Doodda xeerka qabyo-qoraalka ee Garyaqaanka Guud oo la soo gabagabeeyey

0
69
c1

Hargeysa (SH)-Dooddii xeerka qabyo-qoraalka Xeerka Garyaqaannka guud ee Somaliland ayaa lagu soo gabagabeeyey Hotelka Maan-soor ee Hargeysa, Doodda Xeerkann oo ilaa shalay ka socotay Halkaasi ayey saaka markale dooddaasi iyo falanqaynta Xeerkaasiba isugu yimaadeenn ka qayb-galayaashii shirkaasi, waxaanay Dooddu si weyn u kululaatay ka dib markii ay kooxdii 2-aad ee Group-yada loo kala qaybiyey qodobada wax ka badalka iyo ku dariddaba lagu samaynayey soo jeediyeen qodobo dhawra oo la xidhiidha shaqada xafiiska Garyaqaannka Guud kuwaas oo doodd kulul ka dhex-dhaliyey madasha kulankaasi.

X2“Qodobadann farahabadann waxa uu soo bandhigay waa in waxna lagu daro waxna laga saaro” sidaa waxaa yidhi Garyaqaann Xuseen Balal oo ah ku xigeenka xafiiska Garyaqaannka guud oo kamid ahaa sharciyaqaannada xafiiskaasi.

waxaa kamid ahaa Qodobada Xeerkaasi ee sida wayn looga hadlay cidda xaqa u leh soo jeedinta Xeerarka dalka marka ay timaaddo dhaqangalintooda “Dalka Itoobiya oo kale waxaa iska leh soo jeedinta Xeerarka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha” sidaa waxaa yidhi Garyaqaann Cabdiraxmaan Hiirad oo ahaa daadihiya madasha kulankaasi.

X4“annagu waxaanu soo jeedinay shaqaalaha xafiiska Garyaqaanku inay qaataann Gunnada wax la eg inta ay qaataann Xafiiska Xeer-ilaalinta” sidaa waxaa yidhi Naasir oo ahaa soo jeedihiyihii kooxdii 3-aad ee qodobada Xeerkaasi loogu qaybiyey inay waxna ku soo daraann waxna ka badalaann.X6

“Su’aasha mudann in laga hadlo waxay tahay Garyaqaanka Guud miyaanu ka duwanan mase waxa uu la mid yahay Xeer-ilaaliyaha guud? aniga waxay ilatahay inuu ka duwanyahay sababtoo ah waxa uu difaacayaa qaranka oo dhan” sidaa waxaa tidhi Raaqiya Ibraahim oo ah madaxa xafiiska Xuquuqul-insaanka ee Xumuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xildiid.

“Tusaale ahaan waxaa is qabsaday laba hay’adood oo ka tirsan Xafiisyada Dawladda kadibna way kala bixiwaayeenn markaa waxay ku qasbanaadeenn inay nala soo wadaagaann khilaafkooda dee markaa ka aamusimaynee waxbaannu ka odhanaynaa khilaafkaasi qodobkanina arinkaasuu ka hadlayaa” sidaa waxaa yidhi ku xigeenka xafiiska Garyqaanka Guud Xuseen Balal.x1

x7“Aniga waxay ila tahay Garyaqaanka guud 2 siyaabood kuu ku soo galaa Dacwadaha midda hore waa arinn khilaaf laba hay’adood ka dhexeeya oo ay u soo gudbiyeenn kala cabashadooda iyo tann labaad oo ah mid uu isagu sidiisa isugu xilqaamay inuu galo ka dib markuu arkay inay lagama maarmaann tahay inuu hawshaa soo dhexgalo” sidaa waxaa yidhi Khadar oo kamida ka qayb-galayaasha dooddaasi.

 

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse1@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here