Qaybta 3aad – Qiimo Dhaca Dalka iyo Dadka Marka Qaranka Loo Agaasimo Sidii Qoys

0
158
Horri

 Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!”

 Qaybta 3aadQiimo Dhaca Dalka iyo Dadka Marka Qaranka Loo Agaasimo Sidii Qoys

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Hargeysa (SH)-Laba sano ayaa laga joogaa curashada colaaddii ka dhex aloosantay Gacanka Carbeed. Loollanka siyaasadeed ee Imaaraatka iyo Sacuudiga oo dhinac ka soo wada jeeda iyo dalalka Qadar iyo Turkiga oo lid ku ah, waxaa uu dab ku sii qabtay dogobyadii ka holcayay Somaaliya. Dhimbilahu, waxaa ay soo gaadheen Geeska Afrika. Suudaan, 5tii June 2017, waxaa ay la safatay Xulufada Sacuudiga. Somaaliland waxaa ay ku biirtay 10kii June, Eretriya 12kii June iyo Jabuuti 14kii June. Balse, dalalka Itoobiya iyo Somaaliya waxaa ay ku adkaysteen in ay dhex ka ahaadaan gulufka Khaliijka.

Marka lagu xisaabtamo sayladda xoolaheenna nool, lana tixgeliyo dadkeenna faraha badan ee ku nool Imaaraatka iyo Sacuudiga, waxaa aan ku tollan nahay in aan taageerno Xulufada Sacuudiga. Ku dar, magaalada Dubai oo saldhigga u ah ganacsiga dalkeenna. Somaaliland waxaa ay asiibtay danteedii. Se, waxaa isweydiin mudan waxii aan kaga bedelannay Xulufada. Weliba, innagoo ugu sii darnay Deked Istraatiiji ah, Gego dheer iyo Saldhig Ciidan oo intuba is kor barkan marsada Berbera.

Warbixin uu soo saaray, Machadka Xidhiidhka Caalamiga ee Netherland “Clingendael”, April 2018, waxaa ku soo aroortay, dalalka Khaliijko, in ay geliyeen Geeska Afrika lacag ka badan $13 Billion, mudadii u dhexaysay 2014-2017. Deeqahaas, haba yaraatee, waxba kama soo gaadhin dalkeennu . Waxaana innaga reebay maqnaanshaha siyaasad cad iyo aqoon qotto dheer oo aan wax kula qaybsan karno asaageen.

Mar kale, Somaaliland waxaa ay ka gaabisay in ay badeecadeeda ku goosato qiimahii ay mudnayd. Runtii, Qiimo dhaca waxaa keenay taladii oo ku soo ururtay gacmo kooban iyo QARANKII oo loo agaasimay sidii QOYS (Qabiil). Xukuumadahii kala danbeeyay, ayaa ahaa kuwo aan u sahan tegin QARAN, iyo kuwo aan u talo badsan heshiisyadii ay la galeen shisheeyaha. Isla markaa, waxaa meesha ka maqnaa baqdin ay ka qabeen QARAN la xisaabtama. Nasiiib-xumo, ilaa haddana, isla giraantii ayaa wareegaysa. Sidaa awgeed, waxaa aan kor ka xaadinayaa sida weyn ee dalalka Geesku uga faa’iidaysteen heshiisyadii Khaliijka.

 Suudaan: Si ay ugu biirto Xulufada Sacuudiga, waxaa ay cawda u gooysay xidhiidhkii dalka Iiraan. Tallaabadaa, waxaa ay ku mutaysatay ($5 Billion) in uu ku abaal-mariyo Sacuudigu. Isla markaa, waxaa ay ciidan u daabushay Isbahaysiga Gacanka ee ka dagaalamayay Yamen. Madaxweyne Bashir, intaa kuma uu joogsan. Mar kale, December 2017, waxaa uu Khartoum ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kaasoo la safnaa Xulufada Qadar. Waxaana uu Turkiga iyo Qadar ku wareejiyay Jaziiradda Suakin si looga dhiso deked casri ah. Saukin oo laga difaaci jiray dhulkii barakaysnaa ee Xijaaz, (Makkah iyo Madiina) waxaa gacanta ku hayn jiray Cismaaniyiinta Turkiga (1555-1865).

March 2018, Al Bashiir, waxaa uu afar bilyan ($4 Billion) ku faasaxay dekeddii Saukin. Saamiga waxaa loo kala qaybsaday 51% Suudaan iyo 49% Qadar. Sidaa ayuu ahaa halbeegga caalami ee ay wax ku qaybsadaan hantiilaha dhulka iyo maalgeliyahu. Taasoo ka duwan 30%ka Somaaliland kaga soo hagaagay Dekedda Berbera. Ogow, Dekedda Jabuutina waxaa loo kala leeyahay 66% Jabuuti iyo 34%, DP World.

