Maamulka Machadd-ka Al-fowz oo Abaalmarinno siiyey Ardaydii ku guuleysatay Tartankii Ramadaanka

0
250
Alfowz1

Hargeysa (SH)-Boqolaal ka tirsan Ardayda Machadd-ka Barashada iyo xifdiga Qur’aanka kariimka ah ee Alfowz ayaa shahaadooyin iyo abaalmarin kale oo lacageeddba ku maamuusay 15 arday oo kamidd noqday tartamayaashii u soo ku soo baxay kaalmaha 1-aad,2-aad iyo 3-aad oo ku kala tartamayey 15 Juz, ilaa 1 juz iyo inta u dhaxaysa.

Alfowz2Munaasidd gogal dhiggeeda si quruxbadann looga soo shaqeeyey oo lagu sharfayey isla  markaana lagu waynaynayey Kitaabka Ilaahay SWTC ayaa lagu hool-waynn oo lagu xardhay wajahaddiisahore magaca Machaddka Alfowz, waxaana munaasibaddaasi ka soo qaybgalay, maamulka iyo macalimiinta Machaddkaasi, Gudoomiyaha Degmada Maxamed Mooge, Mas’uuliyiinnkale, waalidiinta,martisharafkale iyo Boqolaalka arday ee wax ka dhigata Machaddkaasi oo ay horkacayaan guuleystayaashii tartankaasi Machaddka dhexdiisa ahaa oo Hablo iyo wiilalba isugujiray.

Alfowz3Layla oo ahayd xidhiidhiyihii daadihinaysay habsami u socodka munaasibadda xafladdaasi ayaa madashii xafladdaasi oo ilyarto isqabatay ku soo dhaweysay erayadann “markahore waxaann idinku salaamayaa salaannta islaamka, marka xnayigana waxaann idinku soo dhaweyaa inaadd  nagala soo qaygasheenn munaasibaddan qiimaha badann ee aynnu maanta ku maamuusaynno Ardaydii ku guuleysatay tartankii Machadka Alfowz”

Alfowz4Sacabka iyo Masharaxadda ayaa is qabsaday madashay markii ay Ardayaasi ku soo xaroonayeen kuraastii madasha xafladdu ka dhacaysay waxaanay madashaasi ku soo beeganntay maalinn Ramadaann ah oo khusuucdeeda iyo dareennkeeda gaar ahaaneedda lahayd.

AFOWZ5furitaankii xafladdaasi waxaa hadal kooban ku daah-furay Maamulaha Machaddaasi Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Cali waxaanu si ballaadhan ugu mahadd-celiyey daddweynihii kaladuwanaa ee ka soo qaybgalay munaasibaddaasi “maanta waa maalinn kamida maalmaha ilaahay ee qiimahabadann waana maalinn Ramadaann ah, waadd soo socoteenn socoddkiiniina wuu wanaaggsanaaday Jannadana waxaadd ka diyaarsateenn meel-ladago inshaa Allaah”

Alfowz6Gudoomiyaha Jamciyadda Qur’aanka Sheekh Cali oo kamid ahaa martisharaftii lagu soo casuumay munaasibaddaasi oo halkaa ka hadlay waxa uu ka warramay fadliga Kitaabka Ilaahay iyo ajriga  loo laab-laabayo Qur’aanka qof waliba inta uu ka akhriyo “odhanmaayo Alif laamm Miimm waa xaraf laakiin Alif waa Xaraf, Laamm waa xaraf Miimm-na waa xaraf midkastana waxaa loogu dhufanayaa qofkii akhriya 10 jeer ilaa 700 boqol oo jeer” sidaa  waxaa madasha ka sheegay Sheekh Cali.AI

Qaar kamida waalidkii Ardaydaasi oo ku hadlayey afka waalidiinnta oo halkaa ka hadlay waxa waxa uu sheegay inay muhiim-tahay shacabka reer Maxamed Mooge inay soo dhaweeyaan Maamulka Machaddka Alfowz isla markaana aadd ugu faro-addkaygaann Maamulaha oo ah ninn xaafidd ah”Degmada Maxamed Mooge shacabka dagganow waxaan idinn leeyahay ilaahay waxa uu inoo keenahy Cadd-ceedd soo baxday ee Macalinkaa Cabdullaahi ee Qur,aanka innnoo dhigaya waa inaan soo dhaweynaa isla markaana Madrasaddu kiray gashaaye ka saarraa kirada oo aan sanadkaa sanaddkiisa isugu imannaa dhisme aan kiro ahaynn oo uu Machaddka Alfowz iska leeyahay” ayuu yidhi.

