Qormo Muhiim ah: Dilaaga COVID 19 iyo Dabbaaldegga Ciidda Waxa qoray Mustafe Maxamed Khayre

0
184

Taariikhdu markii ay ahayd 28-kii September 1918, magaalada Philadelphia ee ku taalla Maraykanka waxa ku soo fool lahaa dabbaaldeg muhiim ah oo loo yaqaan Socdaalka Xorriyadda, kaas oo qaadhaan loogu ururinayey ciidamadii Maraykanka ee ka qaybgalayey dagaalkii 1-aad ee dunida. Wakhtigaas waxa dunida faro ba’an ku hayey hargabka Isbaanishka (Spanish Flu) oo galaaftay nolosha ku dhawaad 50 milyan oo qof. Sida ay taariikhyahannadu weriyeen, maamulkii Philadelphia iyo dadkii magaalada ku noolaa si kasta waa loogu caqli celiyey. Waxa laga baryay in ay dabbaaldegga baajiyaan, maadaama xannuunku ku fidayo isku imaatinka iyo isku milanka bulshada, waase la kari waayey. Baaq kasta oo loo diray dhegaha ayay ka furaysteen.

Dabaaldeggii si qurux badan buu u qabsoomay. Waxa ka qaybqaatay 200,000 (laba boqol oo kun) oo qof oo kor u lulaya calanka Maraykanka iyo astaanta Philadelphia. Durbaannada, sacabka, heesaha, gaardiska, wax kasta oo maalintaa lagu weynayn karayey waa la sameeyey. Si kasta waa loo damaashaaday, warbaahintuna waxay markiiba u aqoonsatay maalin ka mid ah maalmihii ugu mudnaa Philadelphia.

Maxaa ka dambeeyey?

Muddo lix toddobaad gudahood ah waxa magaalada ka dhintay 12,000 (laba iyo toban kun) oo qof, waxaana xannuunka u soo dhacay 47,000 (todoba iyo afartan kun) oo ruux sida ay weriyeen CNN iyo Washington Post. Bukaankii sariiro qaada ayaa loo waayey, maydadkii xabaalo lagu aaso iyo cid aasta ayaa loo waayey, shaqaalihii caafimaadku gacmaha iyo maskaxdaba way ka daaleen. Dadka intii hadhay waxay noqdeen wax nafta la baxsada iyo wax is go’doomiya. Magaaladii waxay noqotay gelgelin cidlo ah. Waxa kaliya oo la maqlayey dhawaqa ambalaaska iyo baroorta kuwa geeriyeysan. Khalkhal iyo jahawareer aan hore loo arag ayaa dhacay. Dadkii wakhtigaa noolaa waxay xaaladda ku sheegeen mid murugo badan oo aan ku fiicnayn in la xasuusto.

Dhanka kale, magaalada St. Louis oo iyaduna dabbaaldeggaa isku diyaarinaysay markii ay xaqiiqsatay halistii jirtay way baajisay xuskii. Sidaana waxay kaga badbaaday masiibadii jirtay intii ugu badnayd. Waxa xannuunka kaga dhintay 700 (toddoba boqol) oo qof oo kali ah.

Casharka dhacdadan laga baranayaa wuu inoo cad yahay. Haddii ururka iyo isku imaatinka bulshada la xakamayn waayo, xannuunkana lama xakamayn karayo oo xawaare degdeg ah ayuu xadhkaha ku goosanayaa.

Maxaa innala gudboon?

Ciid-Al-Fitri waa munaasibad dunida Islaamka aad ugu weyn. Waa maalin ka mid ah kuwa innoogu farxadda badan. Damaashaadkeeda iyo rayn-raynteedu waa kuwo aan la hurri karin. Hase ahaatee duruufta maanta jirtaa innooma suurogalinayso in aynu u dhaqano sidii aynu u dhaqmi jirnay. Belaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh. Waa in badbaadinta ummadda wax kasta laga horaysiiyaa sida ay diinteenuna ina farayso. Haddii sidii caadiga ahayd loo ciido, waa sida ay u badan tahaye, waxay inoo horseedi kartaa masiibo la mid ah halaaggii ku dhacday magaalada Philadelphia 100 sanno ka hor. Ilaahay kama yeelo.

Waa tallaabo fiican in Madaxweynaha Somaliland uu baajiyey xuska 18ka May iyo 26ka June. Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu in uu joojiyey taraawiixda iyo tahjudka tobanka dambe ee Ramadaan iyaduna waa tallaabo waxtar leh. Hase ahaatee intaasi kuma filna xakamaynta COVID 19. Waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeri ah oo degdeg ah. Werwerka ugu badan wuxuu hadda ka taagan yahay dabbaaldegga ciidda foodda innagu soo haysa. Xukuumadda iyo Guddida Ka-hortagga COVID 19 waa in ay dedaal geliyaan sidii ay u yarayn lahaayeen saxmadda iyadoo suuqyada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba la ciirciirayaan dadkii iibsanayay dharka iyo agabka kale ee ay ku muujiyaan farxadda ciidda. Haddii tallaabooyin fulineed la qaadi kari waayo waxa loo baahan yahay in wacyigelinta aad loo xoojiyo.

Maalinta cidda waxa lagama maarmaan ah in salaaddii aynu jamaca ku tukan jirnay oo sunne ah la joojiyo, dadkana la faro in ay guryahooda ku tukadaan. Waa in heeganka ugu sarreeya la geliyo ciidamada fulinta, isla markaana la xidho maqaaxiyaha, garoonnada, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto, goobaha lagu caweeyo iyo meel kasta oo horseedi karta isu-imaatin bulsho.

Danteenu waxay ku jirtaa in farxadda ciidda aynu guryaha dhexdooda ugu dabbaaldegno. Nasiib-wanaag tiknoolajiga casriga ah ayaa inoo suurogalinaya in ehelkeena iyo inta aynu jecel nahay aynu si sahlan ula ciidno, ula xidhiidhno, ulana faraxno. Baraha bulshada ayaynu sawirrada iyo farrimaha hambalyada isku weydaarsan karnaa. Barnaamijyada telefishannada iyo idaacaduhu soo daayaan ayaynu guryaha kala socon karnaa. Dadka inta aynu ugu jecel nahay oo qoyskeena ah ayaynu wakhtiga ugu badan la qaadan karnaa.

Annagu qoys ahaan guriga ayaanu ku ciidaynaa insha’allaah. Adigana sidaasaan kugula talin lahaa!

WQ: Mustafe Maxamed Khayre

www.Somalihouse.com

Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here