Shirkadda Dawooyinka Caalamiga ee BALSAM Oo si ballaadhann uga Soo qaybgashay Bandhigga Carwada Caafimaadka

0
1059

Hargeysa (SH)-Shirkadda Soo Dajisa Dawooyinka Kaladuwann Ee Balsam Company ayaa maanta si balaadhann uga soo muuqatay Madasha bandhigga Carwada Caafimaaddka ee  maanta ka furmay Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa,waxaanay shirkadda BALSAM oo kamida shirkadaha waaweynn ee dibadaha ka soo dajiya dawooyinka tayada leh isla markaana waxay shirkaddu xarumo ama laamo kale ku leedahay koonfurta Somaliya waana shirkadda qaan-gaadhay oo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 1995.

Dr. Axmed Nuur waxa uu kamid yahay saraakiisha ugu haraysa guudd ahaann maamulka sare gaar ahaann waxa uu maamulaa qaybta Somaliland,waxaanu si kooban uga warramay Dawooyinka kaladuwann ee ay shirkaddu soo dajiso iyo waddamada iyo shirkadaha caalamiga ah ee ay xidhiidhka la leeyihiinn “Shirkadda Balsam waxay kamidd-tahay shirkwadaha waaweyn ee Dawooyinka ka soo dajiya dibadaha waxaanan dalka keennaa Dawooyin tayo iyo tiro-ba leh bulshaduna ay aadd u mahadisay” ayuu idhi Dr. Axmed Nuur.

Director of Balsam Dr. Ahmed Nour is being interviewing by Khadar Akule From VOA Tann iyo intii ay socdeenn khudbadihii kaladuwanaa ee ay madasha bandhiggaasi ka jeedinayeenn masuuliyiintii kaladuwanaydd waxay indhugu qabanayeenn Wariyayaal iyo dadweyne kaladuwann oo ku soo qururaya ama dul-hoganaya goobta ay shirkadda BALSAM ka daganntahay madasha Bandhniggaasi ku leedahay, kuwaasi oo isaugu jiray Iibsadayaal iyo daawadayaal intaba.

Shirkadda Balsam waxay dadku ku barteenn inay dibadaha uga keennto Dawooyinka ay u baahannyihiin sida kuwa Macaanka, dhiikarka, iyo qaybaha kale ee lagu daweeyo dadka oo tayo fiicann leh.

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here