Shirkadda True Cable oo abaal-marinno kaladuwann gudoonnsiisay 30 qof oo kamida macaamiisheeda

0
137
T12

Hargeysa (SH)-Shirkadda True Cable oo kamida shirkadaha bixiya adeegg-yada muuqaallada ah ee laga daawado TV yada ayaa maanta xafladd ballaadhann ku qabatay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa, munaasibaddii xafladdaasi oo ujeedadeedu ahayd inay ka farxiyaann qaarkamida bulshada sida jooggtada ah ugu xidhann daawashada shabakadda True Cable Channel TV.

T8Subaxdiihore ee maanta waxaa guryahooda ka soo lebistay kumanaann Dumar ah oo u badan hooyooyinn kuwaas oo gacmaha soo qabsaday raxann caruura oo ay dhaleenn, si ayqayb uga noqdaann nasiib sugayaashii isu diiwaanngeliyey, tartanka imtixaankii ay dhawaann macaamiisheeda ka qaadday Shirkadda True Cable TV.

T1Hooyooyinn dharkooda kii ugu quruxda badnaa ku soo lebistay oo daadihinaya ubaxa mustaqbalkoodu soo ifayo ayaa soo xaadiray, madashii xafladdaasi ka dhacaysay si ay kuraasta wajahaddahore salka u dhigaann, Wasiirkiihore ee wasaaradda Hormarinta Beeraha Professor Faarax Maxamuud Geedoole iyo masuuliyiinta xafiis Hay’adda Waddooyinka “Road Authority administration leaders” iyo kumanaann kale oo dadweynaha reer Hargeysa ah ayaa safaf quruxbadann ku soo camiray fadhigii madashaasi.

T5Gudoomiyaha shirkadda True Cable xafiiskeeda Somaliland Mudane Siciid Mire iyo saraakiisha kale ee ka howlgala xaruntooda Hargeysa iyo xubno kale oo marti-sharafta kamid ahaa iyo waalidiinta qaarkoodd ayaa halkaa ka soo jeediyey hadallo quruxbadann oo la xidhiidhay munaasibaddann abaal-marinta ah ee shirkaddu kaga farxinaysay qaarkamida macaamiishooda sida tooska ah ugu taxann baahinta muuqaalladooda kaladuwann ee ka baxa Shabakaddooda Casriga ah ee Ture Cable TV.

T6Gudoomiye Siciid Mire oo ka hadlayey madashaasi waxa uu sheegay inay farxadd-weynn u tahay True Cable inay markii 2-aad si quruxbadann ugu qabsoontay, xafladdii abaalmarinta macaamiishooda, waxaanu soo dhaweeyey niyaddsamida iyo wajifurnaannta ay macaamiishoodu kaga soo qaybgaleen munaasibaddani.T2

Mr. Mire waxa uu sheegay inay waajib ku tahay iyaga iyo dadweynaha kale ee madashii fadhigaasi ka soo xaadiray inay farxadda la wadaagaann walaalohooda nasiib ka u yeeshay inay helaann abaalmarintii qiimaha badnayd ee kaladuwanaydd ee halkaa lagu gudoonnsiiyey qalab cusub oo ay kamidd ahaayeenn Labtop-yo,Tallaagadaha dharka lagu maydho,Mobile-lada casriga ahee SUMSUNG GALAXY iyo muraayadaha ama shaashadaha laga daawado muuqaallada TV yada.T7

“Maanta ka shirkadd ahaann waxaannu si weynn ula faraxsannahay walaalaheenna nasiibka u yeeshay inay helaann abaalmarinnada kaladuwann ee aadd arkayseenn inay heleenn idinkana (kuwii aann helinn) inaadd nagula wada faraxsanntihiinn dadkaa aannu siinayno alaabtaa qaaliga ah” Siciid Mire.t4T910T15T14T13T16T17T18T19T20

“Magacaygu waa Ifraax Maxamed Ismaaciil waxaanann ku faraxsanahay inaann qayb ka noqdo dadka nasiibka u yeeshay abaalmarinta alaabta qaaliga ah ee waxaanann leeyahay waadd mahaddsantihiinn” sidaa waxaa tidhi Ifraax Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaydd da’yartii ku guuleysatay qalabka casriga ah ee ku soo galay sida fududd gacmahooda.

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here