Madaxweyne Biixo Oo maanta xadhigga Furay Bandhigga Carwada Caafimaadka

0
636
carwo2

Hargeysa (SH)-Munaasibadda Xafladda Bandhigga Caafimaadka Somaliland ayaa lagu qaybtay Hotel-ka Maan-soor ee Hargeysa, munaasibaddaasi oo ka dhacday hoolka weyn ee shirarka Maan-soor waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi,Wasiirka Caafimaadka Dr. Cumar,Raxann ka tirsann Wasiirrada Xukuumadda,Saraakiisha Ciimada,hay’adaha kaladuwann ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaaddka,Wasiiru-dawlaha Caafimaadka ee Kilil-ka 5-aad ee Somali State, iyo Martisharaf-kale oo farabadan.

carwo2.Furitaankii shirkaasi waxaa ka  mid ahaa masuuliyiintii ka hadshay Marwo Adna Aadan Ismaaciil waxaanay ka warrantay hormarka Somaliland gaadhay inuu yahay mid ilaahay looga mahad-celiyo balse aan la odhan uun sida ay dadka badankoodu sheegaan “Somaliland waxba  ma yaallaann”

Carwo3Dhanka kalana Marwo Adna waxay faah-faahin ka bixisay maadada” Folic Acid” ka  la yidhaado oo caafimaad ahaan ay bulshadu aad ugu baahan-tahay  gaar ahaann dumarka uurka leh, taasoo loo baahan yahay inay dumarka uurka lihi isticmaalaan ka hor inta aanay gaadhin xiliga dhalmada “manta waxaan rabaa inaan ka hadlo oo aan dadkan inala jooga ee Ajaabinta ah uga faa’iidaysto dalkeena waxaa ku soo badanaya cudurro aynaan horey u soo arkijirin oo ay kamid yihiin ilaha oo soo dhasha isaga oo Madaxweyn,ama lugaha laa-laaban iyo wixii lamida waxaana keenaya abaarihii isaga keenn dambeeyey ee sanadihii aan soo dhaafnay inagu yimid ayaa sababay” Marwo Adna Adna Adan.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “ waxa kaliya ee aynu arimahaa kaga hortagi karraa waa iyada oo ay hooyada uurka lihi isticmaasho maadada la yidhaado “Folic Acid”-ka taasoo hooyada uurkale ka caawin karta inay hesho nafaqo ku fulan ilmuhuna markaa waxa uu heli karaa nafaqo uu kaga bad-baadi karo cudurradaasi” Adna Aadan.

Wasiiru-dowlaha arrimaha caafimaadka ee Kilil-ka 5-aad Mr. Saxane oo Kililka uga soo qaybgalay shirkan 3 da cisho soconaya ee arrimaha hormarinta caafimaadka oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu Somaliland uga mahadd-celiyey qabsoomidda kulankan Carwada bandhigga arrimaha caafimaadka, waxaanu sheegay inay ka Jigjigo ahaan kaga dayan doonaan Somaliland qabashada bandhigga Carwadann oo kale “Somaliland waxaannu kaga dayann donna inaanu annaguna dhawaann qabann doonno carwadann oo kale” ayuu yidhi Wasiir-Saxane,

carwo4Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mr. Pitter oo matalayey hay’adaha qaramada midoobay gaar ahaan hay’adda Caafimaadka aduunka ee  WHO waxaanu sheegay inay ka hay’add ahaan ku faraxsannyihiin qabsoomidda shirkan “WHO waxay soo dhaweynaysaa qabsoomidda shirkann waxaanann u araggnaa inay tahay tallaabo horay loogu qaaday dhinaca horumarka Somaliland”

cumar“Waxaanu soo saarray warbixiino sababtuna waxay ahayd inaannu soo saarro dad tayo leh oo ku shaqeeya xirfadaha Caafimaadka waxaana kamid ahaa Jaamacadda Adna University,Camuudd iyo qaarkale” Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Jaamacadaha Burco iyo Goolis-na waxaanu ku nidhi waxaad u baahantihiinn inaad waxbadan dib u habayn ku sam aysaan barnaamujyadiina Caafimaadka”