AL1

“Ilaahay innaga oo kaashanaynna waxaann isugu imann doonnaa kulamo aann kaga wada hadlaynno reer Maxamed Mooge haddaannahay sidii aan Machaddkaa uga saari lahaynn kirada” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “goobaha kale ee waxbarashada waxaynnu ku bixinnaa lacago farabadann $100-ilaa 50 meelaha qaarkoodd Maddaaristii Qur’aanka ahaydna waxaynnu ku bixinaynaa wax $10” sidaa waxaa yidhi Aabe Axmed Ismaaciil oo ahaa Aabaha dhalay xidhiidhiyihii Barnaamijkaasi Mss leyla oo ahayd gabadh da’yar oo aad coddkar u ah “very orator”Sshabeel

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Odaday Xuseen Shabeell oo ku hadlayey afka odayaasha degmada Maxamed Mooge waxaanu sidii Axmed Ismaaciil oo kale sheegay inay ka Degmo ahaan diyaar u yihiin sidii ay u soo dhawayn lahaayeenn Machadka Alfowz iyo maamulkiisaba “waxaannu diyaar u nahay ka degmo ahaan inaannu soo dhawaynno Machaddka Alfoz iyo maamulkiisaba waxaanann ka shaqaynn doonna sidii aannu uga saari lahayn Kirada oo dhisme uu leeyahay Machaddku aannu ku helilahaynn” ayuu yidhi Oday Xuseen Shabeel.

ALFGudoomiyaha Degmada Mooge oo isaguna madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay ka maamul ahaann inay sifiicann ula socdaann kaalinta wanaaggsann ee Machadkaasi Alfowz kagajiro kobcinta waxbarashada gobalka Maroodi-jeex gaar ahaanna degmada Maxamed Mooge, waxaanu soo dhaweeyey Tartankii dhexmaray Ardaydaasi iyo Guulihii ay qaarkoodd ka soo dheelmeenn, isaga oo dhanka kalana sheegay Qur’aanka daddka bartaa inay ka fahmo iyo garasho wacann yihiinn kuwa kale ee aann barann qur’aan’ka “annagu waagii ananu dhigan jiray Jaamacadahada kuwii noogu fahmada wanaaggsan waxay ahaayeenn kuwii yaraantoodii ka soo baxay Madaarista Qur’aanka kariimka ah” ayuu yidhiAlf1

Qaarkamida Ardayda Machaddkaasi ayaa intii ay socotay xafladdaasi si goos goos ah ama dhextaalla ah ugu soo bandhigayey Anaashiidd Islaami ah oo soo jiidanaysay dareennka ka soo qaybgalayaashii xafladdaasi iyaga oo mararka qaarkooddna dadweynaha ku dul akhrinayey Aayadaha Qur’aanka ilaahay si codd macaanni ku dheehann yahay.AL2hadyadQdttAlfowz1

Gunaanadd iyo Gabo-gabo waxaa halkaasi Abaal-marinnno kala duwan oo ay lacagi kamid ahaydd lagu gudoonnsiiyey 15 kii Arday ee galay tartannkii gaalmaha ugu sareeya , waxaanay Abaalmarintaasi lacageedd u dhaxaysay $40 $20 iyo Kitaab Qur’aan ah Ardaygiiba,waxaana Ardayda abaalmarinntaasi gudoonnsiinayey Maamulka iyo martisharaftiikale oo madasha lagu soo sharfay ka soo qaybgalkeeda.

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here