Dhallinyarooy, Yaan Dhinaciina na Looga soo Dhicin! Faallo: Xuseen Cali Nuur

0
122

Dhallinyarooy, Yaan Dhinaciina na Looga soo Dhicin!

Faallo: Xuseen Cali Nuur

 

Qarni kasta wuxuu leeyahay dhaqankiisa, siyaasaddiisa, mabaadii’diisa, istaraatijiyaddiisa iyo hadafkiisa.Qarni kastaa wuxuu leeyahay qaab fulineed ka duwan qarniyada kale. Waxa uu qarni kastaaba ka kale kaga duwan yahay hadba arrimaha uu ahmiyadda iyo mudnaanta saaro.

Sannadkan 2020, waxay Somaliland si wayn uga xustay sannad-guuradii 60-maad ee heeryada gumaysigii Boqortooyada Ingriiiska ee dhawr iyo sideetan sannadood nidaamka loo yaqaan ilaaliye ama protectorate ku xukumaysay Somaliland. Waxa kaloo sannadkan Jamhuuuriyadda Somaliland xustay sannad-guuradii 30-aad ee aan gobonnimadeena iyo xoriyadeena kala soo noqonnay dalka Soomaaliya; dalkaa oo maanta aad arkaysaan xaaladdiisu halka ay marayso. Taliska haystaana uu burburinayo dalkii Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysanayey dalnimadiisii.

Xuska sannadkan, wuxuu i xasuusiyey dhaqankii awoowyaasheen ee ku salaysnaa in nolosha qofka, qoyska, qabiilka iyo qaranba ay micno ku leeyihiin, sharaf iyo karaamana shacbigu yeelan karo marka uu xoriyad haysto, milgeheedana dhawro.

Qarnigii 19-aad dhaqanku wuxuu ahaa in dalalka reer Yurub ay iska hor imaadkoodii joojiyaan, colaaddiina ay dhinac iska dhigaan markay ku heshiiyeen magaalada Barlin in dalalka Afrika ay qaybsadaan. Boqortooyadii Ingriiiska ee aanay qoraxdu ka dhacayn ay saami u heshay Somaliland. Awoowyaasheen oo dhaqanka qarnigaas tixgalinaya wuxuu ka saxeexay boqortooyada badda korkeeda in aanay Somaliland maxmiyad (Colony) aanay noqon karin, ilmo Ingiriis ahina aanu dalka ku dhalan karin, waxayna taasi muujinaysaa inay ahaayeen dad xoriyadda, sharaftooda iyo karaamadooda jecel oo dhawra.

Qarnigii 20-aad bilowgiisii labadii kacdoon ee Afrika, waxay ka dhaceen Suudaan iyo Somaliland. Waxa kala hoggaaminayey mahdigii Suudaan iyo Sayidkii Somaliland.

Somaliland muddo 20 sannadood ah oo laga bilaabo 1901 ayay la dagaalamaysay gumaystihii Ingriiska. Ugu dambayntii waxay ku qasabtay in gumaystuhu u adeegsado dayaarado, wuxuuna duqeeyay xaruntii Sayidka ee Taleex. Hase ahaatee hoggaamiyuhu si caadi ah ayuu u dhintay, waxayna dhacdadaasi ahayd in markii ugu horeysay dal Afrika ku yaala diyaarad lagu duqeeyo. Halgankani wuxuu daliil u yahay odayaashii ka dambeeyey awoowyaasheen xornimo-jacaylkooda.

Weerarkii cirka ee labaad waxa lagu soo qaaday Somaliland dagaalkii Itoobiya lala galay sannadihii 1977/78.  Inkastoo saldhigga diyaaradaha Itoobiya ee ugu wayni ku yaallay Godey oo u dhaw xuduudka Soomaaliya diyaaradaheedu marna may weerarin tuulo degmo ama magaalo ku taala dalka Soomaaliya, taasina waa u tusaale xornimo-jacaylkeena.

Duqayntii saddexaad ee diyaaradda oo ugu waxshisanaydna waa tii ay diyaaradaha Taliskii Siyaad Bare iyagoo Hargeysa ka kacaya duqaynayay isla magaalada Hargeysa. Madaafiicna ku garaacayeen shacbiga isla diyaaraduhuna dadkii ka baxsanayey magaalada hub darandoori ah ku rushaynayey, taasi nacabka madaxda Muqdisho ayay muujinaysay, hase ahaatee aabbayaasheen iyo qaar haatan noolba naftooda iyo wax kasta oo ay jeclaayeen ayay u hureen, si xornimada aan maanta ku raaxaysanayno ula soo noqdaan.

Sannad-guurada sannadkani, waxay i xasuusinaysaa in loo dabbaal degay boqol iyo konton sannadood oo dalkeena shisheeye iyo cadow ay xukumayeen, waxaana maanta muuqata yididiilo soo if baxaysa. Waxaan aamminsannahay in murtida ah; “MAALIN QUDHA OO AAD SIDA LIBAAXA XORNIMO UGU NOOLAATO, WAXAY DHAANTAA KUN SANNADOOD OO SIDA EYGA U NOOLAATO’

 Waxaan leeyahay dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ha ku dagminna beer-laxawsiga ka soo baxaysa madaxtooyada Soomaaliya, waxayna la mid tahay OOHINTII YAXAASKA EE UU KU DABI JIRAY NAFLAYDA. Dhallinyarooy, maanta dalka idinka ayaa tiro ahaan iyo aqoonba u badan, ahna da’da badanaa isticmaasha baraha bulshada. Dagaalka maanta idinka ayaa udub-dhexaad u ah, maanta xayn-daabkiina ayay ku jiraan cadowga weerarkiisu. Waxaan leeyahay yaanu cadowgu idinka guulaysan.

By; Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

www.Somalihouse.com

Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here