cumar2Wasiirka horumarinta arrimaha caafimaadka Dr. Cumar oo ahaa maskaxdii ka dambeysay qabann qaabada iyo qabsoomidda bandhigga Carwadani oo halkaa ka hadlay waxa uu ka hadlay arrimaha caafimaadka iyo anshaxa suubann ee ay tahay lagu maamulo caafimaaddka, balse waxa uu sheegay inuu meesha ka maqannyahay anshixii wanaaggsanaa ee ay lahaayeenn hawlwadeennada caafimaadku, sidaa darteedd Wasiirku waxa uu xusay inay Wasaaraddiisu ku hawlantahay sidii dib loogu soo celinlahaa anshixii suubanaa iyo asluubtii habda caafimaadka lagu yiqiinn “Mudane Madaxweyne waxaannu ku hawlannahay sidii aannu waxa uga qabann lahaynn tayeynta caafimaaddka iyo anshixii uu alahaannjiray”

Dhanka kalana wasiirku waxa uu sheegay inay umaddu ka dhimatay dhanka Anshixii Caafimaadka “Mudane Madaxweyne markaan ka hadlayno arrimaha anshaxa Caafimaadka waxaanoo soo baxday inay bulshadu ka dhimatay arrimihii anshaxa ee la xidhiidhay arrimaha Caafimaadka” ayuu yidhi Dr. Cumar Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

“Waxaanu aad ugu mahad naqaynaa dalaka Turkiga iyo Etihipia oo noogu deeqay Deeq waxbarasho oo ay nuugu maqanyihiin dhalinyaro farabadan oo dalakaa wax ku soo baranaya” isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne waxaannu soo xoogga saaraynaa in la xoojiyo tayada waxbarashada waxaanan hoos u daadajin ku samaynay nidaamka waxbarashada waxaana MCH yada Gobalada iyo Degmooyinkaba Gacanta kuhaya oo aanu heshiis la gallay Dawladaha Hoose oo hadda hawlaha caafimaadka gacanta ku haya” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Dr. Cumar.

CAWRWO1Waxaa isna halkaa ka hadlay Madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu u mahad-celiyey qabsoomidda shirkan muhiimka ah ee Caafimaadka waxaanu yidhi “waxaan aad u soo dhaweynayaa shirkanan oo aan u arko inuu yahay Tababar aniga aad iyo aad muhiim iigu ah waayo waxbadan ayaan ka faa’iiday gaar ahaan Khudbaddii ay jeedisay Marwo Adna Aadan oo aan dhamaanteenn u wada baahannahay cashirkii ay halkan ka jeedisay”

Md. Biixi waxuu si niyadd-sami leh ugu dhoollo cadeeyey “Markii uu Wasiirku ii sheegay inay qabanayaan Shirkan waxa uu igu yidhi waxaanu qabanaynaa shir Caafimaaddka iyo Ethics –kiisa “akhlaaqdiisa”  la xidhiidha markaa waxaan ku idhi Wasiid dee bal qoladayadann Siyaasadda iyo Micro phone ka ku wareertay maad iyagana u furtaan Ethics-ka Caafimaadka Siyaasadda” isaga oo dhoolo-cadaynaya.

Md. Biixi waxa uu sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Dawladd-deegaanka Somalida oo Wasiiru-dowle u soo waskiishay shirkan caafimaadka Somaliland “waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa ka soo qaybgalayaasha shirkan gaar ahaan Dawladda Kilil-ka Somalida ee aan jaarka nahay iyo Wasiiru-dowlihii ay noo soo direen-ba waxaanan leeyahay waa inaann waxbadan ka wada shaqaynaa arrimaha nabad-galiyada” ayuu yidhi Md. Biixi.

