Bangiyadeenna, iyo ka Maxamed Yuunis, casharro.Qalinkii: Axmed Cali Kahin.

0
76
Axmd

BAANAN KEENA, IYO KA MOHAMED YUUNIS,

CASHARO.

Qalinkii: Axmed Cali Kahin.

Hargeysa (SH)-Maxamed Yuunis oo u dhashay dalka Banagaladhesh, markuu waxbarashadiisii sare ka soo dhameeyay waddanka Maraykanka, wuxuu bare ka noqday, jaamacada Daka Isagoo 1974 dhaqaalaha ka dhiga. wuxu arkay dad ku gaajaysan jaamacada hareeraheeda, waxaanu ka fikiray qaab uu ku taageeri karo bulshadiisa baahan.

Wuxuu bilaabay in uu taageeero dadkaa dhibaataysan ee danyarta ah, waxa kaliya ee uu qaban karay,  waa in uu mushaharkisa u qaybiyo, waxa uu siiyay midkasta waxoo lacaga,  oo u dhiganta $30. wuxuuna u sheegay in ay ku bilaabaan ganacsi yaryar sidakhudrad iyo beed, Digaag, iyo waxyaabo kale,

qorshuhuna waxa uu ahaa  iibiya, kadib iska sooceliya lacagtii hore,  oo siiya qof kale oo csub, sidii buu ku wadday ilaa maanta uu kasameeyay Baan u deega 8.5 milyan macmiila oo ku tiirsan. Waana aabaha Miro credit and micro finance ka. Baananka amaah bixiyaasha ah. Wuxuu aas aasay 1976, wuxuuna Baan Sharciya noqday oo caalamiya 1980 kii.

Wuxuu xusay in Dhamaan haayadaheena Dawladu ay u dhisan yihiin in taajirka oo kaliya u adeegaan . Fiqiirkana canaantaan uun. Tusaalena waxa uu ka dhigay in dhamaan baananku diideen in ay dayn siiyaa dadkaa fiqiirka ah. Waxa kaloo uu xusay inwaxbaeashadeenu in jiho qaldan inoo eryayso oo nolosha ah.Sida in aad ahaato aalad cid kale ku shaqaysato.

Aqoonta nooca aynu baranaa, waxay  sildilado ku xidhaysaa, dhalinta awooda  curinta leh leh. Waxa uu xusay Shaqadayduna maaha in aan dadka amaahiyo wax. balse waa in awoodooda la aasay soosaaro. Hadaad ubaxo meel ku xidho bixi maayo. Waa in uu faalal helaa. Waana in erayga faqiirnimo lagu hayaa matxafyada balse aan lagu arag bulshadeena dhexdeeda. Ayuu yidhi Maxamed Yuunus.

Waxa kale oo uu hooyooyinkaa kudardaaray in ay carurtooda waxbaraan. Muddo ka dib dhalinyaradii hoyoyinkood waxbareen, ee ay hooyooyinkaasi soosaareen, baa u yimid oo shaqo nasii yidhi markii ay waxbarteen. Su’aal adag bay noqotay. Balse wuxuun u sheegay in ay ceeb tahay adoo waxbartay in hooyadaa kaa geesisanaato iyadoon waxba baran shaqadeedana abuurato.Noloshaada ku dabartay.

Nidaamkaa waxbarashaa qaldane ilooba,  oo idinku fursado abuura.halkaana waxa ka dhashay in qofkastaa soo qorto mashruuc ganacsi, oo Mohamed Yuunus maalgalinayo dadkaasi oo ah jiilkii 2aad ee baanku gacan qabtay, waxaanu abuuray waxa la yidhaa qoyska Grameen Bank.

Waxa uu sheegay in hadda mushilad kastoo bulshada haysata uu u arko fursad ganacsi. Mar uu ka hadlaayay dhibaatooyinka ka jira Bangaladhesh waxa kamid koronto la’aanta, waxaan isku dayay in aan xaliyo, waxa xiise gaara ii yeeshay dabka cadceeda laga dhaliyo, markaan isku dayay waxa la igu yidhi samayn kari maysid oo reer yurub baa isticmaala, balse waan wadday ilaa aan keenay qalab yar oo guryaha lagu iftiinsado oo jaban, maalintii 10 xabaa la iga iibsan jiray, hadda malaayiin baan iibinaa, suuqiina ganacsato kalaa ba igu qabsaday, waxaan u shiday laydh  ilaa 2 milyan oo guri, halka ganacsatada kalena shideen ilaa 2 miyan oo guri oo kale. Markaa caqabadkasta fursad baan u badalnaa hadda.