Cumar Al Bashir, waxaa kaloo uu ku dhiirraday in uu isku maalo dawladihii dirirto ka dhexaysay. Isla March, waxaa uu ka helay Imaraatku Carabta deeq lacageed oo dhan hal bilyan iyo afar boqol oo milyan ($1.4 Billion) si loogu agaasimo qiimo-dhac sarrif iyo sicir barar ka taagnaa dalkiisa. Shirkadda Ozturk ee Turkiga ayaa iyana amaahisay deyn muddo dheer lagu bixinayo oo dhan labo bilyan ($2 bilyan). Isla markaa, Sacuudiga oo aan ka maqnayn tartanka ayaa u oggolaaday in uu ka haqabtiro shidaal aad u jaban, oo lagu bixinayo muddo dheer.

Jabuuti: Dalku waxaa uu ku yaallaa buqcad istraatiiji ah oo u muuqata marinka Bab el Mandab ee isku xidha biyaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, ilaa uu ku shubayo Gacan Biyoodka Suez ee Masar. Jabuuti, iyadoo ay ku hareeraysan yahiin dalal ay ragaadisay colaaddu, sida Somaaliya, Eretriya iyo Yamen, waxaa loogu xillanayaa nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta.

Tirada yar ee dadka, dhulkuna uu ka sii yar yahay, waxaa u sii dheer, dalka oo sabool ka ah khayraad dabiici ah. Hase yeeshee, Madaxweyne Geelle, si xeeldheer ayuu u maareeyay badweyntiisa. Waxaana uu ku kulmiyay saldhigyo dalal aan isu san bannaaneyn, sida, Maraykan, Shiine, Faransiis, Jabaan, Talyaani, Jarmal, Isbayn iyo Sacuudi. Meesha, waxaaa aan ka maqnayn Itoobiya oo dekedaha casriga ah uga adeegta 100ka milyan ee dadkeeda iyadoo laga dhoofiyo ama laga soo dejiyo 95% baahidooda.

Shiinahu, waxaa uu geliyay Jabuuti maalgashi gaadhaya ilaa ($9 Billion) oo isugu jira dhismaha Dekedda casriga ah ee Dooraleh, Xarunta Suuqa Xorta ah ee ugu weyn Afrika ($4 Billion), Tareenka Korontada ee Jabuuti/Addis Ababa ($3.5 Billion), iyo Mashruuca Biyaha Itoobiya/Jabuuti ($300 million). Dhinaca kale, waxaa dekedda uga soo xerooda ($1-2 Billion) sannadkii. Kirada saldhigyadana, waxaa aan ka xusayaa Shiinaha ($100 Million), Maraykanka ($70 Million) iyo Faransiiska ($30 Million) sannadkiiba.

Haddaba, innagoo soo aragnay qiimaha dekedaha deriska, Somaaliland immisa ayay ku dheeftay Dekedeeda? Sida uu warbaahinta ka sheegay Wasiirka Maaliyadda ee Somaaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Dekadda Berbera waxaa ay ku kiraysan tahay $5 Million oo qudha, sannadkiiba. Dr. Sacad, waxaa uu ku ladhay, xukuumaddii hore in ay sii qadimatay kiradii 2018/2019! Hase yeeshee, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi ayaa madal ku beeneeyay warbixintii Dr. Sacad isagoo ku tiraabay kirada ay sii qaddimteen in ay ku koobnayd sannadahii ay xilka haysay xukuumaddii hore.

Sidaa awgeed, miyaanay fadeexad ahayn in Dekeddii Berbera lagu xaraashay faro-guudkood? Balse, maxay tahay ceebta ka weyn in shacabka hortiisa laga qirto sida loogu takrifalay hantidii ummadda taasoo aan gelin miisaaniyadda qaranka, kuna bixin sifo sharci ah? Maxaase lagu daadifayn karaa qormadaydan tibaaxaysa in QARANKII loo agaasimay sidii QOYS?

Waxaa dhici karta, dadka qaarkood in ay ku doodaan, aqoonsi la’aanta dalkeennu in ay keentay qiimo dhaca dalkeenna. Kuwaa, haddii ay ku qancayaan waxaa aan ugu warcelinayaa in ay milicsadaan warbixinta hoose oo biyo kama dhibcaan ah. Ha ila dhigteen sida Eretriya u maaraysay deked iyo saldhig ay heshiis ku la gashay Xulufada Khaliijka, xilli ay go’doon dhab ah kaga jirtay caalamka, isla markaana, ay ka maqaam hooseysay Somaaliland.

Eretriya: Waxaa ay ka go’day Itoobiya 1991. Waxaana loo aqoonsaday dal madax bannaan. Balse, waxaa ay lumisay aqoonsigii bulshada caalmka, markii lagu eedeeyay in ay dagaallo daandaansi ah la gashay Yamen, Itoobiya iyo Jabuuti. Sidoo kale, in ay gacansaar la lahayd argagaxisada Al Shabaab,  markaana ay farogelin mileteri ku sameysay Somaaliya si ay u dumiso xukuumad, waagaa, loo yagleelay.

