanaagg-ba innoogu filann”

“Guusheennu waxay Aakhiro iyo Aduunba ku jirtaa ama ay taallaa innaga oo baranna Kitaabkeenna qur’aanka ah,waxaanann idinku dardaarayaa inaann dhamaannteennba ilaalinno warshadda ugu qiimaha badann aduunnka oo ah Maddaarista lagu baranayo Kitaabka Qu’raanka kariimka ah” Wasiir Maxamed Xaaji Cilmi.

“Amniga haddaynaann suginn Diinteenna barann-maynno waxaannan idinn odhann lahaa haddii aynaann ku dhaqminn Kitaabka Qur’aanka ah”

Wasiirku waxa uu sheegay inay Macallimadda Madd-rassaddni IQRA ay mudanntahay inaann ugu ducaynno abaal-na uga dhiggno warshaddaa quruxda badann ee ay innoo soo saartay iyada oo aann ogahay inay jiraann 2 kale oo Walaalladeedd ah oo Hablo ah oo iyaguna sidann oo kale soo saartay warshaddan (Ardayda) waxaannan leeyahay ilaahay hakaa abaal-mariyo ubaxaa aadd noo soo saartay”

Sheekh Alimis Yaxye oo kamidd ahaa culimadii madashaasi ka hadashay waxa uu sheegay inay assal-tahay in cauurta yaryar ee baratay qur’aanka inn lala ciido oo waalidka,Martida intuba ay fadhiyada noocann oo kale ah ku raagaann oo aanay masuuliyiintu markiiba ka kicinn” Sheekh Almis.

“Danta 1-aadd ee laga leeyahay barashada Kitaabka ilaahay waxaa kamidd ah inn uu isbadall ku yimaaddo ilmahayarr ee qur’aanka la barayo” Sheekh Almis.

Sheekhu waxa uu tusaale u soo qaatay wiilyar oo 2 macalinn lahaa midi waxa uu ahaa midd xunn oo saaxirr ah midna waxa uu ahaa macalinn wanaaggsann oo waxa uu barijiray diinta Islaamka, dhanka kalana waxa uu macalimiinta Madd-rasadda IQRA kula dardaarmay inay caruurta wax-baristooda u hagarr-baxaann “waxaann rabnaa inaann qaadno xilkii Saxaabada oo kale oo ay caruurtu innagu farxaann markay inna arkaann” Sheekh Almis.

Waxaa halkaa ka hadashay maamulaha guudd ee Madd-rasadda IQRA Marwo Basra Salaabaann waxaanay mahadd ballaadhann u soo jeedisay Macalimiinnta iyo Waalidiinnta IQRA waxaanay tidhi “maanta waxaann halkann u fadhinaa abaalmarinta ardaydii dhamaysa qur’aanka kariimka ah” Maamulaha Guudd ee Madd-rasadda IRA Marwo Basra Saleebaann, waxaanay tidhi “ardaydann waxaa kamid ah 25 arday oo la siiyey jaa’izadda iyo 102 arday oo qur’aaka dhamaysay waxaanann higgsanaynaa inaannu inn-kayar 8-biloodd arday qur’aanka ku soo diyaarisay”

“Waalidka waxaann leeyahay waa inaadd Ubaddka wakhtiga u ilaalisaann,inaadd ka ilaalisaann waxyaabaha dhaawacay maskaxda caruurta ee ka bash

“ugu dambeynna waxaann waaliddka odhann lahaa inaadd ilaalisaann caruurteenna ilaahayna waxaann idiinka baryayaa inuu u naxariisto kuwii anna qur’aanka na soo  baray ee halkaa na soo gaadhsiiyey idinkana ilaahay idinka dhigo kuwii Qur’aanka dadkiisii  noqda” Sheekh Almis.

Ugu dambeynntiina waxaa halkaa shahaadooyinnkii ay mutaysteenn lagu maamuusay ardaydii ka qalinn-jabisay Madd-rasadda IQRA ee Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah.

Maamule Basra waxay sheegtay inaysann Maddaarista qaarkoodd lahaynn ama aysann wax ka dhiginn dadd aqoonn fiicann u leh arrimaha Diinta Islaamka isla markaana aanay Macallimiinta qaarkoodd siininn ardayda iyo waxann ay u dhigayaann toona ahamiyadd-waynn waxaanay taasi sababtay inay goobihii Waxbarahada Diiniga ahi noqdeenn meelo aanay ka muuqannin dadaall iyo Ixtiraam toona “Macallimiinta wax ka dhiga Maddaartista Somaliland guudd ahaann waxaann leeyahay isbaddal badann sameeya oo yaanay Maddaaristu noqonninn sidii Xafiisyadii Xisbiyada Siyaasadda oo kale ee ninkii doonaaba kanna ka tagijiray kaa kalana u tagijiray”

www.Somalihouse.com

Somalihosue1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here