Muxuu kaga duwan yahay Baananka

Markasta oo aanu qorshe siyaasadeed, maaliyadeed dajinayno, waxaan eegnaa uun shuruudahah baanaka Caalamka, (Conventional Banks,) Shuruudahaas kasoo horjeedkeeda uunbaan samaynaa. Waana sidan soo socota

 

  • Waxay u aas’aasan yihiin in ay faa’iido iyo lacag sameeyaan. waxaan uu Grameen bank u taagan yahay in uu bulshada faqriga kasaaro, iyo waxa uu u bixiyay (social business)  ganacsi bulsho..
  • Baananka kale dadkaa u taga anaga Grameen Banak anagaa dadka u tagna.
  • Waxay ahaamiyaan Tujaarta, Waxaanu Amaahinaa Fiqiirka.
  • Waxay amaahiyaan Raga waxaanu amaahinaa Dumarka.
  • Dadka Damaanad bay ku xidhaa anaga ma jirto damaanad.
  • Waxaa dalbadaan waraaqo sharciya, ma jirto waraaqo sharciya, oo dhexeeya amaahdaha iyo la amaahiya, waxaan abuurnaa kalsooni wadda shaqayneed
  • Waxay leeyihiin Looyaro, anagu waa baanka kaliya ee dunida oo dhan, aan lahayn Looyar sharci yaqaana
  • Baananka kale waxay xafiisyo ku leeyihiin, Faras magaalaha, anagu Grameen Bank waxaanu ku leenahay iskuraranta, hadda 2600 oo xafiis baa baangaladhesh nooga furan mid kaliya kuma yaalo, suuqa dhexe
  • Dadka baanku kaliya wax ma amaahiyo, ee dadkaa Grameen Bank leh

 

Aragtiyaha uu Aaminsan yahay

 

  • Baananka dunida markaad lacag dalbanayso, Waxay dalbadaan in aad sharaxdo sidaad qani u tahy, ka dibna haddii lagugu qanco ayaa lacata lagu siinayaa, waa qaaciido nolosha ah oo qaldan, haddaad in badan haysato, in badan baa lagu siinayaa, waa halkii soomaalidee (Wan wayn baa badhi lagu shubaa,) qaacidadaa anagu ma naqaan waxaan wax amaahinaa qof aan waxba haysan
  • Wadda shaqaynta dadka naga dhaxaysaa waxay ku dhisan tahay is aaminaad
  • Ganacsiga waa in dhibaato lagu xaliyaa, maaha in uu dhibaato abuuro isagu, si uu uga faaiidaysto, baahida dadka, anagu waxaan u abuurnay in baahida dadka waxa laga qabto.
  • Waxaan ogaanay in ganacsigu shaqayn karo faaiido la’aan, faaiidada kaliya ee uu helayaano noqdo in uu dadka jilicdasan ee baahan u adeego, faqrigana kasaaro.

Wuxuu ku soo gabo gabeeyay, waxaan u abuurnay in aan kaga hortago, dhamaan aragtida ay u abuuran yihiin baananku Bankan Grameen. Markaan samaynayay waxaan idhi madoonayo in aan sameeyo lacag shakhsi, balse adeeg bulsho.

Dhibaatada ugu badan ee dunidan ku abuurnay waxa sal u ah, qaabaka aan u qaabayna habkay u shaqeeyaan, Baanankeenu, bal eeg tusaalahan, urursanaanta hantida Caalamku waxay ku jirtaa faro kooban, in kabadan 90% waxa haysta dad kooban. Waxaan ka dareemay,  in uu u jeedo ka ganacsiga alaabta iyo lacagtu waa laba kala fog, lacagta ganacsigeeda dhabta ahi waa amah furan.

Waayo islaamkaba in aad qof amaahiso 100,000 sl sh, iyo in aad siiyo, waxa fadli badan in aad amaahiso, waayo Islaamku ganacsiga waxa uu ka dhigay xor qofku allaabtiisa qiimaha uu doono siin karo, haddii iibsaduhu ku qanco,

Sidaa daraadeed Taasi xornimadaa.  waxa la barbardhigay, goob la iskugu naxariisto, oo la yidhaado, amaahda wanaagsan. In amaah laga raadiyo faaiido, waa dambi wayn. Waayo waxa, wax amaahda qof goba oo ay ka yar liicday, miskiinku marka horeba gacantuu hoorsanaanay, kaasi hore in liicidiisa ganacsi laga raadiyaa, waa arrin adag.

Waxaan kabartay markaan aad u dhuuxay, Mohamed Yuunus, in Aqoonteenu haddii aanay bulshada isbadal nololeed u buurayn, jaahilka ka liidano. Ayaan kusoo gunaanadayaa.

Allaa Mahadeh

Ahmedckahin@gmail.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here