Xafladd lagu maamuusayey qaybtii 3-aadd ee Buugga Hormarka Yoolasha Waara oo lagu Qabtay Hargeysa

0
142

Hargeysa (SH) -Munaasibadda xafladd balaadhann oo lagu soo bandhigayey Daah-furka Buugga hormarka Yoolasha waara (the sustainability Development Goals) ayaa lagu qabtay Hotelka-Maan-soor ee Hargeysa,Munaasibaddani oo ahayd midd iskalahaydd qiimaheeda maamuuskeeda waxaa ka soo qaybgalay Qoraaga Buuggaasi Gaas oo ka midd ah dhalinyarada sida weyn loogu tuhunsanyahay aqoonta casriga ah ee dunida lagu maamulo, raxann ka tirsan Golaha Wasiirrada xukuumadda Somaliland, sida wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, Wasiirka maaligashiga Mr, Cawadd, Wasiirka Isgaadhsiinta Dr—- Suusfi, wasiirka shaqada iyo arrimaha hormarinta Marwo Hinda Xirsi Gaanni, Wasiirka hormarinta arrimaha deegaanka Marwo Shukri Xaaji Bandare.

Dhanka kale waxaa Iyana sid weynn uga soo xaadiray munaasibaddaasi habdha bushada rayidka ah uu Masuulka Buuggann qoray ka tirsannyahay.

Tann iyo muddadii sida rasmiga ah loo daah-furay sannaddkii 2018 goortaas oo Xadadd tann oo kale ahaydd si baaxaddleh loogu sacab tumay,Guugga hormarka Yoolasha Waara waa markii 3-aad oo dibb loo soo daabacay waxaana dhawaann la soo daabay 5000 oo xabbo oo lagu soo bandhigay isla madasha xafladdaasi ka dhacaysay ee Hotelka Maan-soor.

Xidhiidhiyihii barnaamijka xafladdaasi Cabdi Jabaar Saleebaann Daahirr Afqarshe waxaanu mahadd ballaadhan u celiyey dadkii ka qayb-qaatay qabsoomidda xafladdani waxaanu yidhi “waxaann ugu horreyn halkann uga yeedhayaa Axmed Cabdi Maxamed oo ku haddlayey maga Hiil-presss waxaanu yidhi “waxaann u mahadd-celiayaa walaalkeenn qoraaga buuggani Cabdiraxmaann Gaas oo maskaxdiisa galiyey siduu innoogu sharxilahaa aduunyaann horey u martay”

Waxaa isna halkaa ka hadashay Maariya Cabdillaahi Gahayrradlaysay magaca isbahaysaga Yoolka 16-aadd iyo kuwa la hal-maala waxaanay xustay inuu qoraaga Buuggani ka qayngalay shirar heer calami ah si uu u qaado farrinta Somaliland islamarkaana u gaadhsiiyo dadd-yowga horey ugu tallaabsaday sidaana waxaa sheegtay Maariya Gahayrr.

Qoraaga Buuggann Mr Gaas iyo Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa la gartay inay sidii Banner ahaann uga sheekeeyaann nuuxurka Buuggani loo daabacay iyo sababaha keenay.

“17 qodobb oo koob-koobann ayaa markii ugu horreysay lagu soo qoray Hormarka Yoolasha waara waxaana la soo raaciyey 169 bartilmaameedd iyo 232 Halbeegg- waana daabacaaddii 3-aadd oo dib loo soo daabacay” A-Gaas.

Qoraagu waxa uu sheegay in uu markiihore qoraalladiisa sidii sheeko ahaann ugu soo daabicijiray Wargeyska Geeska Africka ka dibna markii ay qoraalladiisii gaadheenn 19 maqaalinay dadkii ka codsadeenn inuu ka dhigo Buugg ay dadku akhristaann”markiihore waxaann ku daabicijiray Wargeyska Geeska Africa laakiin markii ay sheekadii qoraalladaasi marayso 19 maqaall ayaann go’aansaday inaann u badalo buugg maadaama ay dadkii jecleysteenn” A.Gaas.