Haddaba, 23/12/2009, Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa ka soo baxay Go’aan Tirsi 1907 kaasoo Eretriya lagu saaray cunaqabatayn dhinaca hubka, xakamayn dhaqdhaqaaqa madaxda dalka iyo xayiraad hantida xukuumadda iyo madaxda qaranka. Tan iyo waagaa, Eretriya, waxaa ay ku sugnayd, duruufo aad u qalafsan iyo go’doomin ay iska kaashadeen dalalka derisku, iyo Ururada caalamka sida Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika (AU), iyo Ururka Qaramada Midoobay (UN). Waxaana si qorshaysan la isaga hortaagay la dhaqanka adduunka ee dhinacyada diblomaasi, dhaqaale iyo ganacsi.

Ugu danbeyntii, Eretriya oo col la ahayd Jabuuti, waxaa ay ka faa’iidaysatay muran soo kala dhex galay Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti. Madaxweyne Isaias Afewerki waxaa uu la kulmay Boqorka Sacuudiga, 29kii April, 2015, isla maalintaa oo ciidamada Imaraatka laga eryay Jabuuti.  Sida uu u qorshaystay, waxaa uu qalinka ku duugay iskaashi dhexmara dalkiisa iyo dalalka Gacanka. Waxaa uu ku xisaabtamayay qiimaha adeegyada uu u fidinayo Xulafada iyo godobta dalkiisu uu ku mudan karo. Afewerki waxaa uu si weyn uga baaraan-degay in uu heshiiska ku dheefo dhammaan baahida dalkiisa. Nasiib wanaag, durba, wada hadaladii, waxaa uu ku jebiyay qufulkii saarnaa dalkiisa.

Heshiiskii Afawerki uu Jiddah kula saxiixday dalalka Gacanka, waxaa uu suurta geliyay in, July 2018, la soo afjaro colaaddii Itoobiya iyo Eretriya ee soo jiitamaysay 20 sannadood, taasoo sababtay dhimashada 100,000, iyo qaxa ama barakaca dhowr milyan oo qof. Xulufada ayaa dhexdhexaadisay labada dal, isla markaana, ku deeqday maalgashi lexaad leh oo lagu furdaamiyo colaadda labada dal.

Ka sokow, horumarinta dalkii, kabista miisaaniyaddii, dhismaha dekedahii, garoomadii iyo kaabayaasha dhaqaalaha, Madaxweyne Afawerki, wada xaajoodkii, waxaa uu ka dheefay nabad taam ah, la soo noqoshada dhulkii iyo dadkii (2 milyan) ay ka haysatay Itoobiya, 20 sannadood. Waxaa laga qaaday cunaqabatayntii adduunku saaray tan iyo 2009. Waxaana la filayaa, dhowaan, dekadaha dalka in uu uga soo xeeroodo dhaqaale balladhan iyagoo Itoobiya kula heshiiyay in ay adeegsadaan dekedaheeda.

Runtii, Eretriya oo ku jirtay xayiraad caalami ah oo ka hortaagnayd in ay la macaamisho adduunka, waxaa ay ku hanatay heshiiskii, wax kastoo ka maqnaa. Hase ahaatee, Somaaliland oo haysatay madax-bannaani (De Facto State) u jidaynaysay in ay heshiisyo buuxa la geli karto dalalka, shirkadaha iyo hay’adaha caalamka, waxba kuma ay dheefin heshiiskii dalalka Gacanka. Mana ay jirin wax kaga gudbanaa in ay dunida la gasho heshiisyo u qalma, aan ka hayn aragtideenna dhow iyo hankeenna gaaban.

 Itoobiya: Dalkaa oo dhaqaalahiisu aad u xidhxidhan yahay, dimuqraadiyadiisu aad u kooban tahay, nabadduna ciirciirayso, waxaa Xulufada Sacuudigu dhexdhexaadisay in uu Dekedda Berbera ku yeesho saami dhan 19%. Isla markaa, sannadahan danbe, waxaa uu ka helay dalalka khaliijku kaalmo gaadhaysa lix bilyan iyo laba boqol oo milyan ($6.2 Billion). Waxaana ugu danbeeyay 3.0 bilyan oo dollar ($3 Billion) oo ay ugu deeqday Imaaraatka Carabtu, June 2018. Ayaan-darro, dekeddii, garoonkii iyo saldhiggii ciidan waxaa ay innoo jareen daleel.

Isku soo xoori, haddii aan talada hareeraha laga wada joogin; haddii aan indheer-garadku mayalka u qaban qorshaha, sahanka iyo geeddiga QARAN; haddii aan la helin aragti QARAN oo loo dhan yahay; alaylahe agaasinka QOYS, ma uu deeqi karo QARAN. Nin anbaday halkuu aaday, way ula ekoonayde, Anigoo arkaayaan waddadii, eerigoo maraye.” Abwaan Axmed Dirir

Somaaliland, “Raqay Ninkii Lahaa Dabada Haysto Ma Kacdo Ayaa La Yidhaahdaa!” La soco Qaybta 4aad “Gunnaanad: Maxaa Ka Baylahay Somaaliland, Maxaase Talo Ah?” …………

Xassan Cumar Hoorri, Qoraa ka faallooda waayaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaa aad kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com, iyo hassan.horri@hornid.org ama ku raadraac Twitter @Horrimania

www.Somalihouse.com

Email:Somalihouse1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here