Gudoomiyaha Shirkadda Dawooyinka Mubaarak Oo faah-faahinn ka bixiyey Shirkadda iyo Dawooyinka ay Keento

0
584

Hargeysa (SH) Gudoomiyaha Shirkadda Dawooyinka soo dajisa ee Mubaarak Company Yuusuf Ducaale ayaa ka si faah-faahsann uga warramay noocyada Dawooyinka Shirkaddu keennto iyo meelaha ay ka soo waaridaann, sidaana waxa uu ku sheegay Gudoomiyihu isaga oo ku sugnaa goobta ay shirkaddu ka daganntahay madasha bandhigga Carwada Caafimaaddka Somaliland, taas oo ay Wasaaradda Caafimaadku iska lahayd qaban qaabadeeda iyo higelinteedaba kadib markii ay arrimahaasi xagga Alle ka suurto galeenn.

Gudoomiye Ducaale waxa uu ka sheekeeyey isla markaana uu iftiimiyey inay Dawooyinka Mubaarak keennto ay kamidd yihiinn kuwo ay bulshadu baahibadann u qabaann sida mashiinka ay dhakhaatiirtu ku dhagaystaan caloosha hooyada uurka leh ka hor intaanay gaadhin xiliga dhalmada, kaasi oo ay dhakhaatiirtu kula socdaan xaaladda ilamaha uuryaalka ah iyo caafimaaddka hooyada  kaasi oo dalka dibaddiisa loo doonanjiray hadda kahor iyo qaarkale oo muhiim ah.

Gudoomiyaha shirkadda Mubaarak waxa uu sheegay inay dalka keenaann dawooyinka dadku isticmaalanan (lagu daweeyo) iyo qalab kaladuwan oo loo isticmaalo arrimaha caafimaaddka isaga oo arrimahaa sharraxaadd ka bixinayeyna waxa uu yidhi ”

“maanta waxaannu  halkann ku soo bann –dhigaynaa Dawada dadka lagu daweeyo iyo qalabka Caafimaaddka ee aannu annagu keenno,sidaa halkaa ka arkaysana waxaa muuqanaya qaarkamida magacyada shirkadaha aannu walkiilka u nahay sida shikadda weynn ee dalka Turkiga laga leeyahay ee Billim Pharmaceutical industry, Vintane Pharma industry, oo laga leeyahay dalka Jarmalka, API (Aman Pharmaceutical industry, oo laga leeyahay dalka Cummann, Joswe Midical company, Tynor orthototics PVL LMT iyo qaarkale” ayuu yidhi yidhi Gudoomiyaha Company-ga Mubaarak Yuusuf Ducaale.Gudoomiyaha Mubaarak Oo warbixinn siinaya Wafdigii reer Ethiopia ee Carwada yimidd.

Isaga oo warbixintiisa sii watana waxa uu intaa sii raaciyey “shirkaddaasi Jarmarlku waxay samaysaa wixii la xidhiidha Vitamines-ka tan kale ee Cumaanna waxay samaysaa iyana wixii la xidhiidha dawooyinka indhaha lagu dhibciyo,shirkadahan kalana waxay iyana sameeyaan uun Dawooyinka dadku qaataann oo noocyo kaladuwan leh sida kuwa dhiigg-karka,macaanka “diabetic” kuwa wadna xauunka tan ugu dambeysana waaa shirkadd laga leeyahay dalka Hidiya waxaanay samaysaa qalabka dadka caawiya markay jabaan ama ay lugaha wax ka noqdaann, amaba ay jilbuhu canuunaann oo kale”Madaxa hay’adda caafimaadka aduunnka who ee Somaliland Mr.Pitter oo booqanaya Bandhigga carwada Mubaarak.

“Qalabkaa aad arkayso waxaa loogu talo galay  in lagu xidhi madaxa qoorta laga soo bilaabo ilaa iyo lugaha meeshii wax noqotaba in lagu xidhayo sida kuwa cidhibaha ama dhul-dhigga iyo jilbaha markay dadka xanuunaan oo kale,marka uu murkacdo qofku, ama dhabarka hadduu ka habo, ilaa faraha kuwii lagu kabayey ayaannu keennay” ayuu yidhi Yuusuf Ducaale.MUB1Gudoomiyaha Mubaarak oo Madaxweyne Muuse Biixi uga warbixinaya Mubaarak Company

Gudoomiye Ducaale waxa uu sheegay inay keenaann mishiinnadii lagu cabiryey xanuunnada dhigg-karka, Sonkorta ama macaannka, mishiinka ay dhakhaatiirtu ku dhagyestaann caloosha hooyada uurka leh, qalabkale oo muhiim ah oo lagu gubayo irbadihii horey loo isticmaalay oo bulshada dhibaato badann ku hayey “waxaa jira qalab gaara oo Mubaarak Company uu keeno sidaann la socono irbaduhu marka dadka lagu mudo “used needle” ee layska tuuro waxay bulshada ku keenaann cudurro farabadann oo Jooniska iyo HIV/AIDS ku midd yihiinn ayey faafinkaraann”

“Mishiinkaasi waxa loo isticmaalaa waxaa lagu ridayaa irbaddii ama needle kii la isticmaalay kadibna korontada ayaa laga galinayaa waana lagu qiijinayaa dabadeeddna waxaa la waayey waxyar kadiba irbaddii oo dambas bay noqonaysaa” waxaana aadd ugu baahann xarumaha caafimaaddka oo dhann sida dhakhtarka weynn iyo kuwa kale ee gaarka loo yeeyahay waanay naga qaataann ayuu yidhi Ducaale.Saraakiisha Mubaarak Company Oo Madaxweyne Biixi ku soo dhaweynaya Qalbi-furann

Ugu dambeyntiina waxaannu waydiinnay Gudoomiyaha shirkadda Mubaarak Company inay inay leeyihiin xarumo kale oo dawooyinka lagu iibiyo iyo inay Hargeysa uunn ku egg-yihiinn waxaanu ku jawaabay “haa waannu leenahay xaruno kale oo Wajaale waannu ku leenahay, Burco waannu ku leenahay, Muqdisho-na waannu ku leenahay” ayuu

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here