“waxaa ii muuqatay inaynu samaysanno qorshe aanay ciddkale innagu daba taaggnaaninn sidaa darteedd ayaanan ugu soo daanbacay luuqaddeennii hooyo” A. Gaas

Xidhiidhiyihii barnaamijkaasi sidookale waxa uu Dr Sacad waydiiyey sida ay Dawladdu u waafajinkartaa qorashaheeda Miisaaniyadeedd nidaamka Hormarka Yoolasha waara, waxaanu yidhi”marka hore waxaann jeclahay inaann hambalyeeyo Cabdiraxmaann Gaas sida geesinimada leh ee uu tunka ugu rittay inuu qoro Buuggani waayo inaadd buugg qortaa maaha wax fududd iyo midda 2-aad oo ah  inuu waliba buuggann innoogo soo daabacay luuqaddeenii-hooyo” Dr Sacad Cali Shire.

“waxaann jeclahay inaann dooddayda ku ekeeyo halkeebaynu taaggannahay manta,halkeebaynnu u soconnaa maxaannse higsanaynaa sideebaanse ku gaadhi karraa halka aann higgsanayno”

Dhanka kalana waxa uu sheegay inay dadka Somaliland 57% ay ku noolyihiinn nafaqadarro sidaana waxa uu ka soo xiggtay daraasadd la sameeyey, sidoo kalana 37 % inaanay guryaha ka sootoosinn dad shaqeeya,sidookale dhanka waxbarashadana 41% inay yihiinkuwo aann waxna akhrin waxna qorinn” Dr. Sacad Cali Shire

Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu seegay bulshada reer Somaliland in 30% in ka badan laga biilo dibadda,taana waxa uu sababteeda ku sheegay inay tahay aqoonn-darrada “arrinta kale ee dhibaataa innagu haysaana waxay tahay innaga oo ay innagu adaggtahay daynn-qaadashadu oo ayna dadkeennuu fursadd u helin dhaqaale ku filinn waxaana wali aadd u hooseeya wax soo saarkeenna oo xaggii beeraha iyo wax soosaarkii baa innagu yaraaday” Dr.Sacad Cali Shire.

Caqabadaha kale ee bushada reer Somaliland hortaagani waxay tahay dadkii oo aann u bislaynn shaqooyinka qaarkoodd sida shaqooyinka hoos-hoose sidaana waxaa sheegay wasiirka maaliyadda waxaanu yidhi dhibaatada kale ee taa ka sii darani waxay tahay iyada oo aanay dadkeennii u bileynn shaqooyinka qaarkoodd shida shaqooyinka hoose oo dhalinyardeennii marka ay jaamacadaha ka soo baxaann waxay doonayaann inay markiiba helaann xafiis quruxbadann oo qalabaysann”

“innagu waxaann u baannahay inaann iska gaashanno dhinacyada Dawladda, Ganacsatada iyo Farsamada Gacanta” dhanka kalana waxa uu sheegay Wasiirka maaliyaddu in loo baahannyahay inay dadkufahmaann ilaalinta deegaannka sidaa darteednna lamaga maarmaan-tahay sidii ay dadku u ilaalinn lahaayeenn deegaannka nadaafaddiisa sababtoo ah qof-waliba hadduu  nadaafadda ka ilaaliyo dhiniciisa waxay qayb ka qaadann lahaydd hormarkeenna iyo bilicda dalkeenna” Dr.Sacad Cali Shire.

Qoraa Cadiraxmaan Gaas iyo wasiirka maaliyaddu markii ay dhamaysteenn talo soojeedintoodii waxay dadkii madashaa ka soo qaybgalay halkaa ka soo jeediyeenn su’aalo cul-culus oo badannkoodu ku wajahnaa Wasiirka Maaliyadda waxaanay 2-da masuulba su’aalihii la waydiiyey uga jawaabb celiyeenn si hufnaann iyo aqooni ku dheeh-naydd “horta Hormarka aann sheegayno waxaa ka muhiimsann nabadd-galiyada waayo haddii  aanay nabadi jirinn dee hormarkuna ma jirayo”

Waxaana kamidd ahaa su’aalihii la waydiiyey Wasiirka in wasaaradda waxbarashada loo kordhiyo qoondada kaga soo hagaaggta miisaaniyadda Dawladda si ay ugula dagaallamaann jahliga isla markaana loo fidiyo aqoonnta iyo dhinaca wasbarashada.

