Axmad A. Alqasimi, www.facebook.com/SH-Axmed-Alqasimi WALAALO IS NACAY: QISO QAAYO LEH

0
71

Axmad A. Alqasimi, www.facebook.com/SH-Axmed-Alqasimi
WALAALO IS NACAY:
QISO QAAYO LEH
Labo nin oo walaalo ahaa baa aad isu jeclaan jiray, waxkastana heshiis
ka ahaan jiray, wanaag bayna kuwada dhaqan jireen. ilaa uu maalin soo
dhex galay khilaaf adag, khilaafkiina wuu sii adkaaday, doodiina way
dheeratay. kadibna dhawr todobaad baa lakala aamusay, lakala jeedsaday, xiriirkiina
kala goay.
Kadibna walaalkii weynaa baa keensaday Injineer, wuxuuna ku yiri dhinaca kale
waxaa degen walaalkay yar, wuuna i xumeeyay, i cebeeyay, xiriir kanagiina wuu kala
goay. Waxaana rabaa inaan tusiyo inaan xanuujin karo, oon ka aara goosan karo.
Ee fadlan ii dhis darbi dheer oo nakala xira, si aana mar danbe wajigiisa u arkin.
Injineerkiina wuxuu yiri; waxaan kuu dhisi derbi kaa farxiya, ee isii waqti. wuxuuna
siiyay qalabkuu u baahnaa oo dhan, hal todobaad buuna ka tagay oo safray.
Wuxuunayimid Injineerkii oo dhismihii dhameeyay, lakin waxaa arin yaable noqotay,
inuusan dhisindarbikala xira, eeuu dhisayBuundo xiriirisa guryaha labada walaalaha
ah.
isla markaa waxaa soo orday walaalkii yaraa, wuxuuna uyimid walalkii, xabadkana ku
qaaday, kuna yiri; waxaad tahay walaal aan la heli karin, anoo aad kuu dhibay ayaad
dhistayBuundo ina xariirisa… sharaf bay ii tahay inaan kuu ahaado walalkaa kaa yar,
oo aad kuu jecel… labadii walaal oo ku farxaya heshiiskiina Injineerkii ayaa qalab
qaatay, si uu uboxo, labadii walaala waxay ku dheheen; sug sug shaqokale ayaan kuu
haynaa… insa wuxuu ugu jawaabay; inaan idin lajoogo/ idin la farxo waan jeclahay
lkn waxaa isugaysa inaan dhiso Buundooyin kale oo badan… Hadaba ma noqon karaa
kuwa buundooyin dhisa, oo aan dhisin derbiyo umada kala gooya, kala xir xira?
Ma noqon karnaa kuwa umada isu keena oon kala gaynin, kala fogaynin, isku dirin… Ma
noqon karaa kuwo Khayrka fidiya, dhisa, fura, badiya, shartana xira, yareeya,
فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم …nabartay waxay Diinteenu? ladagaalamaya
Rabbi kacabsada dhexdiinana wanaajiya (islaax sameeya) iyo inaan ku ducaysano
لف بين قلوبنا وأ ْصلح ذات بيننا ّ اللهم أ ……markasta
markasta oo walaalo is nacaan, waxaa dhaca dib u dhac, guul daro, burbur iyo jab
dhinac kasta ah, maxayeel shaytaanka ayaa ku farxa, cadaawaha ayaa sii afuufa,
isku sii dira, xumaantooda oo dhana banaanka keena… Hadaba su´aashu waa;
meeqadarbi ayaan dhisnaa ama dhismahoodakaqayb qaadanaa?
Maku fikiraa inaan dhisno buundooyin ay khayr wada
yaashu maraan, Umada/ walaalaha isu soo celiya, isu soo
dhaweeya, khayrka iyo islaaxa albaab u fura?
Axmad A. Alqasim

www.Somalihouse.com

Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here