“Dawladaha waxaa looga maarmiwaayey inay mashaakilaadka bulshada dhexdeeda ah xaliyaan waana in dadka loo shaqeeyo oo caafimaad loo doono oo hormar loo doono oo nabadgaladooda laga shaqeeyo” ayuu yidhi Mr. Biixi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu tibaaxay sitaraatiijiyadda Geeska Africa iyo qaybta ay Somaliland ku leedahay Joqoraafi ahaan” waxa ay Dawladaha caalamka oo dhami u wada ordayaani waxa weeye inay Dawlad-waliba danaheeda gaarka ah ka ilaashato Baddacas”

“Bal Somaliya eegg waxa ka socda waa jaarkeenna,Kismaayo waad araggtaann,Boosaaso waadd arkaysaann, Dhuuso mareeb-na waad arkaysaann waxaana waxaas oo mawjado ah ka dabaallan karta ciddii isku tashada iyo ee khilaafaadkeena hoos u xalisata” “maanta Somaliland xageebay joogtaa? Anigu ma-ihi dadka niyadda xunn kana dayrinmaayo xaaladdeenna” ayuu yidhi waxaanu sheegay inay Dawladaha Somaliya, Jabouti Ethiopia ay Aqoonsi wada haystaann balse Somaliland Ilaahay mooyee cidd-aqoonsani ma jirto” ayuu yidhi.

Dhanka kalana waxa uu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeedd ee hadda ka taagan Somaliland waxaanu yidhi “Somaliland hadaanahay waxaynu Samaysanay Xisbiyo siyaasadeed si aynu siyaasadeenna u waafajino nidaamka Dawliga ah laakiin maaha inay yidhaadaan sharciga gacantayada ayananu ku samaynaynaa, waxaanu rabno annagaa samaysanayna”

Mudane Biixi waxa uu ka hadlay arrimaha faro isku taagg-taagga ah ee u dhexeeya Xisbiga Waddani ee ka dhashay soo magacaabistii Xubnaha Guddiga doorashooyinka gaar ahaan, 2 badii xubnoodd ee ay ka biyo diideenn Xisbiga Waddani  iyo isaga Mr. Biixi waxaanu sheegay dhibta hadda ka dhextaagann Xukuumaddisia iyo Waddani inay tahay midd la xidhiidhha xagga arrimaha sharciga islamarkaana uu Gudoomiyaha Xisbigaasi diiddannyahay xeerkii uu isagu horey u saxiixay markii uu Gudoomiyaha Wakiillada ahaa “Waar Cabdiraxmaan adigoo ah Gudoomiyihii Baarlamaanka ayaa xeerkan saxiisaye siday wax u jiraann laakiin yeeli maayo uun dhaqan fiican inooma aha” ayuu yidhi Mr. Biixi waxaanu intaa ku sii daray  “haddaynu nidhaano aynu raacno Dimoqoraadiyadda Maraykanka waynu ku jabaynaa”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka hadlay arrimaha Dekadda Berbera iyo mashaariicda SDF ee hormarinta  Somaliland waxaanu carrabka ku dhuftay mihiimadda ay leedahay inay bushadu isku duubnaato si looga midho-dhaliyo hadafka guudd ee ah hormarinta bulshada Somaliland “waxaann hadalkayga kaga baxayaa Miyi ilaa iyo magaalo sida qiimaha badann ee aynu isugu duubannahay ee aynnu wax u wada qabsanaynno haddayneenaann sidaa yeelinna hormar gaadhi-maynno” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Madaxweyne Biixi, waxaanu intaa ka dib kor-meer ku soo sameeyey heheradaha caafimaadka ee badeecadahooda halkaa ku soo bandhigay sida Shirkadda weynn ee Soo dajinta iyo Iibinta Dawooyinka tayada leh ee Mubaarak Company iyo qaarkale oo farabadan oo ay kamidd-tahay shirkadda Balsam oo iyana soo dajisa Dawooyinka guudd ahaann Somaliland iyo Koonfurta Somaliyaba.

www.Somalihouse.com

Email: Somalihouse1@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here