Waxaa Iyana halkaa ka hadlay saraakiil ka kala socday shirkaaha gaarka loo leeyahay “aniga caawa farxadd gaara ayey iitahay Cabdiraxmaan Cismaann Gaas-na wuu ku maaddsannyahay inuu innoo soo faah-faahiyey Buugga hormarka Yoolasha waara,shirkadda HAAS haddii aannu nahayna waxaannu garabb istaagidoonnaa maalgashiga iyo hormarka dalka ka socda Buuggani la soo bandhigay caawana waxaannu ka qaadann-doonnaa 100 xabbo waxaannan gayndoonnaa goobaha waxbarashaa” sidaa waxaa yidhi masuul-sare oo u hadlay shirkadda Haas Petroleum

Waxaa isna halkaa ka hadlay Xuseenn Xasann oo uhadlay Premier Bank, sidookale waxaa isna halkaa ka hadlay sarkaal u hadlayey shirkadda TAKAFUL waxaanu sheegay inay lagama maarnaantahay in lala dagaalamo Gaajada taas oo ah masiibada ugu weynn ee hortaagann hormarka Geeska Africa gaar ahaann dadka ku hadla Afka Somaliga.

Jaamac Muse Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu Buuggani soo bandhigayo aqoonnta bulshada si loo gaadho hormarka ladoonayo in la gaadho sidii lagu gaadhi lahaana waa in la raaco waddooyinka uu qoraaga Buuggani innoo jeexay waayo waxaann u baahannahay wax soo saar taasina waxay ku xidhantahay aqoonta oo aann ku dadaallo” Jaamac Muuse Jaamac.

Bahda Jaamacadaha dalka oo Iyana maasha banndhigga Buuggaasi ka soo qayb-galay waxaana kamidd ahaa masuul u hadlayey Jaamacadda Adna University waxaanu sheegay in uu Buugani diiradda saaray qoraalladiisa qaybo  kamida waxarashada iyo sidii loo hormarin lahaa.

Nafiisa Yuusuf oo ku  hadlaysay magaca bulshada rayidka ah gaar ahaanna magaca Dalladda Nagaad waxay sheegtay inay Yoolashu yihiinn wax uu aduunka oo dhami isla qaatay, waxaanay sheegtay inay ka qaybgashay goor siihoreysay ajande lagaga hadlayey hormarka yoolasha waara, qoraaguna wuu ku mahadsanyahay inuu innoo diyaariyey buuggii balse innagaa laynooga baahanyahay inaann ka faa’iidaysanno” ayey tidhi Nafiisa Yuusuf.

Khadra Cumar Xasan oo ah Guddoomiye ku xigeenka Nagaadd waxay sheegtay inuu qoraagu yahay nin da’yar oo dhalinyaro aqoonyahan ah waxaanay sheegtay inay bogaadinayso qoraagann da’dayar “Caawa waxaan halkan ka bogaadinayaa qoraaga da’dayar Cabdiraxmaan Gaas oo ah nin dhalinyaro ah balse waxaan odhan lahaa ball qormooyinkaaga dambe Haweenkana wax kaga soo darr” Khadra Cumar Xasan.

“anigu caawa laga bilaabo waxaann ku riyoonayaa sawirka halkaa idiinka muuqda ee quruxdabadann “intay gacanta ku fiiqday sawirka Buugga Hormarka Yoolasha waara”

Marwo Yaasmiin Maxamed Kaahin oo Iyana halkaa ka hadashay waxay sheegtay inaanay wax sahlann ahaynn adiga oo ah arday waliba diyaarinaya jaamacadda heerka 3-aad ee PHD inaad hadana qorto Buugg sidan oo kale qiima badan Cabdiraxmaann Gaas-na aad buu ugu mahadsanyahay inuu innoo qoray Buugg waliba afkeennii-hooyo” Yaasmiin Maxamed Kaahin.

Xogg-hayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay dhibadantahay iyada oo uu qofku gaajaysanyahay inuu hormar kale ka fikiro “ tan iyo intii ay jirtay Somaliland waxaa laga hadlayey dadkii way shaqo-la’yihiin waxaanan xukuumadda ku boorrinaynaa inay raadiso xogg iyo dariiqo kale oo lagaga bixikaro shaqo,la,aanta, balse waxa uu xusay in uu wasiirka maaliyaddu ku saxsanaa in uu yidhi “dalna kuma hormari karo mucaawino-yar oo dibadaha laga siiyo”

“bal-horta waxkalaba haynoo dambeeyee xukuumaddeenuu ma awoodi kataa inay innaga nadiifiso qashinka dariiqyada yaalla oo innaguna aynu ku garab istaagno sidii howshaa looqaban lahaa” Khadar Xuseen

“Masar iyo koonfurta Kuuriya 20 sano ka hor isku meelbay joogeenn haddana Siday u kala tageen iyo koonfur kuuriya heerka ay  marayso waadd la socotaan inay kamidd-tahay 20 waddann ee dunida ugu dhaqaalaha badan iyo heerka ay maanta Masar rafanayso” Khadar Xuseen

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay markiihore dadka miyaga ka yimaaddaa inay jeeblayaal noqonjireenn balse maanta kii soo dhaa-dhacaba waxa uu bilaabayaa shaxaadd sida uu sheegay Mr Waraabe.

