Madaxweyne Muuse Biixi Oo soo kormeeray Shirkadda Mubaarak iyo Bandhigga Carwada Dawooyinka

0
757
MUB1

Hargeysa (SH)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo kormeeray Shirkadda waynn ee Mubaarak oo caann ku ah soo dajinta iyo Iibinta Dawooyinka tayada leh, taas oo ay Shirkaddu ka soo waariddo Shirkado caann ah oo laga caalamka laga aqoonsann yahay, qaybta ay ka dagantahay bandhigga Carwada Caafimaadka Somaliland oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda hormarinta Caafimaadka.

Madaxweyne Biixi markii uu soo dhamaystay  khudbaddiisii isla markaana uu sida rasmiga ah xadhigga uga soo jaray bandhigg caafeeddka shirkaasi waxa uu kormeer iyo indho indhaynnba ku soo maray shirkadaha halkaa ku soo waariday ama ku soo bandhigay badeecadahooda Dawooyinka ay Iibiyaann waxaanu Madaxaweynuhu booqday Shirkadda Mubaarak Company iyo bandhiggooda tirada iyo tayaba ay ku soo bandhigeenn Carwadaasi waxaana horeyba Goobtaasi logu sii diyaariyey muuqaallo muujinaya baaxadda iyo awoodda shirkaddu leedahay iyo Dawooyinka tayada leh ee ay bulshada u keento iyo hawl-wadeennada shirkadda, waxaana Madaxweynaha halkaa ku soo dhaweeyey isla markaana warbixinta Shirkadda iyo qaabka ay u shaqeeyaann Xarumaha kaladuwan ee ay shirkaddu ku leedahay Somaliland iyo Somaliyaba Madaxweynaha halkaa ku qaabilay Gudoomiyaha Shirkaddaasi Yuusuf Ducaale Barre.Madaxa hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO Mr.Pitter oo booqanaya Bandhigga Carwada Caafimaadka Somaliland ee Mubaarak Company ee Hotel-ka Maan-soor

Waxaanu Godoomiyaha Shirkaddu Madaxweynaha uga warramay Mubaarak Company iyo waxa ay tahay isaga oo Madaxweynuhuna si daggann dhegta ugu raaricinayey warbixinta uu siinayey Gudoomiye Yuusuf Ducaale “Mudane Madaxweyne ku soo dhawoow shirkadda Mubaarak iyo bandhigga Dawooyinka tayada leh ee aannu maanta halkan  ku soo bandhignay waanad arkaysaa dhawaan qaybaha kaladuwann ee Dawooyinka aannu iibinno oo sida aad arkayso leh noocyo kaladuwann” ayuu yidhi Godoomiye Ducaale.

Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiyaha shirkadda Mubaarak waxay ay kaameradaha warbaahintu qabanaysay iyaga oo isu dhoollo cadaynaya taas oo laga dheehann karayo ilaa heerka farxadeedd ee booqashada Madaxweyne Biixi ku tagay goobta bandhigga Dawooyinka ee shirkadda Mubaarak iyadoo ay Madaxweynaha soo jiiteenn bilicda Dawooyinkii tayada lahaa ee ay shirkaddu halkaa ku soo bandhigtay, waxaanu Madaxweynuhu Gudoomiyaha iyo shirkadda Mubaarak-ba ugu hambalyeeyey sida waafiga ah ee ay uga soo qaybgaleenn bandhiggaasi iyo Dawooyinka tayada leh ee ay la wadaagayaann bulshada Somaliland iyo Somalida kale oo dhann. Wasiir ku xigeennka Caafimaaddka Kilil-ka iyo Safiirka oo booqanaya Mubaarkan Company

Waxaa iyana booqasho iyo daawashaba ku tagay bandhigga Carwada Mubaarak ee Hotelka Maan-soor Wafdigii Itoobiya uga soo qaybgalay shirkaasi ee Wasiiru-dawlaha caafimaadku hogaaminayey yo Safiirka Addis Ababa u jooga Somaliland iyo xubno kale waxaanay sidookale halkaa warbixinn kaga dhagaysteenn Madaxa shirkadda Mubaarak Yuusuf Ducaale isaga oo sharraxaad qiimo leh ka siiyey shirkadda Mubaarak iyo laamaha “branches” ka ay ku leedahay Somaliland iyo koonfurta Somaliya.

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse1@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here