“barigiihore dadkeenna miyiga ka soo dhaadhacaa waxay noqon jireenn markay magaalaa soogalaann oo dhaqaale abuurijireenn balse maanta waxaa innaga inna kharibay bahalkan shaxaadka la yidhaado”Waraabe.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”anigu wali intaan Somaliland joogay maan aragg nin wasiira oo intuu soo istaago yidhaada aniga qorshaha wasaaraddaydu waa inaan dhishaa intaas oo school iyo intaas oo waddooyin ah”

“hadda 45 daqiiqo Ayaan u soo socday ilaa Gurigeygii iyo Maan-soor waayo waddo ma haysanno haddana intaa in legg baann dibb u siisocone nabadd-geliyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Wasiirka maalgashiga Mr Cawadd waxaanu qoraaga Buuggani Cabdiraxmaan Gaas ku ammaanay dadaadlkiisa faraha badan iyo sida uu wakhtigiisa u farsamaysto isaga oo arrimahaa  ka hadlayeyna waxaa haalladiisii  kamiidd ahaa “Caawa waxaan ku faraxsanahay inaann idinkala qaybgalayo xafladda banndigga buugga saaxiibkay Sheekh Cabdiraxmaan Gaas waayo idinku Cabdiraxmaan uunbaad u taqaanaane waa sheikh,waana ganacsade,waana arday,waana Aabe reer iyo Xaasleh haddana itaas oo dhan isaga oo haya ayuu haddana buuggaa inoo soo diyaariyey” Wasiir Cawadd.

Waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dr Cabdi Suufi waxaanu xusay marka laga hadlayo hormarka iyo qorshaha lagu gaadho hormarkaasi inay lagama maar-maantahay in kor loo qaado Wasaaradaha sida waxbarashada,Beeraha iyo deegaanka taas oo lagu hormarinn karo kaabayaasha dhaqaalaha, waxanay ka wasaaradd ahaann isku keeneenn dadka ku shaqeeya xirfadda ICT isla markaana ay dhawaan isku keenidoonaann dhamaann dadkaasi oo dhann.

Dhanka kalana waxa uu sheegay Wasiirku inay qorshaha ugu jirto in laga faa’iidaysto farsamada casriga ah ee Tiknolojiyadda si loogu adeeggsado arrimaha keena hormarka yoolaha waara taas oo qayb-ka noqonaysa kobaca dhaqaalaha iyo horusocoddka muuqaalka bulshada.

Waxaa Iyana halkaa ha hadashay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Gaani waxaanay sheegtay inayku faraxsantahay xafladdan qiimaha badann ee lagu daah-furayo markii-3aadd Buugga Hormarka Yoolasa waara waxaanay mahadballaadhan u celisay qoraaga Buuggani Mr. Gaas”waxaann u mahadcelinayaa qoraaga Buuggani oo ah nin da’yar oo aqoonyanan ah Cadiraxmaan Cismaan Gaas oo caawa laga bilaabo aynnu u aqoonnsanayno inaann ugu yeedhno magaca ah “qoraa Cadiraxmaan Gaas” ayey tidhi Mar Hinda Gaanni.

“aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda qoyska iyo arrimaha bulshada waxaannu qaadanaynaa 100 xabbo waxaann geyndoonnaa goobta lagu kaydiyo buugaaggta” laybareeriga ay wasaaraddu leedahay”

Waxaa gaba-gabadii xafladdaasi ka hadashay wasiirka deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare waxaanay xustay sida dadkii kale ee ka horreeyeyba kartida iyo aqoonta uu leeyahay qoraaga buugga Yoolasha Hormarka Yoolasha waara Mr. Gaas waxaanay tidhi “Cabdiraxmaan Cismaan waa nin dhalinyaro ah oo haddana wali waxa uu diyaariyaa Jaamacadda qaybta 3-aad ee PHD haddana waxa uu innoo noqday Safiirkii Deegaannka  maadaama uu Buuggiisa ku qoray qaybo kamiddah deegaanka”

 

Somalihouse.com

Somalihouse1@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here